November 29, 2010

Qaybaha Kala Duwan ee Saxaafadda Somaliland oo si Kulul u Cambaareeyay Sida ay Xukuumadda Siilaayo Ula Dhaqanto Suxfiinta Madax Banaan.

Dhamaanba Warbaahinta kala duwan ee ka hawl gasha Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa ku tilmaanay habdhaqanka Xukuumadda Siilaayo ee saxaafadda madax banaani “inay tahay mid sharci dalka ka baxasan”. Xukuumadda Siilaayo ayaa tan iyo intii ay xukunka dalka la wareegatay cabudhaad iyo cago juglayn joogta ah ku haysy saxaafadda madaxa banaan. Suxufiyiintan shirka jaraa’id qabtay ayaa waxay dhamaantood isku raaceen in xadhiga tifaftiraha Waaheen Media yahay mid halis ku ah madax banaanida Saxaafadda Somaliland. Hoos ka dhegeyso hadaladii halkaa laga jeediyay

Get Flash to see this player.

Login