December 31, 2010
Jawaab Kaqaalkii Sool Socotaye Awdal Baa Xigi
Marka ugu horraysa waxaan salaan kal iyo laab ah hawada u marinayaa dhamaan akhriystayaasha sida joogtada ah u akhrista webka hadhwanaagnews. Haddii aan ka hadlo mawduuca aan ka hadlayo oo ah jawaab aan ka bixinayo maqaal ku soo baxay webka cadadyadiisii hore kaasi oo lahaa cinwaanka kor ku xusan.
Sida aynu ka warqabno Sool waa gobol ka mid ah goboladii Somaliland British Protectorate, hadana ka mid ah dalweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ha ka mid ahaadee muxuu kaga mid yahay? Waa su’aal furan oo u furan dhamaan shacabka reer Somaliland inay aragtidooda ka dhiibtaan.
Marka laga hadlo saami qaybsiga awoodaha dalka waxa inta badan shacbi-weynaha Beesha Dhexe ay ku doodaan in reer Sool, iyo Sanaag wax ka dhisteen Somaliland ayna ku leeyihin jagooyin ayna tahay inay aaminaan hadaan ka hadlo qodobkaas Beesha Sool iyo Sanaag waxa loo qoondeeyaa goobo aan ku munaasib ahayn saami qaybsigooda sida wasiirada meelo aan naf lahayn sida:
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta (Dalkana boost kama jirto, haday jirto waydun ii sheegi).
Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ( dalku malah wershado waaweyn oo la xukumo, dalxiisna hadalkisaba daa, ganacsigiisana waynu ka war haynaa.
W/xigeen ( oo ah mansab ku sime xil qof kale ).
Hadaba, Beesha oo degan dhulka ugu balaadhan Jamhuuriyadda Somaliland ma noqon kartaa dulsaar oo ma qaadan kartaa cad aan keeda ahayn? Dhamaan xilalka la siiyo Beesha Sool iyo Sanaag waa kuwo lagu qurxiyo hanaanka dawladnimada Somaliland si ra’yul caalamka loo khaldo looguna sheego in loo dhan yahay dawladda Somaliland.
Tan iyo intii lagu dhawaaqay gooni-isu taagga Somaliland, inkastoo badi reer Sool iyo Sanaag ka soo hor jeedeen dawladda Somaliland hadana waxa jiray asbaabo waaweyn oo oo sabab u ahaa arintaas iyadoo Beeshu u arkaysay inayna mudnayn inay ka qaadato mansabyo aan ku haboonayn balse loo baahan in si dhab ah wax la isugu darsado loona qaybsado jagooyinka dalka si loogu sinaado dawladnimada, halkaana lagaga saaro wixii is khilaaf ah;
Balse waxa aan bulshada Dhulbahante ka daadegayn noo noqdo raaciyad ? iyadoo la ogyahay in Bulshada Beesha Dhexe waxyaabihii ay uga hortimid dawladdii Siyaad Barre ay ka mid ahayd inay u arkaysay inay ku dulman tahay dawladnimadii markaa jirtay balse miyaan la odhan Karin wixii ay Beesha Dhexe ka cabanaysay wax u eg inay meesha yaallaan.
Waxyaabaha qosolka badnaa waxa ka mid ahaa in doorashadii u dambaysay ay u tartamayeen saddex musharrax iyo saddex ku xigeen oo kala ahaa:
Beesha Dhexe iyo
Beesha Boorame
Waxa su’aasha meesha taalay ay ahayd yaanu u codaynaynaa, yaase naga sharraxan ileen musharax walbe deegaankiisa ayaa laga taageerayaaye? .
Waxaan ka arkay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe oo leh maxay Beeshaasi u mucaaraday hanaanka dawladnimada Somaliland waa in siyaasiyiintooda hargeysa joogtaa soo celiyaan beeshoda sidaanu anagu beeshayada u soo celinay markay baxday waxaan odhan lahaa adigu Faysaloow waxaad u soo celisay beeshaada waxaad u arkaysay in danta Beesha Dhexe ay sidaas ku jirtay inay kala qaysanaadaana aaanay dan ugu jirin.
Balse siyaasiyiinta Dhulbahante ee Hargeysa kula jooga maxay soo celiyaan Beeshooda ma waxbaa loo ogol yahay mise raaciyad baad la rabtaa adiguba diidaye? adiguba Xisbigaaga wax ugama ogolide
Waxa jirta oo taa la mid ah in siyaasiyiin badan oo ka mid ah Beesha Dhexe ay ka mid noqdaan dawladaha soomaalida loo dhiso malaha dhankaa Somaliland xaga cadaalad soorka waa lagaga wanaagsan yahay waayo Isaaqa Xamar jooga waxa la siiyaa:
Ra’iisul wasaare xigeen.
Wasiirka Arimaha Dibadda
Wasiiro kale
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare
Dhanka Somaliland Madaxweynaha, Wasiirka Arimaha debedda, Maaliyadda, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu waa isku Beesha Dhexe (Reer Sh. Isxaaq) kkk.
Bal ila eega qodobada aan ka hadlay oo si degan iila akhriya (different between Somaliland and Somalia in the side of governmental distribution).
Waxa igu soo dhacday in in xaga cadaalad soorka iyo dawlad qaybsiga laga wanaagsan yahay.
Xitaa dawladdii Siyaad Golaha Sare ee Kacaanka oo ahaa ragii dalka haystay rag macno leh ayaa ugu jiray:
General Ismaaciil Cali Abokor
Gen. Axmed Xasan Muse
Gen. Laxwas.
Mudane Cumar Carte (Ra’iisul wasaare. Wasiirkii arimaha debedda.)
Ra’iisul wasaarihii u dambeeyay (alle ha u naxariistee Maxamed Xawaadle Madar waana jagada labaad.).
Su’aasha aan walaalahay weydiinaya wax weeyaan idinku markii aad taladii Somaliland qabateen xitaa wax kale iska daayee jagooyinkii aad ka hayseen dawladihii hore ee soomaaliyeed ma siiseen Beelaha Harti/Daarood iiga jawaaba please.
Adoo dulmi diid ah dulmi doon ha noqon.
Dhanka Awdal, ma garan cadaalad xumada ay la kulmeen Beesha Awdal waayo inta badan waxay helaan qaybo aad u waaweyn oo aanay helin beelo ka deegaan iyo dad badanba sida Madaxweyne, M/xigeen, Taliyaha Qaybta Booliska iyo jagooyin kale oo macno leh sida ku xigeenada xisbi kasta oo siyaasi ah iyo Udub oo ay Guddoomiye u yihiinba.
Inkastoo aan qoraalkayga ku dheeraatay anigoo ogsoon in shacabka reer somaliland ay yihiin umad iska xigta soomaalida kale waayo is dhexgalka wada dhalashada sida abti, inaabti, seeddi, awow, habaryar iyo ayeeyoba aynu nahay hadana waxa wanaagsan in wax la wada qabo cadaaladana la ilaaliyo.
Waxaan akhristayaasha sharafta leh ka raali gelinayaa ciddii dhibsata qoraalkayga waxaanna leeyahay waa fikir is weydaarsi iyo wada hadal walaatinimo.
Eng. Mohamed Sheekh
Email: gurey762@hotmail.com
