December 30, 2010
Faallo: Faro-galintii Shirka Golaha Dhaqanka ee Beesha J/Yoonis oo Aan la Mahadin, Isla Markaana Masuuliyiin Badan Galaafatay.
Kadib markii uu geeriyooday Alle ha unaxariistee suldaankii guud ee beesha Jibriil Yoonis, Suldaan Muxumed (Gurey Nuur), oo sideetamaadkii ay beeshu u cimaamaday inuu noqdo suldaanka guud ee beesha, kadib markii uu hawl-gab noqday suldaankii isaga ka horeeyey alle ha unaxariistee Suldaan Ibraahim Rijaal. Waxa la aas aasay gole dhaqan mudo haatan laga joogo sanad iyo dheeraad si ay usoo xulaan suldaan cusub, islamarkaana ay u daboolaan baahida reerka tan iyo inta la helayo suldaan buuxiya kaalinta banaanaatay.
Waxa jira shir golaha dhaqanka ee beesha Jibriil Yoonis mudooyinkanba uga socda Degmada Borama. Shirkan oo ah mid dhaqan waxa isugu yimid 21-ka ardaa ee ay ka koobantahay beeshu, si ay u samaystaan suldaan guud. Waxa 16-kii Dec-2010, gurigii shirku uga socday weerar qaawan kusoo qaaday wiilal yar yar oo aan xilkas ahayn oo xukuumada siilaanyo xilal uga dhiibtay degmada Boorama iyo gobolkaba.
Arintani waxay aad uga cadhaysiisay dadka ku abtirsada beeshan ayaheeda ka tashanaysay. Dal iyo dibadba waxa maamulka Siilaanyo loo direy digniino iyo dacwado ka dhan ah wiilasha kureyda ah ee duqeydii shireysay dusha kaga soo taleejiyey.
Somalidu waxay tidhaa “Nin yari intuu laan ka boodo ayuu talo ka boodaa.” Wiilashan oo aan waayo aragnimo u lahayn hab-maamulka dawladnimo iyo dad la dhaqanka, islamarkaana aan garanayn masuuliyada kuraasta lagu fadhiisiyey, ayaa boolis u kaxaystay ama amarba ku siiyey booliska inay weeraraan gurigii shirku uga socday odayada dhaqanka ee J/yonis.
Arintani waxay keentay in durba qaar ka mid ah ragii fool-xumadaa hormoodka ka ahaa shaqada laga eryo. Sida madaxii danbi baadhsita ee G/awdal iyo Kuxigeenkii taliyaha qaybta ee gobolka.
Sida aan ku helnay warar hoose, waxa la filayaa in inta hadhayna la xabed siibi doono. Sida Badhasaabka gobolka, Taliyaha booliska gobolka iyo xubno kale oo xilal ka haya booliska degmada Boorama iyo dawlada hoose.
Cabdilaahi Muuse
Email: cige_05@hotmail.com
