November 29, 2010
Jawaab: Doodii uu Furay Axmed Wali Sh. Cumar Good
Marka hore waxan salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah. marka xigta waxan soo dhawaynayaa dood uu furay Axmed wali goth oo ah tifatiraha shabakada Awdalpress.com oo soo ban dhigay su aashan: “Waligeed somaliland maanta ayay dawlad awood leh heshay. Ayaa taa igu diidan?”
Ka hor intaanan ka dhiiban fikirkayga su aashaas iyada ah waxan gun dhig uga dhigi lahaa doodaydani inan ixtiraamayo ra,yiga walaalkay axmad wali good balse aan dood ka qabo fikirkiisa. fikirka iyo aragtida waa lagu kala duwanaan karaa oo bini aadamka labadii wada dhashayba waa ay ku kala tagi karaan fikirka sida iiga cad in walaalaha ilma sheekh cumar good oo ah rag wada aqoon leh isla markaana uu ilaahay ku manaystay aqoon iyo aftahan-nimo hadana aad moodaa fikradaha ay ka qabaan dawladan axmad siiraanyo kuwo ah kaaf iyo kala dheeri.
Hadaan dib ugu yar laabano markii uu ku dhawaaqay axmad siiraanyo golihiisa wasiirada waxa laga waraystay laanta afka soomaaliga ee VOA da bashiir sheekh cumar good oo anigu aan ugu yeedho mujaahid bashiir sh.cumar good waxana uu ku tilmaamay dawladani axmad siiraanyo inay tahay dawlad lagu saleeyay qabiil qayaxan oo dhinac ka raran. mudo gaaban kadib waxa dhacay shirkii tol council oo ahaa mid aad loogu rajo waynaa qabsoomidiisa iyo midho dhalkiisaba.
Shirkaasi oo uu xubin firfircoon ka ahaa bashiir sh.cumar good oo ahaa afhayeenka hogaanka tolka.waxana uu soo saaray mujaahidku bayaankii tolka oo ku soo kala baxay afafka ingiriiska iyo soomaaliga. waxa xasuus mudan nuqulkii bayaanka tolka ee uu soo saaray wargayska afka dheer ee haatuf waxaa ciwaan looga dhigay sida tan:
Bayaankii shirkii aqoonyahanka gadabuursi (Tol) oo ay ka dhex muuqdaan xubnaha somaliland diidka ah waxa ciwaanka jariidada iyo labada sadar ee ka hooseyaba uu iftiinka ku jeedinayay prof. axmad ismacil samatar oo uu ku tilmaamayay inu yahay ninka somaliland diidka ah ee hagayay shirkaasi. markaan akhriyay ciwaankaasi waxaan aad ula yaabay ninka ku soo qoray jariirada warkaasi waxana uu ahaa Hashim goth.
Dawladaa dhinaca ka raran ee uu tilmaamay abwaan bashiir ee lala wada yaabanaa ayaa hadana waxaa ka daba imanaaya qoraalka maanta an ku arkayo shabakada awdalpress ee uu inyar ugu gaadhay axmad wale good inu ku tilmaamo dawladani axmad siiraanyo mid la mid ah tii khulafaa u raashidiintii.
Dadka qaar way is odhan karaan waa dimuqraadiyad in nin walbaaba uu fikir gooni ah la yimaado halka ay dad kalana is odhan karaan waa masraxiyad ama ruwaayad loo matalayo dadka oo beerka jecli xaydha jecli ah. siday doontaba ha ahaatee aniga iima muuqato wax aan ugu tilmaamo dawladani mid awood leh waayo awooda waxan u aqaanaa midnimada, midnimaduna waa wax wada qaybsiga iyo wadaaga waxay ku timaadaayi balse dawladan maanta jirta ee qabiilka kaliya isku wada sharaxay uma arko inay awood ledahay, waana ay muuqataa halka ay kalsoonidii beelaha darafyadu maanta marayso.
Hadal iyo dhamaan axmad waliyaw anigu waxan u arkaa uun dawladaa reeraysan mid aanay waxba ka soconayn taariikhdaana ka markhaati kici doonta waxase an talo kugu odhan lahaa dadku waa u xor inay mucaaradaan iyo inay raacaan dawlada sidaa idinka wada dhashayba aad kala tihiin. laakiin adigu uma tihid siiraanyo iyo dawladiisa afhayeen ee ka fiirso marka aad ku hanjabaysid sida tan:
(Kuwaasina inta ka sii hadhay xididdada ayaa maalin dhow loo siibayaa. Qayladii ay maalmihii doorasha wadeenna waxa ay immiga ku sii hadhay carruuro ku feegara meelahaa InterNetyada iyo woxoogaayo dumar ah).
Waxa igala haboon inad ixtiraamto dadka kale ra,yigooda oonad ku tilmaamin caruur iyo dumar. xataa caruurta iyo dumarka laftoodu maaha inad xaqirto waayo dumarku waa hooyooyinkeen, walaaleheen iyo xaasaskeenii. caruurtuna waa caruurteenii e maxaad jiridaha ugu goyn inader halkii aad ka tilmaami lahayd ee ad ka dhiiri galin lahayd. mise hadalkaagu waa baroortu orgiga ka wayn talaw.
Wa bilaahi tawfiiq
Khaalid Xasan Aloore
Email: khaalid52@hotmail.com
