December 30, 2010

Hadaan Nahay Dhalinyrada Reer Awdal iyo Salal, Waxan Qanac Ka Taaganahay Rajadaan Ka Qabnay Somaliland!!!

jaamac-ilyaas-small Waxan halkan ka salamaya dhaman umada rer somaliland, waxan leeyahay sanad wanagsan ilahay sanadkiisa ha inagu gadhsiiyo cafimaad qab iyo barwaaqo hadaan nahay dhalinyarada Reer Awdal eejecel horumarka iyo sumcada wanaga gobolkayaga iyo dadkayaga waxan aad iyo aad ugu faraxnay shirkii jaraa’id ee qubtay siyasiga Maxamed Jaamac Abgaal, oo runtii ah halyay aan marnaba runta ka gaban, waxaan kaloon tageersanahay shirka malmahan uga socda beesh J/yoonis magalada Boorama.

Runtii shacbiga rer awdal waa dad nabada jecel, horumarka jecel inta badan neceb dhibta iyo colada marnaba aan uĀ  hor seedin wax nabad galyada khalkhal galinya, reer Awdal waxa manta hadheyay shirqoolo aad u fara badan oo ay ka mid yihiin dhulboob; marwalba dhinacyada ayaa lagag soo durkaya, taasna waxa keenay waa xukuumada u gaar noqotay beel gaar ah, taasoo fududaysay in la yidhahdo dawlad baa jirta, taasoy reer Awdal ay kaga jiranĀ  magac kaliya.

Barbari (basbaas ninkii bertay gubtaa ), waxyabaha S/land inagaga sobaxay waa wax inagu aan isu gaysanay, anagu hadan nahay dhalinyarada rer awdal iyo salal, waxan ad uga xumanay odayasha ama saladiinta gobolada awdal iyo salal inay marwalba ka seexdan iyagoo arkaya shiqoolada had iyo jeer lo maleegayo shacabka reer Awdal haday ka hadalan kaliya ay tahay malmaha ugu horeeya.

* Waxaa lasima oo lagaga marman ah in shacbiga rer awdal samaystan ciidan beled u gar ah oo nabadgalyadooda ilasha yanay isu halayn waxan ay ugu yeedhan ciidanka qaran o ah ciidan beeli iska ledahay oo nin nuuxtani la yidhhdo ka yahay masuul; oo dad nacay ku jiro.

* Reer awdal wa inay samaystaan urur isu xidhan dal iyo dibad loona doorto hogan kasoo sland iyo dawlad shaqo ku lahay.

* xuduudaha gobolada awdal iyo salal waa inla sugaa inagoo racayna xududihii dawladihii hore ,, si wada jir ah.

Waa in dadka lagu wacyi galiyo dal iyo dad jacal iyo inay ku bararugsanadan dufaca dalkooga iyo dadkooda yar iyo weyn qodobadas waa lagama marman madama oo ay dadkii an wax isu darsanay ay sidas yihiin marnaba anay garowsanayn in sland ay tahay wax lawada leeyahay oo anay cidi gaar u lahayn hadan nahay dhalinyarta awdal iyo salal waxan kaloon diyar u nahay inan garab istaagno qof walba oo ka hadlaha wadciga dhabta ah ee jira iyo sida rer awdal ay ugu dulmanyihiin S/land.

Waxan kaloon tageeraynaa cid kasta oo mujinaysa ficil wax ugu qabanaysa shacbiga lama marahababiyay ee laga dhadhiciyay dawlad baa jirta hadana ka qataan hadalkaygii waxan ku soo kobayaa siyasiga Maxamed Jaamac Abgaal waa halyay wanan ku tagersanahay sida wanagsan ee uga hadalay wadciga jira waan nin ku bararugsan siyasad xumada siranyo

Jaama Elyas

Email: s.jamac@hotmail.com

Login