November 29, 2010
Xukuumada Axmed Siilanyo oo Maroorsatay Agabkii Loogu Deeqay Ururka Wadooyinka ee ASARDA, Isla Markaana Doonaysa Inay Jid Afar Kiloomitir ah ku Hanato Quluubta Dadweynaha Awdal/Salal.
Xukuumadda qabyaaladda iyo qaraabokiilka loogu wanqalay ee uu hogaamiyo Axmed siilaanyo waxay magac ku raadinaysaa jid afar kiilomitir (4 KM) ah. Hadii ay daacad ka tahay dhismaha jidka isku xidha Dila iyo Boorama afar kiilomitir lama shir-timaadeen, laakiin tani waa halagaa sheeg sheego. Afarta kiilomitir ee ay bilaabeenna waxan u aragnaa inay kasooni ku raadinayaan. Tolow tabashada reer Awdal/Salal ma afar Kiilomitir Oo Carro Loogu Shubay, daamurna dusha laga mariyey, dhawr bilood kadibna qolof dhacda baa ku filan bay is yidhaahdeen?
Jidka dhererkiisu waa 30 km. Sideed meelood marka loo qaybiyo inay xukuumadu tidhaahdo meel baan dhisaynaa caqli maaha. Haddii ay xukuumadu isleedahay kalsooni ku raadi way la wayday, xataa hadii ay sodonka kiilomitir dhisi lahaayeen lagama yaabo inay hanan karto quluubta dadka gayigan ku nool.
Xaqbaa loogu leeyahay xukuumadu inay wax ka qabato dhulka ay xukunto laakiin loogama fadhiyin afar kiilomitir. Jidkan dadbaa isku xil-qaamay oo hawshiisa gacanta ku haya, shicibkii dhulka lahaabaa dhisanaya meel fiican bay wax marayaan. Markaa waxay ahayd in xukuumadu iyaga ku taageerto wixii dhaqaale ah ee ay ku darsanaysana ku darsato mar hadaanay jidkii iyadu wada dhisayn.
Xukuumadii tan ka horeysay ee uu gadh-wadeenka ka ahaa Daahir Rayaale lafteedu way ku fashilantay inay 30-ka km ee rafaadka badan dhisto. Madaxweynaha hore wuxu kasoo jeeday degaankan ay xukuumada cusubi san-dareerada ku sasabayso, Laakiin nasiib-darro wuxu ahaa nin ay wali is weydiinayaan dadweynaha gobolada galbeedka ee uu kasoo jeeday, inkasta oo aan anigu horey ugu bixiyey ” Masuul xawilan”.
Madaxweynaha cusub ( hogaamiyiihii snm) oo aad moodo inuu wali aagii ugu jiro beelaha darifyada markaad eegto sida uu u qaybiyey xilalkii dawladiisa ayay la tahay inuu dadkan quluubtooda ku kasban karo jid afar kiilomitir ah. Durabaanada ay xukuumadiisu tumeyso ee i arkaay i maqlaayda ah waxan u arkaa inay ku qarinayso wax-qabadka dadweynaha, dumarkii dahabkoodii jidka u iibiyey, ciyaalo isgoolkii biri-riftoodii ugu deeqay, ururadii iyo qurbo joogii ka qayb qaatey iyo ta wali socota ee ururinteeda iyo u diyaar-garowgeeda la wado dal iyo dibadba.
Xukuumadda Axmed siilaanyo waxay maroorsatay deeqdii ay labada xawaaladood ee Telecom iyo Dahabshiil ugu deeqeen ururka wadooyinka gobolada Awdal/salal ee marka magaciisa lasoo gaabiyo la yidhaa ASARDA, deeqdaas oo isugu jirtay lacag iyo daamur.
Deeqdan labada xawaaladood bixiyeen waxay u isticmaalaysaa afarta kilomitir. Iyadoo xaalku sidaa yahay ayay hadana meel kasta la taagantahay durbaan ” waxan dhisaynaa jidkii Dila iyo Borama u dhexeeyey”.Nimankan waxa kasoo socota inay mustaqbalka fagaarayaasha lasoo istaagaan afartaa km ee bililiqada ah, oo ay inna yidhaahdaan jidkii Dila iyo Borama ee wiilkiinii idiin dhisi waayey waakaa Axmed Siilaanyo dhisay ee sacabka u tuma.
Arintani waxay i xasuusisay ninkii ishinka iyo adhigaba buuxay ee intuu neef kale quudhi waayey naylka yar soo qabtay halkii ay ka ahayd inuu culimada neef shilis oo balaayo xijaab ah u shidheeyo. Bakheylkii intuu nayl yar gawracay ayuu sanadkii oo dhan balooy baydhaa hayey, illeyn waa nin aan waligii iska daa ishine waxar bir dul qabane ” waar illeyn bakheyl nayl gawracay balooy baydh badanaa”.
Jawhar Qalinle
Email: Korwaayeel@hotmail.com
