December 29, 2010

Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Taliyayaal Warbaahinta Eedaymo Isku Dhaafsadaan

Khilaafka Talisyada Ciidamadda Booliska Iyo Asluubta Waxay Astaan Cad u Yihiin Siyaasad La’aanta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Amaanka Dalka

Hargeysa (Harowo) - Labada Taliye ee Ciidamadda Booliska iyo Asluubta Somaliland ayaa hadalo ay warbaahinta isku mariyeen laga dhadhansaday sida aanay iskula jaan qaadin xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo kala daadsanaanta maamul ee ka dhex taagan laamaha ugu xasaasisan qaranka, labada taliye ayaa midna ku cawday in aanay jirin wax jeelal ah oo ay maxaabiista ku hayaan, isla markaana ay shaqadii jeelasha qabtaan, halka Taliyaha ciidanka asluubtuna waxba kama jiraan ku tilmaamay arintaas.

Sida muuqata labadan taliye ee ka wada tirsan xukuumadda kaliyii wuxuu muujiyanaa isla jaan qaadid la’aanta ka dhex taagan xukuumada Taliyaha Ciidanka Booliska Cilmi Rooble Fure ayaa isagu ugu yaraan dhawr jeer ku cawday in ciidamadiisu la tacaalayaan culays ba’an oo ka saaran dhinaca xabsiyada oo aan dalka ka jirin, isla markaana sheegay in lagu soo daayay boqolaal tuug ah, hasa yeeshee maalintii shalay ayaa Taliye Ku-xigeenka Ciidammada Asluubta Somaliland Xasan Cawad Cali, uu waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Cilmi Kabaal isla markaana cadeeyay in jeelashu sidoodi u shaqaynayaan.

Taliye Ku-xigeenka Ciidammada Asluubta Somaliland Xasan Cawad Cali, waxa uu si adag ula hadlay Xabsiyadda taliyaha boolisku sheegay in aanay jirin iyo tuugta la soo daayay “Maanta waxaan jecelahay inaan halkan ka bayaamiyo Warar soo noq-noqday oo Taliska Ciidanka Boolisku sheegay, markaa Aniga (Taliye ku-xigeenka Asluubta) iyo Taliyahay-guba waxaannu ka nimid Ciidanka Booliska, welibba Cilmi Kabbaal waa taliyahayga oo ammaan ayuu iga Mudan yahay. Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Asluubtu illaa Ingiriiskii wada shaqayn ayey lahaayeen oo naga dhaxaysay imikana ka dhaxaysa.”

Taliye Cawad, mar uu ka hadlayey Xabsiyada dalka ee shaqaynayey, waxa uu yidhi; “Annagu Xabsiyadayadii kale way Shaqeeyaan oo Xabsiga Gabiley ayaa u diyaar ah, Xabsiga Baligubadle ayaa u diyaar ah, Xabsiga Salaxlley ayaa u diyaar ah oo Xabsiga Mandheera ayaa u diyaar ah, laakiin waxa Sharci ah in Qofka marka hore Maxkamadi soo Xukunto, markaa Maxbuuska xukun ku dhaco annaga hawli naguma baaqsat xittaa haddii ay Jimce tahay mar allaala markaas Xukun dhaco ayaannu Maxbuuska qaadnaa oo Ciidanka Booliska ayaa qaada. Markaa, Annagu meeshan (Asluubta), waannu ku cusub nahay oo Ciidanka Asluubtu gaadiid badan malaha, hase ahaaatee, Sannadka cusub ayaannu rejaynaynaa in aannu helno Gaadiid, markaana waannu kala wareegi doonnaa Booliska.”

Taliyaha ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Dalka dhaqaallo daro ayaa jirta oo haddii ay yidhaahdaan Baligubadle geyn kari mayno waa runtooda oo Shidaalkii ayaa ku adag, laakiin dhib kale oo Ciidanka Asluubtu ku haysaa ma jirto. Maalin dhawayto Madaxweynaha Somaliland waa uu iskugu yeedhay Hay’adaha sharciga oo waxa joogay Wasiirka Arrimaha Gudaha,  Xeer ilaaliyaha guud, Guddoomiyaha maxkamada sare, Hogaanka ciidanka asluubta, Hogaanka ciidanka booliska, waxa laga hadlaayey oo Madaxweynuhu yidhi haddii la joojiyey Xukunkii deg-dega ahaa dambiyadiina sii badanayaan maxaa la yeelayaa.?”

“Waxa Guddoomiyaha Maxkamada sare go’aamiyey inuu Garsoorayaal geynayo Labada Saldhig ee ugu waa wayn si halkaas loogu Xukumo Maxaabiista dambiyada geysta oo aan Maxkamadba loo baahan, taanna Guddoomiyihii maxkamada sare ayaa balan qaaday, waxaase Shardi ah in Ciidanka Boolisku ay diyaariyaan Kiisaskii dadkan faraha badan ee ay Saldhiyada ku hayaan oo ay kii aan dambi lahayn iska sii dayaan.”

Hadaba doodaha iyo sheegashooyinka labada talis ee asluubta iyo booliska Somaliland ayaa u muuqda kuwo muujinaya khilaaf dhinaca wada shaqaynta ah oo labadda talis u dhexeexa sidoo kale waxay ka turjumayaan siyaasadd xumida xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee dhinaca amaanka dalka, waxaanay hadalanad is khilaafsan ee labada taliye ku soo beegmayaan xili ay kor u kaceen falalka dilka, dhaca iyo boobka ah ee laga dhex fulinayo magaalada Hargeysa oo kooxo tuugo aan noocooda hore loo aragi ku kacayaan, kuwaas oo shacbigu cabsi iyo argagax wayn ka muujiyay.

Harowo Desk-news: Hargeysa Somaliland

Login