November 30, 2010
Dhan Xiir: Wager, adeer Ingiriis oo lixdankii xornimadaadii aad Xamar la doonatay hayso kuugu taagwaayey, maanta oo dunidu isku soo ururayso aqoonsi ku siin maayee, waxaan ku waydiiyey goormay xukuumadii Siilaanyo saxaafadda la colawday ilayn waatan sidii bisad jiir aragtay meelkasta eryanaysee, bal Xuutan wax baad naga qortay xabsiga lagu dhigay eega, ma Curadkii YOOL baa gurigiisii lagu weeraray, ma suxufiyiin kale ayaa gacmaha loola tagay oo hadidaado lagu sameeyey, cajiib. Saxaafadii reer KULMIYE shalay dugsiga u ahayd, goormay bahalo la takooro u noqotay. Waxaaba ka daran Sheekh Aadankii wadaniyadu dhiigiisa ku tallaalnayd ayey u miciyo lisanayaan. Jamhuuriya Online
