October 31, 2010

Isbedel Dhinaca Cadaaladu waa in uu ka mid noqdaa Wax-qabadka Dawlada Cusub Mudnaanta Siinayso 100-ka Maalmood ee u Horreeya.

Asalaamu Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu, iga guddooma salaantaa Islaamka ee qaaliga ah, Inkastoo ay xukuumadda cusubi ay ka dhigtay waxqabadkeedii boqolka maalmood ee u horeeya ama ugu muhiimsanayd in la tirtiray guddidii nabadgelyada ee sida sharci-darrada ah dadka sarajooga ugu xukumi jirtay, in la bixiyey dhamamanba mushaharooyinka ay shaqaalaha dawlada iyo ciidammadu lahaayeen……. …………….

lana dhamaystirayo dhismaha biriijka labaad ee caasimada Hargeysa oo qabyo ahaa muddo ka badan afar sanno, in la dhiso afar killomitir oo ka mid ah waddada isku xidha magaalooyinka Boorama iyo Dilla, in dib-u-habayn lagu sameeyo nidaanka cashuuraha dalka, in degdeg loo hawlgeliyo guddida musuqmaasuqa, in la hirgeliyo figradii ku salaysnayd iskaa wax-u-qabso ee dadku kaga qaybqaadanayaan dhismaha dalka, in olole nadaafadeed laga hirgeliyo magalooyinka dalka, kaasi oo ay horkacayaan madaxda qaranku iyo qodobo kale oo muhiima.

Hadaba Garsoorka amaba caddaaladdu waa tiir ka mida nolosha bani,aadamka ,waana halka ay ka bilaabanto nabadda iyo horumarka wadanku , Caddaalada-darrada Maxkamadda Somaliland Waxay Gaadhaa waqtiyada qaarkood Heerka u Sarreeya.’ Garsooraha Caadaaliga ahi wuxuu qayb ka qataa sinnaanta iyo eex la’aanta,dareenkiisaa dhabta ahina wuxuu ka marag kacaa shakhsiyadda iyo qofnimada wanaagsan.

Caadilnimada wanaagsani waxay ka mid tahay sifooyinka caddaaladda,Alle subxaana watacaalaa “,Caadilka wanaagasani waa ka aan cidna dulmiyin”, Garsoorka ama xaqsoorka waxaa looga baahanyahay in uu siiyo qof kasta xaqa uu leeyahay, iyadoo aan waxba loogu darin waxna laga nusqaamin,xaqiisu noocu doone ha noqdee ,lana siiyo muwaadin kasta ixtiraamkiisa iyo qadderinta uu mudan yahay ,waxaana ka reeban garsooraha wanaagsan in uu qof xaqiisa uu duudsiyo ama dulmi ku sameeyo.

Cudurada dhaqanka ee inoogu daran ee caddaalad darro ku keena garsoorka waa laaluushka, eexda iyo qaraaba kiilka,oo ah cudurrada dhaqanka ee faraha ba’an innagu haya, Garsooraha caadilka ahi waxa uu qofka ugu hiilin karaa khayrka iyo xaqa laakiin xaq darro uu ugu hiiliyaa way ka reebantahay ,waa dulmi iyo xaqsor la’aan,oo waxay geyaysiinaysaa wax Alle weyni ka xarrimay inuu sameeyo oo dembi weyn ku kasbado.
  
Waxaa beryahan lagu arkaayey saxaafada eedaymo loo soo jeedinaayo  Guddoomiyaasha Maxkamaddaha qaarkood, lagu eedeeyey inay ku kaceen tallaabooyin si sharci-darro oo ka baxsan anshaxa garsoorka iyo nidaamka dawladnimo oo ay ku duudsiyeen muwaadinin Somaliland xuquuqdooda, kuna shaqeeyaan sifooyin khiyaamo ku salaysan, Soona  saaraan qoraalo fulina oo isburinaya ama Go,aan maxkamad darajo sare leh soo saartay una baahin fulin oo keliya ay ka daba-keenaan fulin kale oo maxkamad darajadeedu ka hoseeyso ama la darajo ah.
 
Iyadoo aan ogsoonahay  in weli marxalada dhinaca garsoorka Somaliland  ay caddanayso in caddaalad-darro ay weli ka socota Maxkamaddaha Somaliland qaar ka mida  ayna gaadho waqtiyada heer aad u sareeya. Sidaa dareed, waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha Somaliland, Wasaarada Cadaalada Iyo Guddida Cadaaladda inay wax ka qabtaan dhinaca garsoorka oo isbedel weyn lagu sameeyo , si ay meesha uga baxdo in  aan xuquuqda qofka la  duudsiyin.

Madaxweynuhu waxa uu balanqaaday in uu wax ka qabanaayo dhinaca Garsoorka, Waxaa loo baahanyahay in Garsoorayaasha in lagu sameeyo badhitaanka ,si loo helo kuwa ku xaqsoora cadaalada darada ama lagu soo oogo qaababka aan fiicnayn, iyadoo aan ognahay in sharciyan in Guddida caddaaladu ay xaq u leedahay inay daba geli karaan Garsooreyaasha.

Guddida caddaalada oo aan si dhaba looga fikirin qaabka ay ku timaado oo ay fara-gelin kaga imankarto haayadaha kale Distooriga ah, waxaannay ka kooban tahay Xeer ilaaliyaha guud oo ka socda fullinta, Guddoomiyaha haya’ada shaqaalaha iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaalada. Baarlamaankanna waxa kaga jira Afar xubnood, laba Wakiillada ka socda iyo laba Guurtida ka socda, waxaannay ahayd inay saddexda Waaxood ee qaranku kala madax banaanaddaan oo Garsoorka, Fullinta iyo Sharci dejinta in kala saaro .

Sida aan la wada socono Caddaladdii dalku waxay weli gacanta ugu jirtaa Masuuliyiintii Maxkamadaha, Xeer-ilaaliyayaashii iyo Garsoorayaashii dalka iyo dadkanba ku kelifay in dalka isbedel ka dhaco, isla markaana tuuraan hab dhaqankii nidaamkii hore uu ku daawanayey cadaaladda dalka taala , kuwaas oo ilaa hada dawladda cusubi wax tallaabo ah ka qaadin, Waxaana loo baahan yahay in Madaxweynuhu uu fuliyo Dhinaca Cadaaladda ololihii Xisbiga Kulmiye ama uu rumeeyo balanqaadkiisii hore ee ahaa inuu dalka caddaalad ku xukumi doonaan haddii uu qabto xukunka ayna sugidda caddaaladda wax ka qabanayaan.

Sidaa darteed waxaa dawladda cusub laga sugayaa weli Caddaaladii ay tidhi waanu toosinaynaa ,ha ogaato in weli shacbigeedii ay ku hoos nool yihiin caddaalad xumadii ridday xukuumaddii hore”.

Alle waxan ka baryaynaa inuu innaga dhigo kuwa caddaalad iyo xaqsoor ku dhaqma,oo dulmigana ka dheeraada., waxa aan dhamaan idiin rajaynayaa in Alle idiin fududeeyo samaynta iyo ku dhaqanka caddaaladda iyo xaqsoorka oo dadkuna idinkula dhaqmaan oo sidaa Alle innagaga raalli noqdo Aamiin.

By Adan Yusuf Elmi  -  U.K

Email: daallo1970@hotmail.com

Login