November 30, 2010

Waa su’aal Da’weyne Dalka Yaa Xukuma, Ma madaxweyne Siilaayo, Ma Chief Xirsi, Ma Usaama, Ma Qaar Aan La Sheegayn?

suukaanyo Tan intii loo doortey madaxweynaha Somaliland Axmed max’ed max’ud Siilaanyo, waxaa maamulka dalka ka muuqdey kala daadsanaan, is dhexyaac iyo kala danbayn la’aan saamaysay hayadaha dawliga ah intooda badan. Waxaa kaloo muuqata inay gacmo badan oo ka baxsan gacmaha madaxweynuhu ay fuliyaan ama ku adeegtaan awooda madaxtooyada. Waxaa mararka qaarkood dhacda, in dad aan awood sharciyeed u lahayni ay magacaabaan xilal kala duwan oo madaxweynuha oo keliyi awood u leeyahay magacaabistooda. Kuwaaas oo ay ka mid yihiin agaasimayaasha iyo la taliyeyaasha madaxweynaha. Waxaa la bixiyaa amaro badan oo aanu madaxweynuhu waxba kala socon, waxaa faro-gelin joogo ah lagu sameeyaa wasiirada iyo wasaaradahooda.

Hadaba, anigoo adeegsanaya xaqiiqooyin dhaba bal aan isku dayo inaan bidhaamiyo intaan awoodo waxayabahaa aan kor ku xusay. Ugu horeyn waxaa chief xirsi magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada isagoo ku magacaabay wareegto ka soo baxday madaxtooyada Somaliland bishii August ee sanadkan 2010. Waxuu kaloo magacaabey la taliyaha madaxweynaha ee arimaha sharciga isla bishii August ee sanadkan. Sida la wada ogyahay ninkii uu magacaabey la taliyaha arimaha sharciga ee madaxweynahu oo ahaa gar-yaqaan Ibrahim Iidle wuu ka cudur daartey xilkaa, isagoo u sheegay chief xirsina inaanu awood sharciyeed u haysan magacaabista xilalka noocan oo kale ah, cida awood sharciyeed u lihina ay tahay madaxweynaha oo keliya.

Waxaa iyana marag ma doona inay jiraan gacmo kale oo awooda madaxweynaha adeegsada, kana qayb qaata magacaabista xilalka wadanka ugu sareeya, waxaynu iyana soo qaadanaynaa xildhibaanada lagu magacaabo Ikraan  khudbad ay ka jeedisey xafladii madaxweynaha loogu sameeyey bariga London kuna sheegtey “inay marwada madxweynaha Somaliland ka dhabaysey balanqaadkii ay samaysey eeku  saabsanaa haweenka Somaliland. Waxayna marwadu dawlada ku dartey laba wasiir oo haweena”.

Bal u fiirso hadalkaa, yaa awooda lagu magacaabi karo wasiir iska leh?. Iyadoo ay goobtaa fadhiyeen madaxweynaha iyo marwadiisuba.

Waxaa kaloo iyana lagama maarmaana inaynu xusno sida wasiirada shaqadooda aanay ugu madax banaanayn, awoodna aanay ugu lahayn ay ku magacaabaan xilalka sharcigu xaqa u siiyey. Tusaale ahaan wasiirka wasaarada isgaadhsiinta ayaa magacaabey laba agaasime waaxeed oo wasaaradiisa ka tirsan kalana ahaa agaasimaha radio hargeysa iyo agaasimaha TVga qaranka. Saacado ka dib markii wasiirku xilalkaa ku dhawaaqey, waxaa u yeedhay chief xirsi una sheegay inaanu maacaabi Karin xil aanu xirsi ogayn, muran ka dib wuxuu xirsi maacaabey laba agaasime oo cusub oo ka mid ahaa weriyeyaashii u shaqayn jirey idaacadii kulmiye ee Horyaal, labadii agaasime ee wasiirku magacaabeyna sidii ayay xilkii kaga tageen.

Waxaa marar badan dhacda in chiefka iyo raga ay wada joogaan madaxtooyada ay qoraan qoraalo ay lacago kaga dalbanayaan wasiirka maaliyada taasoo baal marsan sharciga wadanka. Waxaase xusid mudan inuu wasiirka maaliyadu u sheegay chiefka inaanu bixinayn lacag sharci daro ah waana ugu hanbalyeynayaa wasiirka maaliyada arintaa, taasoo ku kaliftey chief xirsi inuu dekeda hoos keeno madaxtooyada taasoo iyana ah arin aad u foolxun kana hor imanaysa sharciga. “waxaa haboon inay wasiirada kale ee wadankuma isticmaalaan awoodooda sharciyeed oo ay ku daydaan wasiirka maaliyada”. 

Ta afraad waxaa dhacda marar badan oo madaxweynuhu  safaro debeda ugu baxo waxyaabo sharciga ka baxsan, sida: waxaa wadanka xiligaa madaxweyne ka sii ahaada, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxaa inta badan dhacda inuu madaxweyne ku xigeenku warbixin soo siiyo ku saabsan xaalada wadanku marayo madaxweynaha, waxaase ka dhacdey magaalada London in chief xirsi wuu warbixinaha ka dhegeysto madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirada, madaxda  sirdoonka iyo madaxda hayadaha kala duwan ee wadanka, isagoo bixiya amaro uu ku amrayo madaxweyne ku xigeenka iyo madaxda sar sare ee wadankaba.

Taasoo ah sharci daro inuu chiefku ogaado sirta iyo sirdoonka wadankaba. mana laha awooduu ku siiyo amaro madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada toona.

Waxyaabahaa aynu kor ku xusnay iyo qaar kaloo aynaan qormadeenan kooban ku soo bandhigi karini waxay inoo cadaynayaan wadada qaldan ee Somaliland ku socoto iyo sida aynaan u dareensanayn dhaawaca ay u keeni karaan maamulka wadanka khaladaadka noocan oo kale ahi. Waxay kaloo muujinaysaa arintani awood darada madaxweynaha Somaliland iyo sida aanu awood ugu lahayn gudashada xilka loo igmaday. Iyadoo ay muuqato daal badan oo ka muuqday madaxweynaha shirarkii uu kaga qayb galey London. 

Wuxuu jeediyey khudbado kooban oo aan macno badan xanbaarsaneyn, wuxuu khaldayey xidhiidhinta weedhaha uu u adeegsanayey hadaladiisa, waxaana ku adkaa akhrinta mararka qaarkood. Waana taa ta u saamaxdey ayaan qabaa dad aan la doorani inay awoodii wadanka gacanta ku dhigaan.

Gebagebadii, dadweynaha Somaliland may dooran chief xirsi, Usaama iyo cid kale toona ee waxay doorteen madaxweyne axmed M ax’ud siilaanyo, hadii madaxweynuhu xilkiisa gudan kari waayey sababo badan dartood waxaa haboon inaan xilka madaxweynanimo loogu adeegsan si maqaar-saarnimo ah ee xilka umada loo soo celiyo, dadweynuhuna  u dhiibtaan cidii ay u gartaan. Hadii kale waa inuu madaxweynuhu umada u muujiyaa awood-gudashadiisa xileed wadankana ku hugaamiyaa sifo sharciga waafaqsan.

Waxaana madaxweyne kuu sheegayaa inay warar badan oo ku saabsan awooda xil-gudashadaadu suuqa dhex mushaaxayaan. Waxaa kaloo waajiba inay hayadaha u xilsaarani hubiyaan lana socdaan awooda xil-gudasho madaxweynaha.

WA BILLHI TOWFIIQ

Farah Guuleed

Email: fuaad04@yahoo.co.uk

Login