December 30, 2010

La Taliyaha Siyaasada Ee Madaxweynaha Abiib Timacad Oo Laga Celiyay Irida Madaxtooyada Iyo Kala Qaybsanaanta Garabyada Siyaasadeed Ee Ku Hirdamaya Gabiley

Hargeysa (Harowo) - Mid ka mid ah siyaasiyiinta reer Gabiley ee sida wayn u la soo shaqeeyay Madaxweyne Siilaanyo isla markaana mucaaridadii ugu adkayd kula kacay xukuumada Madaxweyne Rayaale, mucaaridnimo darteedna isaga casilay xilkiisi wasiirnimo Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo xiligana ah La taliyaha dhinaca siyaasada madaxweynaha ayaa laga hor joogsaday inuu Madaxtooyada galo maalintii shalay.

Sida jariiradda Haatuf maanta daabacday Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo-cad) oo xiligan ku magacaaban la taliyaha siyaada ee madaxweynaha ayaa wakhtiga la iska hortaagay albaabka madaxtooyada doonayay inuu ka qayb galo shir Madaxweyne Siilaanyo la lahaa, siyaasiyiin ka mid ah beeshiisa.
 
Sidoo kale waxa jariiradu sheegtay in kala qaybsanaan dhinaca talada iyo cida loo daba fadhiisanayo arimaha Gabilay uu ka dhex jiro gobolka Gabilay, hadaba warka wargeyska oo dhamaystiran hoos ka akhriso.

Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timacd) ayaa la sheegay in shalay ilaalada madaxtooyadu dib uga celiyeen iridaka hore ee qasriga madaxtooyada, taas oo la sheegay inuu doonayay inuu ka qayb galo kulan ijeedadiisu ahayd in lagu xaliyo shaqaqada Ceel-Bardaale oo madaxweyne Siillaanyo uu kula lahaa madaxtooyada odayaasha iyo masuliyiinta labada beelood ee isku haysta deegaankaa Ceel-Bardaale ee ka soo kala jeeda gobolada Gabiley iyo Awdal.

Sida ilo wareedyadu sheegayaan ayaa waxa la sheegay  la taliyaha siyaasada madaxweyne Siillaanyo Abiib Diiriye Nuur oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gabiley markii laga celiyay madaxtooyada waxa  la sheegay in madaxweynaha kulan shira wada lahaayeen Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage, Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale iyo Badhasaabka Gabiley Rashiid Sheekh C/laahi (Rashiid-Xaraaro) oo la sheegay in lagaga wada hadlay sidii loo soo afjari lahaa colaada ka soo noq noqonaysa deegaanka Ceel-Baraadle.

Ilo ku dhaw dhaw madaxtooyada ayaa noo sheegay in markii ciidanka ilaalada madaxtooyadu hor istaageen la taliyaha siyaasada Siillaanyo inuu dib iskaga soo laabtay, ilaa haddana ma jiro war xaqiijinaya in amar lagu siiyay ciidanka ilaalada madaxtooyada iyo sababaha keenay in la celiyo, hase yeeshe waxaa loo malaynayaa in arrinkaasi la xidhiidho khilaaf u dhexeeya isaga Badhasaabka gobolka Gabiley Rashiid Xaraaro inay isku haystaan sida la xalinayo shaqaqada deegaanka Ceel-Bardaale iyo cida gaadh wadeenka noqonaysa dhinaca ka soo jeeda beesha gobolka Gabiley, Mr Abiib-Timacad oo ay jifo hoose isku yihiin ardaaga beesha Gabiley ka soo jeeda eek u doodaysa lahaanshaha deegaanka Ceel-Bardeele, taas oo tibaaxuhu sheegeen in in maalimo dhawayd la sheegay in Badhasaabka Gabiley  Mr Rashiid -Xaraaro  iyo Abiib- Timacad in arrimaha Ceel-Bardaale xalinteeda ay isku faro saareen, iskuna adeegsadeen weedho kul kulul oo huwan hanjabaado oo la xidhiidha cida loo dabo joogsanayo bud dhiga iyo ka ariminta shaqaaqada Ceel-Bardaale.

Wax kale oo wararku intaa ku darayaan in khilaafka awoodeed ee ka dhex taagan hogaaminta siyaasadeed ee gobolka Gabiley ee ka dhex aloosan labadaa masuul uu dabada ku hayo sidoo kale hawshii baadhista Hanti-dhawrka guud ee qaranku ka wadeen Gabiley, isla markaana ku amreen in la soo qabto  masuuliyiinta Musuqmaasuqa lagu eedeeyay ay si weyn ugu kala qayb sameen masuuliyiin ka soo jeeda gobalkaasi oo iyagu ku kala aragti duwan qabashada masuuliyiinta eedaysan in xabsiga loo taxaabo, kuwaas oo aan ilaa hadda aanay ciidamada Bilayska Gabiley aanay gacanta ku dhigin iyagoo ku sugan magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale.

Dhinaca kale ilo wareedyo ka ag dhaw qasriga madaxtooyada ayaa ayaa Haatuf u xaqiijiyay in la taliyaha siyaasada ee madaxweynaha Abiib Timacad ee madaxtooyada laga soo celiyay isaga iyo kooxda odayaasha ah ee garabkiisu ay shalay galab gurigiisa kula kulmeen madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Saylici  oo la sheegay in kulankaasi ay kaga dalbadeen inuu madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) la kulansiiyo, iyadoo sida tibaaxuhu sheegayaana lagu sheegay inay cabasho la xidhiidha badalkii lagu sameeyay taliyaha qaybta Bilayska Gabiley Maxamed Faarax Nuur oo sida la sheegay lagu tirinayay garabka Abiib Timacad ay kala hadleen madaxweyne ku xigeenka sidii dib loogu soo celin lahaa jagadiisii. 

Xigasho Wargeyska Haatuf

Login