November 30, 2010

Cumar Jaamac Hadalkiisa Maantu Wuxuu Ka Dhigan Yahay Dhidar Onkod Kiciyay

Waxa shalay mar kaliya dhegaha shacabka sida Dhurdaha uga ag yuusay hadal Cumar Jaamac ku eedeeyay Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo uu Mr. Jaamac sheegay inuu lunsaday lacago, kuna kacay musuq maasuq, wakhtigii uu Cawil Wasiirka ahaa. Hadaba waxa qof kastaa is waydiiyay markiiba su’aalo tira badan oo ay ka mid yihiin, Cumar Jaamac ma baadhis loo diray buu natiijadeedi soo saaray?

Ma hanta dhawr buu ahaa? Maxaa xiligan ku kalifay inuu dhawaaqaasi ka soo yeedho? Hadaan jawaabaha su’aalahaas sida qof caadiya uga jawaabo, waxa cad in kaaf iyo kala dheeri ay marka horaba kala yihiin Cumar Jaamac iyo hadalka ka soo yeedhay, sababtoo ah Sida qof kasta oo reer Somaliland ahii ka dheragsan yahay Cumar Jaamac wuxuu ahaa raggii xukuumadii hore aadka u difaaci jiray, isla markaana hadh iyo habeen u heeganka ahaa inuu dhaliil iyo eed wixii loo soo jeediyo uu afka kaga boodo cidii sooba hadal qaada, xitaa hadii ay wax toosin ah ka hadlayso.

Haddaba, maanta miyaanu ahayn hadalkiisu in uu qabsin tuugo bartay qatane, si uu xuukuumaddan cusub uga helo boos uu uga guul wadeeyo, uu ku doonayo ciqaamadii ama kaadhkii uu ku shaqo gali laha? Sidoo kale miyaanay ahayn eedayntiisu saanbuuse laga eedaamay? Maadama oo uu Cumar Jaamac soo bandhigayo ama ku doodayo khalad la sameeyay isna ahaa qofka ugu difaacista badan.

Hadii aan si kale u dhigo taladu waxay u qurux badnayd arintuna u ekayd isagoo markii UDUB talada haysay waxa uu sheegayo soo bandhiga, taas oo noqon lahayd xaq uu ku adimay, laakiin maanta waxba kaa dhagaysan mayno oo arintaadu waxay u cadahay sida cadceeda in foofkuuni kaa galay meel kale, waxaad sheegaysaana aanu dan umadeed ahayne, aad dan iyo shaqo raadin ku jirto.

Dhinac kale hadaan arintan ka eegno Cumar Jaamac marka dib loogu noqdo hab dhaqankiisa iyo xirfadda kaliya ee uu aqoonta u leeyahay oo ah u guul wadaynta xukuumadaha, Malaga yaabaa inuu is yidhi booskii guul-wadayntu wuu ka banaan yahay xukuumadda? Sababtoo ah ceeb kuma aha qof sida ninkaas odayga ah oo kale inuu jagadaas u ololeeyo.

Dhinaca kale waxa taa ka markhaati furaysa sidii warbaahinta xukuumadu u buunbuunisay hadalkiisa. Sida ciwaanka qormadeenan ku cad, waxay Somalidu ku maahmaahdaa baribaa bahalka la yidhaahdo Dhidarka ama Waraabe oo aad u gaajoonayaa, maqlay onkod ama danab, waxaanu u qaatay geel ololaya, waxaanu isagoo faraxsan u cararay dhankii dhawaaqu ula ekoonaaday, balse afkuu ciida daray, markaa Cumar Jaamacow hadaad noqotay dhidarkii Onkodku kiciyay, waa mid la arki jiray.

Sidoo kale waxa hadalkii Cumar Jaamac ka mid ahaa inuu Wasiirku ku dhaqmi jiray, qabiil oo dhabarka ku xambaartay, waxaan taa ka odhan lahaa, shacbigu wuu ka dheragsan yahay midkiina qabyaaladda iyo reer dhinac saarka ku kacay, waana la wada ogaa wixii kaa reebay doorashadii golaha wakiiladda iyo in beeshaadu kugala garnaqsatay inaad ka baxdo UDUB.

Cumar Jaamac Haduu ka cadhooday guddada fulinta ee xisbiga loo xulay in magaciisa laga reebo, miyaanu qiimayn in mudo badan magac iyo mansab aanu kalidii xaq u lahayn ku fadhiyay, isla markaana loo tixgalinayay isagoon wuxuu u dhimo mooyee aan waxuu ku soo kordhiyo la arag, hadii Lilaahi loo hadlana aanay jirin.

Hadaan soo ururiyo mawduuca Cumar Jaamac mar Fartiisa la garay, marna ujeedadiisu halkay daaran tahay waa mid cad, marna wuxuu yahay iyo shaqada ugu wanaagsan ee uu yaqaanaa waa mid laga dheragsan yahay, markaa waxaa u ekayd inuu xaabo doonto oo galgalashadda iska daayo. “Ab-Askuul May Duushoy gadhka Daysato.” Ayuu yidhi Ninkii Jiray.

Qore: Iid Jiciir Aw-Axmed

Login