December 30, 2010

Haween Cadaalad Daro Ka Cabanayay oo Mudaharaad Madaxtooyada La Hor-tagay Iyo Ciidanka Amaanka oo Xoog Ku Kala Dareeriyay

mudaharaad-small Hargeysa, (Harowo)-Haween tiro badan oo ka cabanayay cadaalad daro kaga dhacday maxkamadaha iyo hay’addaha garsoorka isla markaana ku dooday in laaluush si sharci daro ah looga qaaday ayaa maanta mudaharaad cabasho ah la hor tagay xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaaladda Hargeysa.

Haweenkan oo sheegay in Maxkamadaha oo ay uga dacwoodeen dhac, khiyaamo iyo boob lagula kacay, hasa yeeshee loola dhaqmay si sharciga ka baxsan oo laaluush iyo xukuno khaldan la isugu daray, haweenkan oo sitay boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo ay ku muujinayaan cabashadooda ayaa markii ay gaadheen albaabka Madaxtooyada iyagoo ku dhawaaqay cadaalad daradu ha dhacdo, laaluush qaatayaashu ha dhacaan, waxa si arxan daro ah u kala dareeriyay ciidamada amaanka.

Dhinaca kale mudaharaadkan oo kala xidhay jidka wayn ee badhtamaha magaalada Hargeysa, ma jirin cid ka tirsan dawlada ama wax masuul ah oo u soo baxay ama la hadlay oo cabashadooda ka dhegaystay, cida kaliya ee ay arkeena waxay ahayd booliska oo xoog u isticmaalay, inkastoo ay mudaharaad nabad galyo ah samaynayeen haweenkaasi.

Haweenkan ayaa ku dhawaaqayay in cadaalad iyo horumar u guura ay ugu codeeyeen dawlada xisbiga Kulmiye hogaamiyo balse ay taa badalkeedi kala kulmeen, cadaalad daro ka sii darta, laaluush sii kordha iyo xaq daro lagu xukumo.

Haweenkan ayaa ka isugu jiray, kuwo lacago faalso ah lagu dhacay, kuwo dhulkoodi laga qaatay ama lagaga muransan yahay, kuwo si khaldan loo dhacay kuwaas oo dhamaantood laaluush laga qaaday si xaq daro ahna loo xukumay, sida ay ku andacoodeen.

Markii la kala dareeriyay haweenkaas ayaa sida la sheegay la qab qabtay qaar ka mid ah haweenkaas gaar ahaan kuwii ugu dhiiranaa ama hormoodka ka ahaa kuwaas oo xabsiga loo taxaabay.

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa doorashadii madaxtooyada ku heshay inay wax ka qaban doonto cadaaladda, hasa yeeshee xaaladu way ka sii dartay sida dad badan tilmaamayaan, isku soo wada duubo, mudaharaadkan maanta ayaa kaga duwanaa kuwii hore, sida kooxihii haweenka ahaa u soo abaabuleen oo aad u saraysay, xoog siyaada ah oo ciidamada amaanku u isticmaaleen iyagoo aan wax rabshad ah samayn mudaharaadayaashu iyo wax masuul dawladeed ah oo aan la hadal ama aan isku dayin inuu qanciyo iyo jawaab la’aan ay cabashadoodi ku dhamaatay.

mudaharad-haween-3-1

mudaharad-haween-1

mudaharad-haween-3-21

mudaharad-haween-5

mudaharad-haween-6

Harowo Desk-news: Hargeysa Somaliland

Login