October 31, 2010
Muddo Kordhintii Barlamaanka Oo Dhaqan Gashay, Madaxweyne Siillaanyo oo Ka Luqun Diinleeyay Mawqifkiisii Iyo Saddexda Xisbi Oo Afka Ka Xidhay
Wakiilada Oo Shantii Sano ee La Doortay Tahli Kariwaayay Curinta Xeerkii Lagu Soo Dooran Lahaa!
Hargeysa - Muddadii sharciyada ee shanta sano xilka loogu soo doortay Golaha Wakiilada doorashadii golahaasi ee dalka ka qobsoontay 29 September 2005-tii oo ku eegayd, maalintii khamiistii todobadkii hore ee 29 October 2010-ka, iyadoo go’aanki muddo kordhinta ee labada sano iyo sideeda bilood ahaa ee Golaha Guurtidu muddada 10 julay 2010-ka golhaasi lafooduna ay gacmahooga ugu koradhsadeen muddo saddex sano iyo sideed bilood ah.
kaas oo ay u cuskadeen xeerarkii lagu soo dooran lahaa labada aqal oo aan samaysnayn, balse madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo isagu horantii bishii Julay guurtida u soo gudbiyay digreeto ka soo talo bixin ah uu ku tilmaamay go’aankaasi mid dhaawac weyn u geystay geedi socdkii dimuquraadiyada doorashooyinka Somaliland ugna baaqay golahaasi in ay si dhakhso ah dib ugaga noqdaan muddo kordhintooda, halka ay sadexda xisbi qaran KULMIYE, UDUB, UCDI iyo komishanka doorashooyinka ay mawqif wada jir ah ku dadafeyeen muddo kordhintaasi iyo muddada ay doorashada golayaasha deeganka oo xiligaasi ay go’aankooda ugu cuskadeen in lagu qabto sanad iyo shan bilood ay si cad ugu sheegeen mid aan la aqbali Karin.
Go’aankaasi koradhsiimada ahaa oo dhaliyay khalaaf xasaasi ah oo cakiran oo si weyn ay isugu maan dhaafeen madaxweyne Siillaanyo iyo golaha guurtida oo iyagu si weyn ugu adkaysatay go’aankooda ay gadheen, isla markaana aan wax xal ah iyo marayn ah aanay ka gaadhin ayaa hadana sida la ogyahay waxa uu go’aankaasi muddo kordhintu iska dhaqan galay 29 bishan October 2010-ka maalintii khamiistii oo ay golaha wakiilada kaga dhamaatay muddo sharciyeedkii doorashada ee shanta sano lagu soo doortay.
Iyadoo wakhtigan xaadirka ah ay wakiiladu ay u bilaabantay muddo kordhin, halka ay soo afjarantay muddo xileedkii doorashada, iyadoo ilaa haddana aan la ogayn in madaxweyne Siillaanyo ka tanaasulay mawqifkiisii uu ku dadafeeyay go’aankaasi koradhsiimada labada aqal ee Barlamaanka oo ay sidoo kalena sadexda xisbi qaran laftooda oo iyaguna gaashanka ku dhuftay aanay wakhitan xaadirka ah aanay mawqif cad ka istaagin, dhaqan galka go’aankaasi muddo kordhinta labada aqal ee barlamaanka oo mid kasta muddadiisi ay ku eegayd 15 October 2010-ka guurtida, halka wakiiladana ay ku soo xidhantay 29 October 2010-ka.
Golaha wakiilada Somaliland oo shantii sanadood ee ay kuraasta ku fadhiyeen wakhtigii kaga dhamaaday qaybsanaan xisbinimo iyo qalalaase siyaasadeed oo kaga imanaayay saddexda xisbi, ayaa hadana waxa waji gabax weyn ku ah in golahaasi samayn kari waayo xeerkii lagu soo dooran lahaa golihii wakiilada ee badali lahaa, kaaso sabab u ah caqabada dib u dhigtay qabsoomidii doorashada golaha wakiilada halka ay ku guul daraysteen in ay meel mariyaan ansixinta xeerkii caasimada oo muddo labatan sanadood ah golahooga hor yaalay, balse ay iyagu cod aan sababaysnayn ay ku diideen ansixinta xeerkaasi horantii bishii ogos 2010-ka .
Sidoo kale Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay fadhigoodii ku ansixiyay Xeerka xuquuqal insaanka ee xeer No: 39 oo ay hore u ansixiyeen labada gole Barlamaan, hase yeeshe uu dib ugu soo celiyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qodobada qaarkood uu u soo jeediyay in wax ka badal iyo kaabis ku soo sameeyaan. Intaa ka dib goluhu waxa uu cod qaaday wax ka badalka xeerkaasi, waxan ogolaaday ansixintiisa 22 mudane 7 mudane ayaa diiday 15 mudane wey ka aamuseen.
Dhinaca kale Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaale ayaa isna shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta golaha wakiilada kaga waramay waxqabadkii golaha ee muddadii shanta sanadood ee la soo doortay waxyaabihii u qabsoomay Md. Samaale waxa uu sheegay in Shirguddoonka iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladdu ay socdaalo dibadeed iyo shirar caalami ah ka qeyb galeen waxaanu tilmaamay in shirgudoonka Wakiiladdu ay kulano heer sare ah la yeesheen Afhayeenada Baarlamaanada dalalka Sweden, Norway, Itoobiya iyo wadamo kale.
C/Casiis Samaale wuxuu ku dooday inay qaban lahaayeen waxqabad badan waxase uu xukuumaddii Rayaale ku eedeeyay inay carqaladaysay hawlihii golaha loo doortay.Guddoomiye Xigeenka kowaad ee wakiiladu wuxuu sheegay in sadexda xubnood ee shirguddoonka Golaha Wakiiladdu aanay mar dambe isa soo sharixi doonin hase yeeshee ay dalka u shaqaynayaan inta laga soo dooranayo Gole cusub.
Samaale wuxuu sheegay inaanay golahaasi aanu codsan muddo kordhintii dhawaan Golaha Guurtidu u sameeyeen waxaanu yidhi “Waxaad ogtihiin in Golaha Wakiiladda muddada loo kordhiyay dhawaan markii xilkii aqalkani dhamaaday, waxa xusid mudan in Golaha Wakiiladdu aanu codsan muddo kordhintan. Laakiin wadadii sharciga ahayd ayaa loo maray markii muddadii dhamaatay ee doorashadiina la qaban kari waayay iyadoo doorashadii Goleyaasha deegaankuna ay muddo sideed sanadood ah muddo dhaaftay. Muddo kordhintani waxay ka timid cidii awooda u lahayd oo madaxweynaha ayaa Golaha Guurtida qoraal uu u qorayay ku sheegay inay xilkooda ka gudaataan.”
Haatuf News
