November 30, 2010

Hurdayow Hadhbaa Galee Ka Tooseey - Qaybtii 2-aad

Degmada Wajaale oo Degaanka labaad ay ka yihiin Beelaha ADEN YONIS iyo REER FAARAX NUUR EE GADABUURSIGA Ayaa waxaa xilka Ku Xigeenka Duqa  ka ahaa nin ka soo jeeda Beelahaas an kor ku xusay.

Haddaba Wasiirka Arrimha Gudaha ayaa Isagoo wada qorshe Isir sifeyn ah Ninkaas Mayor Xigeenka ah eryay kuna Badalay Nin ay Mayorka Wajaale isku Beel  yihiin taasoo ka dhigtay Wajaale 3 deedii  Masuulba Niman Isku wada Beel ah oo ah SacadMusse (ISAAQ).

Ta Kalee jirta Waxaa Wasiirka Arrimha Gudaha u Tagey Niman Reer AWDAL/SELEL ah oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha shaqaalaheeda ka tirsan oo Codasadey in lo badalo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Seylac taasna wasiirku uu diiday wuxuuna ku jawaabay Adeer waa 3 Geesood waa Yaab kale Tuuladee Seylac Ka tirsan ee ISAAQ Degaan ka soo gala Waa la wada ogyahoo ma jirto ee Dhul Balaadhsi Isaaq iga dheh.

Waa Yaabe sIdan Wasiirada ISAAQ wax u wadaan Maamul Dawladeed ama Maamul Goboleed toona ma lagu wadaagi karaa. Jawaabtu waaa MAYA,MAYA, MAYA. Raalli ahaada saaxiibyaal waa hadh Cad oo na khiyaameyn maysaan

Iskuma eka la iskumana qaldi karo an Dawlad wada yeelanno iyo Anagu an Idinka idin Yeelanoo oo waa Caddaan in Arrinta soo shaacbaxday Beryahan ay tahay ANAGOO ISAAQ AH ayaa leh Dalka iyo Dadkaba Cid kalena ma jirto.

Waar bal Soomaaliyeey dhagaysta Nimankii xaq u dirika ahaan jirey ee Mudo dheer u halgamayay XAQ  iyo CADAALAD  oo Maantana isku badaly Gumaysi doon waa YAAB. Waxan Leehay Isaaqoow Waar Cid walba waa u Dan ee fadhigaas fadhi uga noqda.

Waxan Leehay Gadabuursow Xaqaaga u toos ileyn waligaa hurdo uun ku jiri maysid iyadoo xaqaagii la boobayee. Sidoo kale Wasaaradda Arrimah Gudaha Madaxdeedu maaha sided moodaseen ee Abeeso Dhul u eki yaanay kugu dilin.

Wabilaahi Towfiiq

Abdi Jama

Email: saylici12@hotmail.com

Login