November 27, 2010

Taageerayaasha Cabdiraxmaan Saylici oo Quus Iyo Waji Gabax Kala Laabtay Hall Ku Yaala Bariga Magaalada London, oo Xaflad Loogu Sameeyay Siilaanyo.

London - Sida wararku sheegayaan waxa quus iyo waji gabax kala laabtay Hall weyn oo ku yaal xaafada la yidhaa White Chapel oo ku taal bariga magaalada London raxan kamida taageerayaasha Cabdiraxmaan Saylici, oo halkaa u tegay inay ka qaybgalaan xaflad soo dhaweyn iyo is waraysiy ah oo ay taageerayaasha Siilaanyo soo abaabuleeen.

Sida ay dad xoog ogaal u ah arintan iyo shabakadaha taageera Saylici oo ay kamid tahay Mysomaliland.com soo gudbiyeen waxa loo diiday in ay meesha xafladu ka dhacayso fooda soo galiyaan niman aad u taageera Cabdiraxmaan Saylici, oo u badanaa niman odayaala oo ay jufa hoose wadaagaan Abdiraxmaan Saylici.

Kuwaas oo marka hore ujeedadoodu ahayd in ay Siilaanyo umuujiyaan in jufada Cabdiraxmaan Saylici ee Bahaber Celi ay 100% taageersantahay dawlada Siilaanyo, laakiin nasiib daro waxa Siilaanyo iyo inta ku xeeraniba u muujiyeen inaanay wax tixgalina u hayn nimanka odayaasha ah ee isku xilqaamay inay muujiyaan taageerada bilaa shuruuda ah ee ay u hayaan dawlada Siilaanyo, kuwaasoo iyaga oo aan kafiirsan waxa meesha kaga soo bixi doona ku qamaamay goobta kulanku ka socday.

Waxayna dadbani aaminsanyihing in ay dhacdadani cadaynayso sida aanay wax tixgalina ugu hayn Madaxweyne ku xigeenka Saylici masuuliyiinta dawlada Siilaanyo iyo madaxda xisbiga kulmiyaba.

Waxa kaloo la sheegayaa in diidmada loo diiday taageerayaasha saylici ay ka timiday kadib markii Xirsi oo “cheif of the cabinet-ka” Siilaanyo ahi uu ku adkaystay in aanan loo ogolaan dad aan Hallka kulanku ka socday.

Quljeed.com

Login