December 31, 2010

“Nasiib-darro waxa fara gelin cusubi nagaga timid Wasiirka Macdanta & Biyaha.” Maayerka Ceerigaabo

Harowo (Ceeri-gaabo) - Maayorka degmada Ceerigaabo Md. Ismaaciil Xaaji Nuur  iyo Golaha degaanka ee degmada Ceeri-gaabo ayaa si kulul uga soo hor jeedsaday isla markaana gaashaanka ku dhuftay talaabo isku day uu wasiirka macdanta iyo biyuhu ku doonayay inuu kula wareego wakaaladda biyaha ee degmada Ceerigaabo.

Hadaba maalintii shalay waxa shir jaraa’id oo ay arintaa kaga jawaabayaan xarunta dawladda hoose ee magaaladda Ceerigaabo ku qabtay Maayerka Md. Ismaaciil Xaaji Nuur iyo xubno ka tirsan golihiisa degaanka shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta Maammulka Degmada Ceerigaabo wuxu kaga hadlay aragtidiisa ku waajahan socdaalka wasiirkan iyo in maamul cusub loo sameeyo wakaaladda biyaha Ceerigaabo ee xilligan isaga iyo maamulkiisa hoos yimaadda.

Maayerka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Isagoo arrimahaas ka hadlayana wuxu yidhi “Tan iyo xilligii gooni isu taagga Somaliland 1991-kii dalkeennu wuxu ahaa, dal dawlad leh dastuur iyo shuruuc la dhigtay oo qoran golayaasha qarankuna ansixiyeen waxana dastuurka qaranka Qod-111 & 112-aad waxay qeexayaan wakaaladaha biyaha ee degmooyinka dalka in ay mas’uul ka yihiin oo xilkoodana ummadda u hayaan golaha degaanka iyo dawladaha hoose.

Waxa kaloo laga dheegey Xeer-No-23 oo ku salaysan gobollada iyo degmooyinka oo ah kan aannu ku fadhino ee nalaku doortay golayaasha qarankuna ansixiyeen faafintiisana leh xeerkaas Qod-37 wuxu qeexayaa wakaalada biyaha ee degmooyinka in ay ka yihiin mas’uul dawladaha hoose gaar ahaan goiayaasha degaannada iyo sidoo kale in golaha degaanku geli karaan heshiisyada horumarineed”.

Maayerku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Degmada Ceerigaabo waa degmada keliya ee aan biyaheeda la waayin wax qaylo ahina ka soo yeedhin waana degmada qudha ee aan weli xukuumaddu biyeheeda maalgelin ku samayn. Nasiib-darro waxa fara gelin cusubi nagaga timid Wasiirka Macdanta & Biyaha”.

“Waxannu saxaafadda iyo ummadda reer Somaliland u caddaynaynaa haddii shuruucdaas iyo dastuurka la laalay oo aanay shaqaynayn faafin ha lagu sameeyo oo ha laga sii daayo saxaafadda kala duwan hana la sameeyo shuruuc cusub oo lagu beddeley oo golayaasha qaranku ha ansixiyeen, haddiise shuruucdaas iyo dastuurku shaqaynayaan wareegto shaqayn mayso waxannuna madaxweynaha ka codsanaynaa in loo akhriyo qodobbadaas oo dib loogu noqdo sidoo kalena golayaasha qaranka wxannu ka codsanaynaa haddii golayaashii la baabi’iyey oo ay janjuun tahay in la faafiyo oo naloo soo sheego waayo waxa innoo dhexeeyaa waa dastuur iyo xeerar laakiin haddii waxaas oo dhan la iska indha tiro waa la isku dhacayaa”.

“Goalaha degaanku iyagoo dhammaystiran waxay go’aamiyeen in aan biyaha lagu wareejin karin wasaaradda macdanta iyo biyaha balse lagu wareejin karo Company shacbigu samaytaan. Wasiirka macdanta iyo biyuhu waxyabahaas oo dhan waa haystaa balse waa ka dhega adaygay umana jeedo”

“Ugu danbayn wasiirkan macdanta iyo biyaha waxannu ku casunney inuu shir golha degaanku fadhiyo uu noogu yimaaddo wuxuna yidhi ma arki karo idiinmana imanayo oo uu noo soo faray jawaabtaas badhasaab-ku-xigeenka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid wuxu kaloo sheegay in uu magcaabay maareeye cusub oo wakaaladda biyaha Ceerigaabo uu leeyahay ha lagu wareejiyo taasina xeerarka iyo shuruucda aannu hayno meelna kagama jirto”.

“Waxannu leenahay wasiirka macdanta iyo biyaha in badan ayaad Maraykan joogtey oo wad cusub tahaye shuruucda dalka akhriso waagas kaddibn haynoo ahaato haddiise shuruucdas aad laabtid wax ka xun oo an dalku u baahnayn ayaa ka imanaya gobollada dalka ee uu soo marayna wuxu ku yidhi heshiisyadiinna biyaha ku dhaqma markaa dalka ma laba dawladood ayaa kala xukuma ayaannu leenahay miyaan sharciga gobollada iyo degmooyinka Somaliland iskaga mid ahayn haddii uu halkan dan gaar ah ka leeyahayna ha noo sheego”.

Waxana suurto geli weydey Wasiirka Macdanta T. iyo Biyaha iyo Maayorka Ceerigaabo in kulan toos ah arrintaas ay ka yeeshaan, taasoo sida la sheegay wasiirku isku deyey si gaar ah in uu ul kulmo maayorka balse taasi beddelkeeda mayorku ugu jawaabey in maaddaama golihiisa degaanku kulan leeyihiin oo wada fadhiyaan wasiirkuna la kulmo golaha degaanka oo isu dhan, halkaas oo la isla dhaafi waayey.

Harowo Desk-news: Caarigaabo Somaliland

Login