November 2010

November 30, 2010

Dhan Xiir: Wager, adeer Ingiriis oo lixdankii xornimadaadii aad Xamar la doonatay hayso kuugu taagwaayey, maanta oo dunidu isku soo ururayso aqoonsi ku siin maayee, waxaan ku waydiiyey goormay xukuumadii Siilaanyo saxaafadda la colawday ilayn waatan sidii bisad jiir aragtay meelkasta eryanaysee, bal Xuutan wax baad naga qortay xabsiga lagu dhigay eega, ma Curadkii YOOL baa gurigiisii lagu weeraray, ma suxufiyiin kale ayaa gacmaha loola tagay oo hadidaado lagu sameeyey, cajiib. Saxaafadii reer KULMIYE shalay dugsiga u ahayd, goormay bahalo la takooro u noqotay. Waxaaba ka daran Sheekh Aadankii wadaniyadu dhiigiisa ku tallaalnayd ayey u miciyo lisanayaan. Jamhuuriya Online

Waa su’aal Da’weyne Dalka Yaa Xukuma, Ma madaxweyne Siilaayo, Ma Chief Xirsi, Ma Usaama, Ma Qaar Aan La Sheegayn?

suukaanyo Tan intii loo doortey madaxweynaha Somaliland Axmed max’ed max’ud Siilaanyo, waxaa maamulka dalka ka muuqdey kala daadsanaan, is dhexyaac iyo kala danbayn la’aan saamaysay hayadaha dawliga ah intooda badan. Waxaa kaloo muuqata inay gacmo badan oo ka baxsan gacmaha madaxweynuhu ay fuliyaan ama ku adeegtaan awooda madaxtooyada. Waxaa mararka qaarkood dhacda, in dad aan awood sharciyeed u lahayni ay magacaabaan xilal kala duwan oo madaxweynuha oo keliyi awood u leeyahay magacaabistooda. Kuwaaas oo ay ka mid yihiin agaasimayaasha iyo la taliyeyaasha madaxweynaha. Waxaa la bixiyaa amaro badan oo aanu madaxweynuhu waxba kala socon, waxaa faro-gelin joogo ah lagu sameeyaa wasiirada iyo wasaaradahooda.

More

Ailing, Weak and Forgetful President Silanyo is Trying to do his Best to Lead Somaliland into the Path of Recognition.

siilaanyo-small1  The president who is currently visiting UK after receiving a private invitation from a British lawyer of Somaliland origin is said to be over 75 years of age and has been involved in Somali politics since the early sixties. He has spent much time, effort and money to sit on the presidential seat of  the breakaway republic of Somaliland. He was eventually elected in  the second Somaliland presidential elections in July 2010 after a huge media campaign and support from the Diaspora and foreign countries that have interest in the region.  Most people in Somaliland believe that these elections were ambiguous and orchestrated and were hugely supported by countries from the EU and North America.

More

Cumar Jaamac Hadalkiisa Maantu Wuxuu Ka Dhigan Yahay Dhidar Onkod Kiciyay

Waxa shalay mar kaliya dhegaha shacabka sida Dhurdaha uga ag yuusay hadal Cumar Jaamac ku eedeeyay Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo uu Mr. Jaamac sheegay inuu lunsaday lacago, kuna kacay musuq maasuq, wakhtigii uu Cawil Wasiirka ahaa. Hadaba waxa qof kastaa is waydiiyay markiiba su’aalo tira badan oo ay ka mid yihiin, Cumar Jaamac ma baadhis loo diray buu natiijadeedi soo saaray?

More

Hogaanka Sare Ee Kulmiye Oo Si Weyn U Dhaliilay Siyaasada Arrimaha Gudaha Ee Xukuumada Siillaanyo

Hargeysa - Masuuliyiinta sarsare ee xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa si weyn u dhaliilay siyaasada arrimaha gudaha ee xukuumada madaxweyne Siillaanyo ay dalka ku hogaaminayso, isla markaana ay ku tilmaameen hadalkii wasiirka arrimaha guduhu Dr. Maxamed Cabdi Gaboose kaga hadlay waftiga Puntland ee socdaalka ku jooga Buuhoodle aanu ahayn mid ka turjumayay goni isutaaga madaxbanaanida Somaliland iyo barnaamijkoodii xisbiga KULMIYE lagu soo doortay.

More

Dhaliilaha Ka Muuqday Xafladii Soo Dhawaweynta Madaxweyne Siilaanyo ee Magaalada Londo Iyo Su’aalaha KU Gadaaman Gudida Qabanqaabada!

*  Gudidii maamulaysay oo is dhex yaacaysay, wax maamulka ama hogaaminayaana uunan jirin.  (Lack of leadership, guidance and Confused.)

*  Waxaanan jirin wax maamul ah oo dadwaynaha lagu maamulo,(Crowd Control), iyadoo aad arkaysay, Fadhisinkii madaxwayanaha, wasiirada iyo marti sharaftii kale oo aad u buuxdhaafay, dadkii oo saf ugu jira inay ku dhowaadan amaba  doonayaan inay salaamaan madaxwaynaha , dadka badan oo fadhiya dhulka,iyo  iyadoo la buuxdhaafieyey halka laga hadlayo, (Lecturn).

More

Hoos Ka Dhegeyso Hees Cusub oo La Magac Baxaday “Awdal Waa Dalkaygii….oo Waan Dhisaayaa”.

Get Flash to see this player.

Jawaab: Dawladdii Ugu Awooda Badnayd Somaliland by Ahmedweli Goth

Waxan jecelahay inaan isku dayo bal inaan faallo gaaban ka baxiyo su’aasha uu saaxiibkay Ahmedweli weydiiyey akhristayaasha: Weligeed Somaliland maantay ayey dawlad awood leh heshay, ayaa igu diidan? Ahmedweli hadalkiisa wuxu ku bilaabay in dawladda cusub lagu qiimeeyo 300 boqol oo cisho ee aan lagu qiimayn 100 boqol cisho oo keliya. Boqolka cisho horta maaha wax dadweynuhu doorteen balse waa miqiyaas (benchmarks) ay xukuumada lafteedu cayintay inay ku fuliso balan-qaadyadii siyaasadeed ee ay gashay xilligii ay ku jirtay ololaha doorashada.

More

Dilla Iyo Idhan Waa Inaan dhisannaa, Illayn Nabad Baa Dhacdaye!

Prof. Ismail ayaa markii uu Kulmiye galay yidhi HADDAAN KOOYAA oo macnaheedu yahay imigaan socdaa…. Sahankiisii maalintaa waa lagu guulaystay, ee laguma guul darraysan. Tolkii oo ay maalintaa siyaasaddu ka qaldanaydna maanta waxa ay diyaar u yihiin in ay 100% ku taageeraan siyaasadda uu u tusmeeyey,  immigana waxan aragnaa in wax tarkiisii uu daalacay. Prof. Ismailla fikirka Kulmiye ku biirka kaligii kuma ahayne rag baa gudaha iyo dibaddaba kala socday.

More

Hurdayow Hadhbaa Galee Ka Tooseey - Qaybtii 2-aad

Degmada Wajaale oo Degaanka labaad ay ka yihiin Beelaha ADEN YONIS iyo REER FAARAX NUUR EE GADABUURSIGA Ayaa waxaa xilka Ku Xigeenka Duqa  ka ahaa nin ka soo jeeda Beelahaas an kor ku xusay.

More

November 29, 2010

Hoos Ka Dhegeyso Hadalkii Tafatiraha Wargyska Yool Maxamed Cabdi Curad, ee Shirkii Jaraa’id ee Warbaahinta Maxa Banaani Ku Cambaareeyeen Xukuumadda Siilaayo

Get Flash to see this player.

Qaybaha Kala Duwan ee Saxaafadda Somaliland oo si Kulul u Cambaareeyay Sida ay Xukuumadda Siilaayo Ula Dhaqanto Suxfiinta Madax Banaan.

Dhamaanba Warbaahinta kala duwan ee ka hawl gasha Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa ku tilmaanay habdhaqanka Xukuumadda Siilaayo ee saxaafadda madax banaani “inay tahay mid sharci dalka ka baxasan”. Xukuumadda Siilaayo ayaa tan iyo intii ay xukunka dalka la wareegatay cabudhaad iyo cago juglayn joogta ah ku haysy saxaafadda madaxa banaan. Suxufiyiintan shirka jaraa’id qabtay ayaa waxay dhamaantood isku raaceen in xadhiga tifaftiraha Waaheen Media yahay mid halis ku ah madax banaanida Saxaafadda Somaliland. Hoos ka dhegeyso hadaladii halkaa laga jeediyay

Get Flash to see this player.

Siilaanyo oo Marlabaad Ku Ceshay Inuu Ahaa Deegaanka Bula-cado Wado Halaq Mareen ah Iyo Dareenka Dadwaynaha Awdal & Salal.

Boorama (Harowo) - Daraato oo ay waraysi la yeelatay idaacada BBC-da Madaxwyne Siilaanyo ayuu wuxuu marlabaad ku celiyay hadal hore uga soo yeedhay xukuumaddiisa, kaas oo ah in Degaanka Bulo-cada yahay wado halaq mareen ah oo cadawga Itoobiya, Jabuuti iyo Somalilandba iska soo maraan, iyaga oo adeegsanaya dadka meesha dega. Hadalada nuucaas ah ee beenta ah ayaa waxay dhiiga ku kiciyaan dadka reer Awdal/Salel. Hadbada hoos ka dhegeyso Weriyaha Harowo.com ee Boorama oo wax ka weydiiyay sida ay u arkaan hadalka madaxweynaha qaar ka mid dhaliyarada Boorama.

Get Flash to see this player.

Xukuumada Axmed Siilanyo oo Maroorsatay Agabkii Loogu Deeqay Ururka Wadooyinka ee ASARDA, Isla Markaana Doonaysa Inay Jid Afar Kiloomitir ah ku Hanato Quluubta Dadweynaha Awdal/Salal.

Xukuumadda qabyaaladda iyo qaraabokiilka loogu  wanqalay ee uu hogaamiyo Axmed siilaanyo waxay magac ku raadinaysaa jid afar kiilomitir (4 KM) ah. Hadii ay daacad ka tahay dhismaha jidka isku xidha Dila iyo Boorama afar kiilomitir lama shir-timaadeen, laakiin tani waa halagaa sheeg sheego. Afarta kiilomitir ee ay bilaabeenna waxan u aragnaa inay kasooni ku raadinayaan. Tolow tabashada reer Awdal/Salal ma afar Kiilomitir Oo Carro Loogu Shubay, daamurna dusha laga mariyey, dhawr bilood kadibna qolof dhacda  baa ku filan bay is yidhaahdeen?

More

Hal-beega Axmedwali Goth Wax Ku Eego, Ma Wuxu Noqday Wasiirka Naxaabiista iyo Colaadii Ceel-Bardaale ee Kulmiye Hurin Jiray?

Salaan akhristayaasha, Waxan akhriyey maqaal uu axmedwali goth mal-maluuqay oo uu nuxurkiisu ahaa ” xukuumadda Siilaanyo waa tii ugu fiicnayd ee somaliland soo marta, uguna nabad galyada wacnayd”. Runtii waa hadal aan laga fiirsan oo si fudud uun la iskaga yidhi. Markaan wiilkan hadalkiisa dhan walba ka joogsaday wuxu kusoo ururay labo arimood oo labaduba khuseeya ardaaga uu axmedwali kasoo jeedo.

More

Jawaab: Doodii uu Furay Axmed Wali Sh. Cumar Good

Marka hore waxan salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah. marka xigta waxan soo dhawaynayaa dood uu furay Axmed wali goth oo ah tifatiraha shabakada Awdalpress.com oo soo ban dhigay su aashan: “Waligeed somaliland maanta ayay dawlad awood leh heshay. Ayaa taa igu diidan?”

More

Weligeed Somaliland Maanta Ayey Dawlad Awood Leh Heshay - Ayaa Taa Igu Diiddan?

Boqolkii casho ee lagu qiimaynayey dawladda cusub ee Somaliland waxa aan anigu uga dhigay 300 oo casho. Sababta oo ah immiga ayaabay hawshiiba bilaabantay. Waxanan la yaabaa, dadkii hore u soo talin jiray, ee waxa ay inna badeen la ogaa ( hadday ahaan lahayd dagaal sokeeye, musuqmaasuq iyo maamul xumo) oo waliba sii had-hadlaya. Kuwaasina inta ka sii hadhay xididdada ayaa maalin dhow loo siibayaa. Qayladii ay maalmihii doorasha wadeenna waxa ay immiga ku sii hadhay carruuro ku feegara meelahaa InterNetyada iyo woxoogaayo dumar ah.

More

Madaxweynaha SL.Siilaayo Oo Caawa London Lagu Qaabilay Xaflad Maqaamkeedu Aad U Hooseeyo: Waay0

London (Qaran news) - Weftigii uu hogaaminaayey Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo beryahanba ku sugnaa magaalada London ee dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa caawa markii ugu  horreysay kula kulmay  magaalada London jaalliyadda  reer Somaliland ee ku nool waddanka Uk iyo nawaaxigiisa.

More

November 27, 2010

Taageerayaasha Cabdiraxmaan Saylici oo Quus Iyo Waji Gabax Kala Laabtay Hall Ku Yaala Bariga Magaalada London, oo Xaflad Loogu Sameeyay Siilaanyo.

London - Sida wararku sheegayaan waxa quus iyo waji gabax kala laabtay Hall weyn oo ku yaal xaafada la yidhaa White Chapel oo ku taal bariga magaalada London raxan kamida taageerayaasha Cabdiraxmaan Saylici, oo halkaa u tegay inay ka qaybgalaan xaflad soo dhaweyn iyo is waraysiy ah oo ay taageerayaasha Siilaanyo soo abaabuleeen.

More

A Somali Teen’s Path To Jihad

abdul-qadir-mohammed-small MOGADISHU, SOMALIA – Abdul Qadir Mohammed remembers the imam’s powerful voice bouncing off the mosque’s white walls. It was 2001, a few weeks after the Sept. 11 terrorist attacks, a decade into Somalia’s anarchy. “Our religion must dominate until we die,” the preacher declared. On that day in the mosque, his heart pounded as he joined the worshipers in thunderous chants of “Allahu Akbar” - God is Great. “It was the day I was born,” Mohammed recalled.

More

Login