November 30, 2010
Dilla Iyo Idhan Waa Inaan dhisannaa, Illayn Nabad Baa Dhacdaye!
Prof. Ismail ayaa markii uu Kulmiye galay yidhi HADDAAN KOOYAA oo macnaheedu yahay imigaan socdaa…. Sahankiisii maalintaa waa lagu guulaystay, ee laguma guul darraysan. Tolkii oo ay maalintaa siyaasaddu ka qaldanaydna maanta waxa ay diyaar u yihiin in ay 100% ku taageeraan siyaasadda uu u tusmeeyey, immigana waxan aragnaa in wax tarkiisii uu daalacay. Prof. Ismailla fikirka Kulmiye ku biirka kaligii kuma ahayne rag baa gudaha iyo dibaddaba kala socday.
Waxase nasiib darro ah in ay dad fidma wadayaal ahi shabakadaha qaarkood oo mucayin ah dagaal ka wadaan, iyaga oo immiga uun la ogaaday ujeeddada ay maalinba reer amma qof tolkood ah la dul korayaan. Taasina waxa ka markhaati ah sidii ay Mahomed X Obsiiye ay u maageen, kaddibna ay maanta aniga igula dul dheceen. Iyaga oo dagaal kula jira fikir kasta oo kooda ka duwan haddii ay arkaan.
Ma arko wax laga jawaabo oo ay shakhsiyaad la yaqaannaa qoreen, balse aan ka ahayn in aan idhaahdo….sharaftiinna inta idiin hadhay meel ha kaga dhicina….tolka inta idiin hadhay ee rajada idinka qabtana daysta. Cidda wax idinka dhacday, ee aad dacwadda u qabtaanna doonta.
Waxanan intaa uga gudbayaa in aan shacbigayga ku boorriyo, in aan dalkeennii dhisanno, oo aan daara dhaadheer ka jeexno Saylac, Dilla, Lughaya, Gebiley iyo Idhan, kaddibna sida aan u dhisnay Borama iyo Hargeysa aan u dhisno magaalooyinka kale ee Somaliland.
Way dhammaatay wakhtigii aan colaadda uun ku jirray, ee fikirka qaldan la innala dhex taagnaa. Siyaasadihii dagaallada sokeeye lagu kala macaashayey ee aan qoriga iyo rasaasta ahayna way dhammaatay. Ka immiga innoogu sheekeeyaana waa beenaale dan kale wata.
Ta kale ee aan farriin ahaan tolkay ugu dirayaana waa in aanay u dhaga nuglaan, sheeko qabiilaysi, oo lagu xod xodanayo. Oo laba qof oo dan lihi ay ku awro kacsanayaan sida uu Obsiiye sheegay. Xidhiidhkoodana ballaadhiyaan, oo aanay koobanayaal noqon.
Ma jecli in aan fara geliyo wax aan macno buuran lahayn amma qof loo nisbayn karo, sharaftaydana maaha in aan dad walaalahay ah oo aan dhalliilayo wax ka sheego. Laakiin siyaasaddu waxa ay u baahan tahay akhlaaq iyo barasho, cay iyo darbiyada oo madaxa lala dhaco kama soconayso. Haddii aad xisbi ahayd, oo lagaa badiyeyna wakhtigaaga sug. Hana ka cabannin xisbi aad ka soo horjeedday.
A. Goth
Email: shueebi@hotmail.com
