December 29, 2010

Uruurka “SAMO FOUNDATION” UK, oo Hambalyo U Dirayaa Golaha Dhaqanka Beelaha Jibriil Yonis

Dhamaan Dhalinyarada ku midowday SAMO FOUNDATION UK ee kaso jeeda Beelaha J.yonis ee dagan wadanka uk . waxaan hambalyo iyo Taageeroba udirayaan hawlaha ay wadaan Golaha Dhaqanka. beelaha j. yonis ee lo fadhiyo in lagu so doorto hogaanka ama suldanka guud ee reerka .

Sidoo kale waxay Taageero lixaad leh u diraynaa Suldaanka la soo Dooran doono oo la garab istaagi doono wax aliyo waxii awoodayada ah.

Anagoo sidoo kale ugu baaqayna Goluhu inay soo doortaan Suldaan Aqoonyahan ah oo fahmi kara Dhalinyarada iyo waayeelkaba Si Habsami ahna u Hogaamiya Beesha Jibriil Yooonis.
waxanaan aad iyo aad ugu rajo waynahay in laso doorto suldaan aqoon yahan ah oo la shaqayn doona gude iyo dibadba sidi kor logu qadi laha wax qabadka beelweynta jibril yonis iyo sidi layskugu xidhilaha qurba joogta iyo kuwa wadanka jooga.

Beeshu waxay xaq u leedahay inay aayadaheeda ka tashato cid ay marti uga tahayna ma jirto. Anaguna hadaan nahay qurbo-jooga J/Yoonis ama uruurka SAMO FOUNDATION UK waxan si cad oo waadax ah isugu waafaqsannahay yar iyo wayn, rag iyo dumar in golaha dhaqanka ee beesha J/Yoonis yahay lama taabtaan. Waxan kalsoonidayada usiinay sida inta guduhuba ay usiisay, Waan garab taagannahay golaha dhaqanka ee beeshu yeelatay, cid faro-galisa ama kusoo xad-gudubtana aqbali mayno. Sakhsiga golahaasi usoo xulo hogaanka beelwaynta Jibriir waan soo dhawaynaynaa waanan la shaqaynaynaa. Waxa kaliya een aqoonsannahay wuxu noqon doonaa waxa golahaa dhaqanka ee beesha kasoo baxa, qof iska khalli wareegaya anagu dhageysan mayno.

Si kastaba ha ahaatee beeshani maaha mid cudud iyo caqli toona lagu muquunin karo oo waa beel ka shaadh-wayn. Cid kasta oo ka masuugta wada tashiga iyo isku duubnaanta beesha J/Yoonis waxan xasuusinaynaa inayna joojin karin ahdaaftooda iyo arimahooda u gaarka ah. Cidii danaha Jibriir Yoonis ka hortimaad waa cid DAAD socda ka hortegtay.

Aad iyo aad baanan ugu faraxsanahay hawl wadenada beesha sida habsamida ah ee ay u wadan hawsha waxaanan ilahay uga baryaynaa in ilahay u dhibyareeyo hawsha ay dhabarka u riteen in ay so gunanadan si quruxbadanna u so dhamato inshalaah .

By SAMO FOUNDATION - UK

Login