December 29, 2010

Isku Shaandhayn Maanta Lagu Sameeyay Taliska Bilayska Gobolka Awdal oo Lagu Bedelay Koox Falaago ah oo Dadka Dhibtay

Boorama (Harowo) - Isku shaandhayn maanta lagu sameeyay taliska bilayska gobolka Awdal, ayaa waxa lagu bedelay qaar ka mid ah koox falaago ah oo ku dhex jirtay maamulka bilayska ee gobolka Awdal, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qayb ka ahaayeen shirqoolo iyo mu’aamarado la iskaga horkeenaayo ardaayada beelaha Samaroon ee degan gobolka Awdal. Isku shaandayntan lagu bedelay saraakiil ka mid ah taliska Bilayska, ayaa loo aanaynayaa cabashooyin isa soo tararayay waayadan dambe oo ka soo yeedhayay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Awdal.

Ugu horeyn taliye ku-xigeenka qaybta Boolsika Awdal, Cawil Abiib, oo dadka qaarkood ku tilmaameen inuu yahay “xadhig lama sitaan”, isla markaana lagu tuhunsanyahay inuu lug ku lahaa dambiyo badan oo la xidhhiidha dhinaca “Xuquuqal Insaanka”, ayaa xilkii laga qaaday, waxana xilkiisii lagu bedalay Sarkaal rug cadaaya oo la yidhaa Cismaan warsame Xijaab (Cismaan Harai).

Waxa kale oo dadka xilka laga qaaday ka mid ah taliyaha qaybta Danbi baadhsita ee G/awdal. oo Xuudka lagu magacaabi jiray. Ninkan ayaa sida warar ku dhaw dhaw bilayska magaalada Boorama sheegeen inuu hogaamiye u ahaa kooxdan falaagada ah ee ka dhex dilaacday bilayska gobolka Awdal, waxana lagu tuhunsanyahay inuu ka dambeeyay xadhigyo isdaba joog ah oo lala beegsaday dad faro badan oo dhawaanahanba loo taxaabayay xabsiga dhexe ee magaalada Booram, kuwaas oo sida la sheegay loo calaamadaystay beelaha ay ka soo jeedaan. Waxa ninkan Xuudka loo yaqaan lagu bedalay Maxamed Cabdilaahi Abraar (Shanqadh)

Sidoo kalena waxa la badalay taliyihii saldhiga Booliska ee Degmada Baki Mr. Cumar Taangi, waxana lagu badalay taliye ku-xigeenkiisii inuu si kul meel gaadha talada saldhiga u sii hayo.

Wararkan ayaa waxay intaa ku dareen in la filayo in isbedalo kale lagu sameeyo qaybo ka mid ah ciidanka bilayska iyo maamulka gobolka labada.

Harowo.com, Boorama, Awdal

Login