November 30, 2010

Dhaliilaha Ka Muuqday Xafladii Soo Dhawaweynta Madaxweyne Siilaanyo ee Magaalada Londo Iyo Su’aalaha KU Gadaaman Gudida Qabanqaabada!

*  Gudidii maamulaysay oo is dhex yaacaysay, wax maamulka ama hogaaminayaana uunan jirin.  (Lack of leadership, guidance and Confused.)

*  Waxaanan jirin wax maamul ah oo dadwaynaha lagu maamulo,(Crowd Control), iyadoo aad arkaysay, Fadhisinkii madaxwayanaha, wasiirada iyo marti sharaftii kale oo aad u buuxdhaafay, dadkii oo saf ugu jira inay ku dhowaadan amaba  doonayaan inay salaamaan madaxwaynaha , dadka badan oo fadhiya dhulka,iyo  iyadoo la buuxdhaafieyey halka laga hadlayo, (Lecturn).

Dadwaynihii oo qaarkood iskaga baxeen gaar ahaan, dadkii waawaynaa, iyo caruurtoodii, kadib markay arkeen inaynan meeshu dhaamin Ruwaayad ama Aroos, oo heeso iyo qaylo ka socoto.

*  Hoboladii heesayey oo dhibaato ka dhextaagnayd, iyadoo ay aad u farabadnaayeen ayna wada doonayeen inay heesaan, wax maamul ahna uunan jirin.

Hadaba su aalaha u baahan in layswaydiiyo mudan waxay tahay:

1.  Sidee ayay u dhici kartaa in madaxwaynaha sharaftiisii  madaxwayne nimo sidaas loogu tunto?

2. Sidee bay u dhacday in aany jirin wax sharci ah (Protocol) oo lagu maamulo xaflada?

3. Miyaanay jirin qorshayaal logu talagalay in lagu hogaamiyo dadwaynaha imanaya, (Programme, Process, and Procedure.)

4. Ma waxaa lawaayay hall ka wayn ka lagu qabtay xaflada, iyadoo la og yahay inay kumanaan qof oo reer Somaliland ah xafladaas imanayaan?

5. Gudida loo xilsaaray, soo dhowaynta madaxwaynaha, side loo xulay?

a-  Ma garansiiyo ayaa lagu xulay?
b-  Ma aqoon baa lagu xulay?
c.  Ma magac baa lagu xulay?

6. Miyaa laga waayay  wax aqoon iyo karti  u leh (Event Management) sidii loo abaabuli lahaa soo Xafladan taariiqiga ah, ee aanan markale inasoo marayn?

7. London ugu yaraan waxaa ku yaala in kabadan 5 kun oo masrax oo lagu qabto xafladaha nooc kasta, gudidu ma waxay kari waayeen inay soo baadhaan (Research) masrax kawayn oo qaada dhamaan dadwaynihii reer Somaliland ee dib loo celiyey, kuwa dhulka fadhiyeey, iyo kuwa dhaxantu debeda ku dishay?

8. Maxaa loo kala saari waayay xaflada inay tahay mid waqti lala qaadanayo madaxwayanaha, (question and answers session) iyo inay tahay mid music iyo dabaal deg (Celebration)? Waayo iskuma galaan dabaal deg heeso iyo  waraysi iyo wax iswaydaarsi madaxwayne lala qaadanyo!

Hadaba, Gudididii qabaan qaabisay xafladaii soo dhowayn madaxwaynaha, waxaan ku booriyaya inay raali gelin siiyaan, madaxwaynaha, shacbiga reer Somaliland iyo marti sharaftii kasoo qaybgashay.

 Waayo waxay meel wayn kaga dhaceen, sharaftii madaxwaynaha, tii marti sharafta, iyo shacbigii reer Somaliland ee lasoo lu gooyey, kuwii dhaxantu ku qabsatay debeda, iyo kuwii iskaga baxay meesha ee ay lama filaanka ku noqotay.

Regards.

Farah Ahmed. London. UK.

Source: Qaran News

Login