October 30, 2010
Dalabkii Beelaha Gabooye Xalkiisii Waa Kan Madaxweyne.
Akhristayaal marka hore waxaan ka afeefanayaa in qoraalkaygani ujeedadiisu aanay ahayn mid lagu kicinayo colaad balse uu yahay mid cid walba xal u noqon kara. Sida aynu la wada socono waxaa dhawaan magaalada Burco ee gobolka Togdheer ka soo yeedhay dhawaaq Suldaan Daakir Xassan Khalif oo ah suldaanka guud ee beelaha Gabooye.
Dhawaaqa suldanku wuxuu xambaarsanaa Codsi Culus oo uu kaga dalbaday Madaxweynaha iyo Umada Somaliland inay beesha Gabooye hesho deegaan u gaar ah.
Codsigaasi wuxuu noqday mid dadka intiisa badani ay la yaabaan ama ku noqday uqaadan waa oo xitaa laga yaabo in Madaxweyne Axmed Maxamed M. Siilaanyo aanuu marnaba ka sii tabaabusheysan dalabka noocan oo kale ahi inuu kaga yimaado beelaha uu madaxweynaha u yahay.
Maxaa yeelay beelaha reer Somaliland inta badan madaxdooda waxay ka codsadaan mansab uu nin keli ahi ku raaxeysto isla markaana beeshu dusha uun ka daawato, isla markaana beesha waxaa faan ugu filnaada wasiir hebel waa nin anaga ah iwm.
Dalabka beesha Gabooye waa mid ay xaq iyo xuquuqba u leyihiin, sida aynu wada ogsoonahayna beeshan oo degta dhamaan gobalada ay ka koobantahay Jamhuuriayadu, ayaanay jirin deegaan ay leeyihiin oo u gaar ah. Hadii aynu wax yar dib ugu noqono arinta takoorka iyo tacadiga lagu hayo beelaha Gabooye, waa mid deegaan walba iyo magaalo walba ka jirta.
Waxaa jira in beeshaas lagu magacaabo magacyo dhawr ah oo uu ugu horeeyo ”BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY”, magacan oo meesha ka bixi lahaa hadii la helo deegaan u gaar ah beeshan oo ayna cidina ugu itaal sheegan karin tiro ahaan.
Waxaa kaloo jirta in muddo badan la isku dayey sidii ay xildhibaanada deegaanka iyo wakiilada ay uga heli lahaayeen dad iyaga metela, arintaasina xalkeedu wuxuu ku jiraa oo ugu dhow inay deegaan gaar ah helaan.
Hadaan usoo noqdo mawduuca cinwankiisa oo laga yaabo inay dad badani iga sugayaan XALKA aan dusha ku xardhay, lagana yaabo inayna dad badan u muuqan amaba ayna ka fikirin ayaa wuxuu yahay sidatan:

Waxaa jira in muddo aad u dheer ay jirtay colaad soo jiitamaysay oo ka dhexeysay laba beelood oo walaalo kuwaasoo isku haya oo keli ah dhul u dhexeeya.
Dhulka aan sheegayaa waa dhulka CEEL BARDAALE oo run ahaantii dawladu ay ka gaabisay sidii xal ay ugu heli lahayd. Sida aynu wada ognahay waxaa meeshaasi ka dhacay dilal faro badan kuna sigtay dhawr jeer inay masiibo balaadhani ay ka dhacdo halkaasi.
Sida aynu wada ognahay labada beelood ee walaalaha ahi si kasta waa loola hadlay laakin waxaad moodaa inay arintu faraha ka sii baxayso, xaaladuna maalinba maalinta ka dambeysa ay sii fogaanayso.
Dhamaan dawlada,golayaasha qaranka iyo wax garadka labada beelood waxay si cad ugu fashilmeen wax ka qabashada dhibaatadan dhiiga badani ku daatay.
Hadaba waxaan hubaa in labada beeloodba ay ka maarmaan deegaankan u dhexeeya,isla markaana mid waliba dhankiisa u leeyahay deegaan hodan ah oo ku filan,intan yar ee dhexdooda haday ka heshiin waayeen waxaa jira dad u baahan.
Sidaa awgeed waxaan Madaxweynaha ka codsanayaa inuu arintaas sida ay tahay u fuliyo isagoon cidna kala tashan sababaha hoos ku qoran awgood;
- Waxaa kala badbaadi lahaa labadan beelood ee arintooda xalka loo waayey.
- Waxaa iman lahaa meesha xadaarad cusub oo dhadhan u yeesha qaab nololeedkii deegaanka.
- Beelaha Gabooye waxay heli lahaayeen meel ay tacabkooda geliyaan isla markaana waxaay xal u noqon lahayd mushkilada Takoorka.
- Madaxweynuhu wuxuu ka geli lahaa taariikhda albaabada ugu waa-weyn.
- Beesha Gabooye waxay mar walbad abaal u hayn lahayd Madaxweynaha,Labada beelood ee dhulka siiyey iyo dhamaan beelaha kale ee Somaliland.
Allah mahad leh
C/raxman Cali Xassan - Norway
Tlf:004796690048
email: caziiz2000@hotmail.com
