December 29, 2010
Qaarad Kiro Ah: Afrika oo Shisheeye Wax ka Beeranayo Maloo Arki karaa ‘Gumeysi Cusub’
Sheeko xariiro hore u jirtey ayaa tidhaa Dadka reer Afrika waxay dhamaantood doonayaan inay dhul helaan si ay u beertaan ugalana soo baxaan nolol maalmeedkooda una helaan dhaqaale ay waxku baraan caruurtooda iyo waliba inay kor u qaadaan mustaqbalka reerahooda. Laakiin xaqiiqdu way ka duwan tahay sidaa waayo ma jirto cid doonaysa iney wax beertaan mid midka is ku dayaana kama keeno faa’iido muuqata si kasta oo ay dowladoodu iyo wasaaradooda u xil saran beeruhu ugu dadaasho in horumar laga sameeyo dhinaca beeraha.
Hadase waxa soo muuqata fikrad cusub oo ka soo ifbaxdey meelo ka mida qaarada taasoo odhanaysa “Oo Miyeynu dhulka ka kireyno shirkadaha Caalimiga ah ee iyagu awooda iyo Aqoonta u leh wax beerashada kuwaasoo iyagu raba Dhul ay wax ku beertaan”.
Hay’ada wararka ee Bloomberg News ayaa dhawaan ku warantey in shirkad reer India ah soona saarta cuntada ayaa Itoobiya ka kireysanaysa dhul ay dalagyo ku beerto waxa ka soo baxana lagu iibiyo suuqyada dalalka ku yaala bariga iyo koonfurta Afrika sida ay warbixintani xustay ninka madaxda ka ah shirkadan reer India oo magaciisa la yidhaa mr Sai Ramakrishna ayaa sheegay in shirkadiisa oo la yidhaa “Karuturi Global, ay qorsheynayso inay ka qayb galaan waxna ka iibiyaan suuqyada bariga Afrika iyagoo keenaya dalagyo ay ku beereen dhul ay dowlada Itoobiya ka kireysey.
“Shirkadan oo xarunteedu tahay magaalada Bangalore ee dalka India, ayaa waxay beeri doontaa dalgyo ay ka mid yihiin Saliid Saytuun( palm oil). Sonkor iyo bariis kuwaas oo ay ku beeri doonto dhul baaxadiisu tahay 312,000 hectares, “ujeedadu waa in cuntada ay soo saaraan ku iibiyaan suuqyada 19ka dal ee ku bahoobay Saylada Xorta ah ee Bariga iyo Koonfurta Africa (Common Market for Eastern and Southern Africa)” ayuu yidhi mr Karuturi mar lagu wareystey magaalada Addis Abeba.
Dowlada Itoobiya ayaa qorsheyneysa inay kireyso dhul gaadhaya 3 million hectares kana kireyso maalgaliyeyaal ajanabiah oo madax banaan mudo dhan shan sano gudohood si ay u helaan maalgalin iyo waliba dhaqaale abuuris caalimiya sida ay sheegta wasaarada beeraha ee itoobiya waxa uu dhulkaa ay kireynayaan leeg yahay cabirka dalka Biljim ee ku yaala Yurubta Galbeed.
Ujeedada ugu weyn ee shirkada Cuntada ee Karuturi waxa weeye inay dadka reer Itoobiya u qabtaan waxa ay iyagu qabsankari waayeen ama awooda u waayeen, sida la og yahay qofkasta oo reer Itoobiya ahi waxa uu sanad kii isticmaala 6 kiilo oo sonkor ah halka qiyaasta caalamka intiisa kale lagu qiyaasay in qofkastaa sanadkii isticmaalo sonkor gaadhaysa 30 klioo sababta ay Itoobiyaanku 6 kilo oo qudha u istic maalaana waa qiimaha sonkorta oom aad u sareeya gudaha dalkooda markaa sida uu sheegey madaxa shirkadan reer india sonkor iyo cuntooyin jaban lagan beeray dalkooda ayaanu ka iibin doona dadka Itoobiya waxa kale oo hoos u dhici doona guud ahaan qiimaha sonkorta iyo Cuntooyinka oo dhan ee suuqyada dalkaasi itoobiya iyo waliba kuwa qaarada oo dhan , Shrkadan reer india waxa kale oo ay heshiis keenista Bariiska ah kula jirtaa Dalka Itoobiya la jaarka ah ee Jabuuti waxa kale oo shirkadan iyo dalka kale ee Kenya u socda wada hadalo ay ku galayaan heshiisyo noocan oo kale ah kaasi oo la filayo in isna la saxeexo waqti aad u dhow.
Dhulka laga kireeyey shirkadan Karuturi Global ayaa ku yaala galbeedka itoobiya gobalka ku yaal ee la yidhaa Gambella region,Kaas oo uu ku yaalo wabiga la yidhaa Baro Rive. Shirkadu waxa ay qorsheyneysaa inay wax soo saarkeeda sii mariso wabigaa oo ay dhex mushaaxi karaan gadiidka biyaha dulmaraa si ay u gaadhsiiso waxa ay beeraha ka soo saaraan dalalka Yugaandha iyo Suudaan waayo wabigan ayaa isna ka soo bilaabma harada Fiktooriya, Shirkadau waxa ay sheegtey dhulkan laga kireeyey inuu yahay meelaha markoodii horeba ay dadka ku nooli aad u yaraayeen mana jirayso cid dhul ay degenaayeen laga rarayaa waayo markii horeba cidluu ahaa.
Hadaba waxa jira qolo aan rumeysaneyn warkaa ay shirkadani ku sheegeyso in dhulka ay kireysteen cidla ahaa qoladaasina waa urur u dhaqdhaqaaqa xuquuda aadamaha oo la yidhaa Solidarity Movement for a New Ethiopia. Oo xaruntoodu tahay Washinigton kuwaas oo shirkadan ku tilmaamay inay tahay Gumeysi Nooca Cusub ah waxayna sheegeen in dowlada itoobiya ku war galisay dadka ku nool ama ku dhow dhulkaa la kireeyey inay u diyaar garoobaan in loo raro meelo kale dhawaan inkasta oo aan wali cid la qasbay aaney jirin sidaa waxay ku qoreen bartooda Internetka ururkan la yidhaa SMNE.
Warbixintaa ay Ururkan Xuquuqal Insaanku qareen ayaa waxay ku tilmaantey heshiiskan ay galeen dowlada Itoobiya iyo Shirkadan reer india inuu la mid yahay heshiiskii ay qarnigii 19aad gumeystuhu ku qaybsadey afrika ee ka dhacay Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.
Maaha wax lala yaabo in warbixinta ururkan SMNE aanay lahayn cilmibaadhis lagu ogaan karo sidee ayaa u faa’iido badan dadka ku nool deeganaas marka la is barbar dhigo haddii dhulka la kireeyo iyo haddii aan la kireyn,hadaba waxa haboon in urukan SMNE iyo cidii kale ee ka soo horjeeda mashruucan dhulka lagaga kireeyey shirkadan reer India inay bal mar ka hore isku dayaan inay akhriyaan qormo is barbar dhigaysa arimahan iyo wixii khasaare iyo faa’iido laga heli karaba oo uu qoray ninka la yidhaa David Ricardo kuna sheegey in waxa ugu wacan ee ay itoobiya leedahay yahay dhul, xaga maalgaliyaaysha caalimiga ahina haystaan lacag iyo aqoon wax lagu qaban karo.
Markaa miyeyna ahayn in ay labada dhinacba faa’iidayaan hadii ay isku darsadaan kuna heshiyaan sidan imikaba dhacdey.
Waxaynu isweydiinkarnaa miyey dadka saboolka ah eek u nool dhulkaas iyo dowladooduba awoodi karaan inay wax uga soo saran karaan dhulkooda si la mida ah siday shirkadahan caalimiga ahi usoo saari karaan.
Waxase aad u khatar ah in shirkadahan ajanabiga ahi aqoonta iyo farsamada ay beeraha u leeyihiin u gudbinwaayaan ama ku tababari waayaan dadka udhashay dalakaa ay dhulka ka kiireysteen hase yeeshee imika ma muuqato inay shirkadan Karuturi damacsantey in aanay u gudbineyn aqoontaa dadka ku nool degaanadaa Gambela ee ay wax ka beeran doonto oo iyagu markooda horeba aan lahayn aqoonta beerha waayo waxay u badan yihiin dad raacda ama dhaqda lo’da.
Harowo desk-news
