November 30, 2010
Jawaab: Dawladdii Ugu Awooda Badnayd Somaliland by Ahmedweli Goth
Waxan jecelahay inaan isku dayo bal inaan faallo gaaban ka baxiyo su’aasha uu saaxiibkay Ahmedweli weydiiyey akhristayaasha: Weligeed Somaliland maantay ayey dawlad awood leh heshay, ayaa igu diidan? Ahmedweli hadalkiisa wuxu ku bilaabay in dawladda cusub lagu qiimeeyo 300 boqol oo cisho ee aan lagu qiimayn 100 boqol cisho oo keliya. Boqolka cisho horta maaha wax dadweynuhu doorteen balse waa miqiyaas (benchmarks) ay xukuumada lafteedu cayintay inay ku fuliso balan-qaadyadii siyaasadeed ee ay gashay xilligii ay ku jirtay ololaha doorashada.
Mudaddan boqolka maalmood ahi waxa weeyaan muddo beelweynta adduunyadu isla meeldhigtay oo lagu qeemeeyo dawlad kasta oo xukunka soo korta. Hadaba marka dhinac la isaga riixo dadka dawlada koleyba mucaarad ku ahaan lahaa, waxay dadka siyaasadda u kuurgalaa isku raaceen in boqolka cisho ee ay dawlada astaysatay, marka dhincyo badan la eego, ka hoosmartay waxqabadkii ay balanqaaday. Biriijka Hargeisa (Hargeisa Bridge) oo boqolkiiba siddeetan dhammaystirraa (80%) ayaa ugu jirey inay ku gebogebaysa 100 cisho, waxa ka qabsoomayna ma jira.
Dhinaca nabadgelyada waxaynu dhammaanteen wada ognahay in ciidan hubaysan oo ONLF ka soo jeedaa ka soo degay xeebaha galbeed oo weliba intii aanay imanba wardoonka Ethiopia sii hadal hayeen arrintan. Dawalda Axmed Silaanyo guuldarradan waxay dusha ka saartay dawladdii hore ee Rayaale iyo Inna Xudhuun oo ahaa taliyaha ciidanka ee aagaa, xilkiina kaga xayuubisay iyadoo halkiisiina lagu bedelay ciidan beelaad Hargeisa laga soo diray oo huwan magaca Somaliland. He became an escape goat for the failure of the government itself.
Waxan shaki ku jirin in dawladdii hore, ugu yaraan, xagga nabadgelyada aad ugaga horreysay dawladdan cusub.
Ahmedweli waxa uu carrabka ku dhuftay nasiib-darro arrin boog madow ku ah xukuumad kasta oo Somaliland ka dhalata: dilkii axmaqnimada ahaa ee safar (socoto) reer Awdal ah oo aan waxba galabsan qaybna aan ka ahayn colaadda Ceelbardaale ka oogan lagu laayey tuullada Kalalbaydh oo hilbahoodiina loo hayl haylay sida dugaaggu ka yeello ugaadha. Waxa cid kasta oo Somaliland joogtaa ka dheregsan yihiin in dilkan foosha xun ay ka dambeeyeen masuuliyiin waaweyn oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ee hadda tallada dalka haya.
Xataa Suldaanka guud ee beesha dhexe ayaa sheegay in cidda falkan gaystay dadwenaha Hargeisa jooga oo dhami ogyihiin. Haddaan ku xasuusiyo warraysigii uu Madaxweynaha hadda joogaa waa Siilaanyo eh uu la yeeshay idaacadda BBC-da laanta afsoomaaliga ee dhacdadan foosha xun ku saabsanaa wuxu ahaa sidatan: Waan ka xunnahay dilka meesha ka dhacay laakiin waxa masuuliyadda iska leh dawladda ku guuldarraysatay inay fuliso go’aannadii guddida Golaha Guurtida ka soo saareen dhulbeereedka la isku haysto ee Ceelbardaale.
Waxa la filayey inuu dawladda ku eedeeyo wax-ka-qabasho la’aanta dembiilayaasha falka geystay. Wuxuse doorbiday inuu yidhaahdo wixii uu is lahaa codbixin baad ku helaysaa. Waxaynu la wada soconaa in gudidani gaadhay go’aankeeda iyadoo dhinac ka mid ah beelaha dhulka ku muransani madasha ka maqan yihiin.
Haddaan u soo noqdo su’aashaada ku saabsan Ceelbardaale, maxay dawladda Siilaanyo arrintan ka qabtay illaa intii ay xukunka dalka la wareegtay? Jawaabta waa waxba (nothing). Reer Gabiley ayaa dhinacooda ka qaboojiyey colaada oo markii horeba bilaabay, dhul-doonna ahaa, markii ay heleen dawladdii ay ku taamayeen oo boqolkiiba boqol u codeeyeen. Welisa murankii halkii buu yaallaa; wax isbedel ah oo Ceelbardaalle ka dhacay ma jiro. Meel arrintan lagaga heshiiyeyna ma maqal.
Waa uun ay qabowday arrintu. Haddii dilkii afarta nin ee reer Awdal ahaa dawladdii hore wax ka qaban weyday, taa macneheedu ma aha inay tan dambe ee Silaanyo faraha ka laabato oo arrintu halka ku dhammaatay. Maxaa yeelay iyaday u taalla inay wax ka qabato (the case is still pending regardless of who comes to power), maadaama dalkoo dhan ay iyadu hogaamisa.
Waxanse aaminsannahay in arrintan carpet-ka hoostiisa lagu duugay, maxaa yeellay haddi la qod qodo waxa suurtogal ah inay dawladda lafteeda galaafato. Kalmadan aniga iga hoo: cid arrintan waxa ka qabanaysaa ma jirto, gaar ahaan mudada dawladdan jirto. Mark my word.
Haddaan ka hadlo xagga awood-qaybsiga ee dawladdan cusub, waxaynu dhamaanteen ka wada dheregsannahay in beelaha Somaliland degga ee aan ka ahayn beesha dhexe ka biyo-diideen sida maamulka loo qaybsadday. Waxan u malaynayaa inay arrintani marag ma doon tahay. Nidaamka dimuqradiga ah ee ay Somaliland ku faantaa kuma dhisna/salaysna xisbiyo ama mabda’yo siyaasadeed (political principles) marka aad gudaha u daadegto inkasta xisbiyo magac-u-yaal ahi jiraan.
Wuxu ku salaysan yahay beello iyo immisa wasiir ama agaasime ayaa la siiyey beel heblaayo. Beel kastaa xisbi ayey samaystay oo aan ka qarsoonnayn dadka Somaliland gudaheeda jooga. Sheekada ajanabiga loo sheego iyo tan taalla dalka waa laba wax oo aad u kala duwan (kaaf iyo kalla dheeri). Haddii roob yari cad-cadeeyey meelo yar oo ka midda gobolka Awdal, waxan ku xusuusinaya in meelo badan weli haraad jiro.
Waxa kale oo aad ogtahay in shaqaalihii dawaladda ee siyaasadda ka caagana la dareeriyey, laguna bedelay shaqaalle la soo macal-qabtay sidii oo ay wasiiro yihiin ama boosas siyaasaddeed. Aduunyada weli kama dhicin in shaqaale dawladeeda mar keliya ooda laga qaado. Maca jamaaca raxma.
Waxa nasiib darro ah inaan ku tilmaanta dadka xukuumadda Siilaanyo diidan beello yar oo mansab wasiir raadis ah. Waxaynu ognahay in suldaanada reer Awdal oo aanu mid keliya ka maqnayn ay cod isku midda ugu sheegeen Dr. Gaboosi in aanay ku qanacsanayn habka loo qaybiyey mansabyada dawladda., xaqii Awdal lahaydna meesha ka maqan yahay.
Ma labada wasiir iyo nuska ayaa noqday wax lagu faano? Ma waxad leedahay suldaanno kooban baa madasha ka hadlay? Mise waxad leedahay beel kooban baa suldaanada adeegsanyey? Waxan u malaynayaa waxa Rays Hotel ka dhacay wuu ka weynaa beello yar oo wasiir doon ah. Waa markii ugu horreysay ee aan arko Reer Awdal oo wax keliya wada raba.
Gun iyo gebogebo, waa iska caddaan in xukuumada Siilaanyo aanay wax kalsooni ah ka haysan beelaha Somaliland wadda degga oo dhan illaa beeshii u ka soo jeedo mooyee. Haddii aad leedahay beelaha Sool, Sannaag Bari iyo Awdal iyo Salal wax miisaan ah kuma yeelan karaan dawladdan, sheekadu waa mid aniga I dhaafsan.
Markaad Isku soo wada xooriso xukuumada Siilaanyo way ka gaabisay qorshayaashii siyaasaddeeda ee ay dadka codka kaga heshay ah xukuumad Somaliland oo dhan u dhexayse. Waxa kaliya ee ay ku guulsaystay waa xagga propaganda-da.
Waxan u malaynayaa in dhammaan dadweynaha reer Awdal, Sool iyo Sannaag Bari iyo weliba kuwo badan oo beelaha dhexe ahi kugu diidayaan in dawladan ay tahay sida aad adigu u aragtay. Waxan ku soo koobiyaa jawaabtaydan, Ahmedweli waxa haboonaan lahayd inaad akhrido maqaaladdii xidhiidhka ahaa ee uu wariye Hashim Goth ka diyaariyey xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo ee weliba ku soo baxay Awdalpress.
Halkaasaad jawaabta ka heli lahayd. Anigoo marnaba aan lahay dawladdii hore ee Rayaalle ayaa tan Siilaanyo ku wannaagsanayd, haddana wax muuqata in wax lagu amaano aanay samayn xukuumadan Siilaanyo.
Mohamed F. Yabarag
Myabarag@yahoo.co.uk
