October 30, 2010

Xukuumada Oo Ka Muquuratay Xuska Qaraxyadii Hargeysa Ee 29-kii October Iyo Dadweynaha Oo Dareen Cadho Leh Ka Bixiyay

Hargeysa (Harowo) - Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa gabi ahaanba ka muquuratay isla markaana maalin caadi ah u xisaabsatay xuska dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay, weeraradii 29-ka October loogu baroor diiqi jiray oo maantoo kale ku beegnayd sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtayna maanta ku beegnayd.

Laba sanadood ka hor maantoo kale ayay ahayd markii weeraro is xig xigay oo loo adeegsaday waxyaabaha qarxa oo gawaadhi laga soo buuxiyay lagu qaaday sadex xarumood oo muhiim ah oo ku yaala magaalada Hargeysa, kuwaas oo dad sodon qof ka badani ku naf waayeen, halka ay tiro kale oo intaa leegina ku dhaawacmeen.

Runtii waxay dhacdadaasi ku noqotay Somaliland wax aan hore taariikhda u soo marin isla markaana waxay ku wayday dad badan oo khibrad iyo wax tar u lahaa qaranka, waxa ku geeriyooday saraakiil sar sare oo ka tirsan madaxtooyada sida xoghayihii madaxweynaha Daahir Cali Iid, madaxii xidhiidhka hay’addaha iyo xukuumada Xuseen Af-gaab, Ibraahin Maxamuud Cabdi (Huutu) oo ahaa sarkaal ka tirsan laanta sirdoonka qaranka, Xildhibaan ka tirsan golaha guurtida oo lagu magacaabi jiray Laangadhe Libaaxo, saraakiil, wax garad, dhalinyaro, askar iyo dad kala duwan oo muwaadiniin ah

Wuxuu ahaa weerarkani mid si wayn loo soo qorsheeyay laguna beegsaday meelaha ugu istiraatijisan Somaliland oo sida la qorsheeyay hadii ay u dhici lahaayeen Somaliland guud ahaan halis galin lahaa, waxa weeraradaas oo is xig xigay qadar yar oo daqiiqado ahiina u dhexeeyay lagu beegsaday, Madaxtooyada, Xafiiska Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP iyo xafiiska ganacsiga dalka Ethiopia ee Somaliland oo ahaa xafiiska kaliya ee dublamaasi ahaan caalamka ka joogay Somaliland.

Weeraradaas oo shan daqiiqo gudaheed la fuliyay ayaa dhacay tobankii subaxnimo ilaa tobankii iyo shan daqiiqo intii u dhaxaysay, waxa weerarkii ugu horeeyay lagu beegsaday laanta jimciyada quruumaha u qaabilsan horumarinta si wayna u caawisa laamaha amaanka ee Somaliland, halka weerarkii labaad lagu qaaday xafiiska ganacsiga ee dalka Ethiopia Somaliland ku lahayd, ka sadexaad oo ugu cuslaa uguna khasaaraha badnaa waxa lala beegsaday xarunta madaxtooyada Somaliland.

Waxa sida la wada xusuusan yahay cid kasta oo Somaliland u dhalatay iyo qof kasta oo damiir aadaminimo ku jiraa uu weeraradii maalintaa dareemay naxdin iyo anfariir, waxa hadhaysay Somaliland oo dhan murugo iyo cabsi taas oo ka hor intaan la maqal dhawaaqa iyo fariintii Madaxweyne Rayaale dadku cabsi la meehanaabayeen.

Dhinaca kale xisbiyadii mucaaridka ahaa sida Kulmiye iyo Ucid iyo golayaasha kale ee qaranka ayaa iyaguna maalintaa ka muujiyay midnimo qaran si wayna isku garab taagay xukuumada oo kala qayb qaatay baroor diiqda, hasa yeeshee waxa sida dhabta ah ay dhibaatadaas iyo xanuunkaasi ku ekaayeen oo kaliya dawlada iyo meelihii la qarxiyay, sida maanta muuqata.

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland ayaa maanta si wayn ula yaabay sababta ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo haba yaraatee wax xus ah iyo baroor diiq ugu samayn wayday maalintaas murugada iyo naxdinta ku lahayd shacbiga isla markaana hadii aanu kala badh weerarkaasi fashilmi lahayn Somaliland mugdiga galin lahayd.

Su’aasha ugu way n ee la isla dhex marayay goobaha dadku ku kulmaan ee magaalooyinka Somaliland gaar ahaan Hargeysa ayaa ahayd waar maanta oo kale wixii dhacay iyo dhacdadii maxay u xusi wayday dawladu? Tolow ma qayb bay ka ahayd mise waxay leeyihiin Daahir Rayaale ayaa la qarxiyee ma anagaa la na qarxiyay?

Run ahaantii su’aalahaas oo aanay dadku u helin jawaab ka shaafida waxay isugu jawaab celinayeen qaarba sida ay la noqoto, waxa kale oo lala yaabay sababta xukuumadu go’aan dawladii ka horaysay ku jidaysay in maalintan la xuso ay uga baaqsatay inay ku dhaqanto, maadama maalmaha qaran ee la xuso dunida xukuumad uuni sharciyayso, isla markaana aanay maalintani ahayn mid dani ugu jirtay dawladii hore balse ay tahay maalin dhibaato shacbiga gaadhsiisay oo si cad loo soo weeraray Somaliland?

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in dawlada Axmed Siilaanyo ay maalintan iyo xuskeedi uga muquuratay cadho iyo nacayb ay wali u hayso xukuumadii hore ee madaxweyne Rayaale balse aanay ka eegin ahmiyadeeda iyo xusuusta ay shacabka iyo muwaadiniin badan oo waalidkoodi, ehelkoodi iyo asxaabtoodi ku waayay u leedahay, ama kuwo kale oo ilaa wali dhibaatadeedi u buka ku hayso.

Harowo Desk-news: Hargeysa Somaliland

Login