October 31, 2010
Dood Furan: Aqoontii Awdal Ifka Kama Muuqato Lagumana Anfacsane, Tolow Ma Aakhirey Jirtaa?
Bulsho marka ay baaba’ayso waxa lagu gartaa, Kolba ka ugu liitaa horgala. Caqligaa suuxa oo caamahaa taliya. Aqoontaa xishoota oo jahligaa atooreeya. Shaki kuma jiro in mustaqbalkii beesha reer Sheekh Samaroon uu marba marka ka dambaysa god madow sii galayo.
Waxa ii muuqda aqoontii oo jahli utalinayo, halkii ay ka ahayd in ka aqoonta lihi ka jaahilka ah hago. Waxan arkayaa caqli waalan oo kii fayoobaa maamulaya, halkii ay ka ahayd in caliga fayoobi ka waalan u arimiyo.
Kuwaas waxa ka daran oo ka liita kuwa YES MAN leh ee sacabka u tumaya iyo kuwii aqoonta iyo caqliga lagu tuhmayey oo arkaya umaddan la bahdilayo, hadana afka ka xidhay. Aqoontii Awdal ee Xishoodka Magansatay!. Maxaa diidaya, haddaan Aqoonyahanka beesha Samaroon u bixinno “XISHOOD YAHAN”
Jawhar Qalinle
Email: korwaayeel@hotmail.com
