November 29, 2010
Hal-beega Axmedwali Goth Wax Ku Eego, Ma Wuxu Noqday Wasiirka Naxaabiista iyo Colaadii Ceel-Bardaale ee Kulmiye Hurin Jiray?
Salaan akhristayaasha, Waxan akhriyey maqaal uu axmedwali goth mal-maluuqay oo uu nuxurkiisu ahaa ” xukuumadda Siilaanyo waa tii ugu fiicnayd ee somaliland soo marta, uguna nabad galyada wacnayd”. Runtii waa hadal aan laga fiirsan oo si fudud uun la iskaga yidhi. Markaan wiilkan hadalkiisa dhan walba ka joogsaday wuxu kusoo ururay labo arimood oo labaduba khuseeya ardaaga uu axmedwali kasoo jeedo.
Ta koowaad waa wasiirka naxaabiista (ismaaciil lug-yar) oo wiilkan qaraabo dhaw ay yihiin hadaanu adeerka labaadba ahayn. Arinta kale ee uu axmed wax ku qiimeeyey waa Ceel-bardaale oo uu yidhi tan iyo intii Kulmiye xilka qabtay way nabdoontahay.
Arimahan inaan ku fogaado ma doonayo diyaarna uma ihi inaan tar-tansiiyo xukuumadan iyo tii hore oo anigu ma ihi machadkii u qaabilsanaa. Laakiin waxan uu axamedwali ka hadlay waa wax qof walba u cad hal-beega raaska(jufada) ee uu la guclaynayo waa loo jeedaa. Walaalkay waxan xasuusin lahaa intii kulmiye talada la wareegay adeerkiina wasiirka naxaabiista noqday in dalka khataro badani ka dheceen.
Tii ONLF ay bad iyo bariba isaga gooshtay, iyo colaada gobolka Togdheer ee illaa imika xalkeeda loo fadhiyo. Hadii arinta Ceel-bardaale xal laga gaadhi lahaa oo ay xukuumada Axmed siilaanyo waji cusub u furtay waxaad sheegayso waan kugu raaci lahaa. Xukuumada cusubi shaqada iyo lacagta uun lama wareegin ee kiiska dhagartii ka dhacday jidka kala baydh waxay ka midtahay waxyaabaha ay xukuumada cusubi la wareegtay, axmadow xukuumada aad u sacab tumaysaa wali miyey soo hadal qaaday arintaa? Waamaxay waxa isbedelay ee aad sheegaysaa? maxaa is bedelay sow wax walba halkiisii ma taagna oo la iskuma khuurinayo.
Midda kale kulmiye waa kuwii dilalka iyo colaada ceel-bardaalaba ka dambeeyey ee soo maleegi jirey oo dano badan bay ka lahaayeen markaa imikana iyaga uunbaa dhaqaalihii iyo dhiiri galintii ay shiftada siinayeen joojiyey. Dhagar-qabayaashii buuraha ku dhuumaalaysan jirey xiligii UDUB, Markii Kulmiye yimid waa kuwii madaxtooyada horteeda ugu hanjabay wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee ay ku yidhaahdeen reer Nuur baad nooga eexateen.
Taasi waa cadaymaha loo hayo in dilkii halkaa ka dhacay uu ahaa wax kulmiye ku lug lahaa. Waan kugu raacsanahay inay xukuumadii hore waxba ka qaban wayday dilkii xaq-darada ahaa ee loo geystay dadkeenna. Hadii uu dilku ahaa mid siyaasadaysan oo ujeedooyin badan lahaa sidaas darteedna ay xukuumadii hore ugu dhiiran wayday wax ka qabashadiisa, tan cusubina tahay tii waxanba ka dambaysay oo aan rajo laga sugayn, miyaanay ahayn in dadkii ama beelihii ragga laga laayay ay jawaab ka bixiyaan isla markiiba.
Illaa imika maxaa ka hortaagan, sow kuwaa nimanka dhulbahante hal wiil oo maalin Kalshaale si gar darro ah loogu dilay todaba ugu aar guday. Markaan sida gorayada madaxa ciidda wada galinno ayaan hal qof oo kursigiisa ilaashanayay ceebteena ku qarinnaa.
Cabdisalan Aadam
Email: aadami1988@hotmail.com
