October 29, 2010

Yool-baadhka Siyaasiga: Weriye Mashqac-Geliye Iyo Madaxweyne Siilaanyo

mashqac-geliye (Yool) - S:  Mudane Madaxweyne, maalintii Sabtida ee Taariikhdu ahayd 23/10/2010 waxa aad la yeelatay kulan albaabadu u xidhan yihiin Seddex Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadii Rayaale oo laba ka mid ahi ahaayeen mas’uuliyiintii aad tidhi waxa lagu qaadayaa Xatooyo Xoolo Dadweyne. Dadka ka faalooda siyaasadda waxa ay leeyihiin waxa keenay xabad joojintan, baadhitaan joojintan, sumcad dilid joojintan, dabagal joojintan wada deg-dega ah iyada oo uu Madaxweynaha ka war helay in hoosta laga wada niman guddi ah oo lagu magacaabo ‘Guddida ka Dabataga Xoolihii Halgankii ee la Lunsaday’ kuwaasoo ku soo oogaaya adiga iyo Xildhibaan Nacnac waxa loogu yeedhay ‘Xatooyo Xoolo Halgan Xiligii Qaaxo’. Maxaa ka odhaneysaa arrintaasi?

J: Iska hadlow Mashqac-geliye! Adeer annigu muddadii lixda sannadood ahayd ee aan ahaa Guddoomiyaha Ururkii SNM waxa aan sannad walba sameyn jiray xisaab-xidh afka ah oo faah-faahsan. Tusaale ahaan haddii Laba Milyan sannadkaasi na soo gashay, waxa aan odhan jiray- Boqol kun waxa ay ku baxday Cad iyo Caano Ciidanka ah, Laba boqol oo kun Qaad iyo Sigaar saraakiisha ah, laba boqol oo kun Sooryo Odayaal Burco iga soo booqday, Ilaahow aanan caqliga waayin, laba boqol oo kun Laaluush Saraakiisha Mingiste, boqol kun Shaxaad, boqol iyo konton kun Kursiga Xejis, boqol kun Xasad Calan Cas Xijaab, konton kun Rusheyn Saraakiil SNM oo Busaaradowday, konton kun Hawlgal Ciidan, shan iyo Toban kun oo keliye Daawada iyo Daaweynta Dhaawaca Ciidanka, Toban kun Dacyatirka Tiknikada, shan kun Iibin Rasaas, boqol kun waa la iga Xaday, boqol iyo shan iyo sideetan kun Safar Debedeed, boqol kun Kormeer Aagaga ah, laba boqol oo kun Kharash Lama Filaan, seddex boqol oo kun Feytabalaaska iyo Party-yada Guddoomiyaha.

Sidaas ayaan ku xidhi jiray xisaabta oo afka ah.. Maalinbaa markaan sidaas wax u shubay ayuu nin ka mid ah Mujaahidiintii waaweyneyd ee Ururka la dhacay xisaab-xidhkayga markaas ayuu waxa uu yidhi waa maxay Guddoomiye maskaxdan la yaabka leh ee ku saarani ? Waxa aan ku idhi waa mid ku jirta dhaqaale-yahan muddo badanna Wasiir soo ahaa oo nimcaduu heystay ku shukri niqi waayay ka dibna Siyaad sabab looga dhigay oo uu soo eryay ciil iyo cadhanna ii kiin keentay oo mina-laahida laga soo ciqaabay oo weliba calan casna hoog iyo balanbal baday. Qosol iyo farxadaas ayay xisaab-xidhku ku dhamaan jiray.

Arrinta xildhibaan Nacnac-na lacagtii uu markaasi Uruka u hayay ayaa markii la soo galay dalka ayuu farxadii waxna kor u seydhiyay, waxna guri Caruurta uga dhisay oo waxa uu u qaatay in halgankii dhamaaday. Cafis baan ka dhigay Maalkii Nacnac SNM ka Cantuugay berigaas. Taasi waa taas… nimankan Wasiiradii Rayaale waxaanu isla garanay in dadka la dejiyo lagana hortago wixii aanu u aragno in dagaalkii habar habarta ama Sokeeye oo kale soo celin karo.

S: Madaxweyne Shariif Axmed haddii ay run kaa tahay in dagaal sokeeye ka dhicin dalkan maxaad Wasiirka uga dhigtay Dagaal Ooge, Fidno-Fidiye Maxamuud Xaashi Cabdi?

J: Adeer reer Somaliland waxa ay yaqaaneen Maxamuud Xaashigii ku jiray Guddida Colaada ee Beesha xilligii dagaaladdii habar habarta ee la yidhi waxa uu ku jiraa ilaa hadda balaayadan la yidhaahdo ‘YOU TUBE’, iyo ninkii xilligi dowladii Marxuun Cigaal qoraalada qeybin jiray ee odhan jiray dowladii waxa wada heysta beel keliya ee Fidna iyo Naxli abuurka miidhan ahaa. Adeer kani waa Maxamuud Xaashi cusub oo Birmingham laga soo dhaqay (Meedhay) maskaxdii unugyadeed ay dileen qabyaaladu oo iminka waxa uu u fakaraa sidii Pakistan-ta.

Miyaanad arag xitaa shakalkii nimankaas ayuu yeeshay eh. Weriy-Madaxweyne sowkii maalintii la ansixinaayay uu Golaha Wakiilada ka hor yidhi “Madaarka Ceerigaabo ayaan Qarameynayaa” ma maskaxdaas ayaa ah mid la soo dhaqay? Madaxweyne- Adeer mar-marbay ka hooseysaaye oo maskaxdiisa ayaa ahayd mid lagu canqariyay qabyaalad eh bal orod oo u tagay iminka oo waxa aad weydiisa halkee ayay ku taala Ceynaba? Markiiba waxa uu kuugu jawaabayaa Karachi agteeda.

S: Mudane Shariif Axmed, inta laga warqabo waxa aad Saxaafadda isku marin jirteen Wasiir Cawil hadalo xajiimeysan oo kulkul iyo weliba eedeymo. Waxa kale oo cid weliba ogeyd in fiinto idin dhex miraneysay oo aad ahaydeen laba isma bixiye oo isuma tudhayaal ah. Maxaad dareemaysay kulankii aad isku hor fadhisateen fool ka fool?

J: Adeer horta mid ayaa kaa maqan. Ta kaa maqani waxa ay tahay waxa aanad ogeyn in siyaasaddu aanay lahayn saaxiibtinimo joogta ah ee ay leedahay masaalixo joogta ah. In aanu is calool xaadhano oo heshiino waa mid masaalaxo iyo dani ugu jirto Xukuumadayda, dalka iyo gobolkii iyo ceelkii Burco ee aanu ka wada nimid. Teeda kale, sow Cawil bilaash baan u lahaa waa mucjiso eh Kufurtu Bilaahay waa ruug cadaa siyaasi oo balaayo ah oo diblamaasi weyn ah oo Somaliland hore iyo dub toona noociisu uga dhalaneynin.

Isna waxa uu qiray in aan ahay Aabaha Somaliland-ta Cusub…in ku dhow laba saacadood ayaanu wada joognay…malaha qiyaastii nus-saace ayaanu labadayaduba isku ooyaynay xagga uurka…saamaxnaakum walaal iyo…samaxnaakum ayaanu is nidhi…Waxa aanan ku balanay in aanu noqon inta aanu Ifka joogno ninman isu maqan ee aanan noqon niman isku maqanaada. Aakhirana haddii alle yidhaahdo waxa aanu ku balanay in Mujaahid Marxuun Cabdiraxmaan Tuur in uu na heshiisiiyo maadaama aan anigu diiday intii uu noolaa in aan la heshiiyo oo aan weliba ergooyin badana ku gacan seydhay.

S: Madaxweyne Abu KULMIYE, waxa dhowaan yimid dalka wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Horumarinta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Denmark Mr. Soren Pind. Waxa dadku u arkeen fudeyd iyo wax karaamo iyo sharaf dhac ku ah dowladnimada iyo Qaranimada Somaliland in Madaxweynihii dhamaaye dalku u dhaqmo sidii markii uu ahaa Guddoomiyaha KULMIYE oo uu weftiga ugu tago Hotel Maansoor. Se ma u aragtaa in ay Xukuumadaada ku dhici karto cimri deg-deg haddii ay rumowdo in aad dowladda Denmark ka ogolaatay in ay soo celiso qaxootiga reer Somaliland ee jooga dalkooda iyada oo ay hore u diiday arrintaasi Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin?

J: Adeer dadka ceynkaas odhanayaa miyaanay ka warqabin in Madaxtooyadii la iigu sii xidhay qalab la igu sawiro iyo qaar la igu dhageysto oo Siyaasadaydiiba ii xidhmi la’dahay. Waa tii la wada ogaa oo xitaa anniga oo suun isku qiyaasaaya la i sawiray xafiiska dhexdiisa…falkaas cidii sameysay Xirsi iyo Naakhuudihii Madaxtooyaduba sheegi kari waaye.

Waa taas sabata keentay in aan weftiga kula balamo Maansoor si aan loo ogaan wada hadalkayaga iyo wixii ay noo sideen ka Xukuumad ahaan. Tan qaxootigana waxa aan ka idhi-nin ayaa la yidhi caafimaad qab ma laguugu xiiraa? iyo maxaan ka waayay. Dadka qaxootiga ah ee lacagtooda ceydha lagu siiyo Denmark haddii ay ku qaataan halkan oo ah dalkoodii hooyo maxay ka waayeen?

(qosol yar) ahaa…ahaa…annagana calaa madax sannad kasta wax baa nalagu siinayaa…Xirsiyow adeer maxay ahayd awal?… Xoolo dameer gooya calaa qof iyo lacagtooda ceydha ee la siin doono oo Keligii Daacad cashuur ka qaadaayo …Teeda kale wax alle wixii ay Xukuumadii iga horeysay diidayba shar iyo kheyrba waxay doonaan ha ahaadeen waan ogolaanayaa… waar xitaa tii ay dowladda Faransiiska ka diideen ee ahayd in ninka dhalashadiisu tahay Faransiiska ee Muqdisho lagu afduubay in lagu madax furto ninmanka ka tirsan shabaab ee Somaliland u xidhxidhan waanu yeelaynaa…farsamo kasta oo aanu lacag ku heleyno waanu sameynaynaa…xitaa waanu Budhcad Badeynaynaa haddii ay kalifto.

S: Madaxweyne Lacag-doon ama dadkiis-gate, Xukuumadaada waxa lagu yaqaanay Jabhadeyn, balse waxa ay u muuqataa inay ku darsatay Shabaabeyn ileyn waa tan oo waxa la idin ka soo taagay uun waxaas ayaanu joojinay ama mamnuucnay miidhan eh. Ilaa intee ayay idin wadi kartaa Laba Shaadhleyntaasi?

J: Adeer jawaabtaasi malaha wer-wer iyo war-wareegtoona. Laba Shaadhleyntaasi waxa ay na wadi kartaa ilaa inta Shabaabka laga adkaanaayo ama ay adkaanayaan. Haddii laga adkaato Shabaabka waxa aanu gashaneynaa Shaadhka Sheydaanka oo waxa aanu odhanaynaa annagu heesihii aanu maqal iyo muuqaalkooda-ba mamnuucnay waxa ay ahaayeen kuwa aan ku wanaagsanayn diinta iyo dhaqanka iyo heesaha la bililiqeystay. Marnaba maanu odhan heesuhu waa xaaraan dhegeysigoodu.

Haddii Shabaabku adkaadana waxa aanu xidhanaynaa Shaadhka Shabaabka oo waxa aanu odhanaynaa heesaha waanu mamnuucney eh ee gabayadda ayay ahaayeen kuwii aanu joojinay wixii diinta iyo dhaqanka ka horimanaayay iyo kuwii Abwaaniinta dhinmatay laga bililiqeystay. Mid yar oo ka mida ahaa kuwii Idaacadda Horyaal ka duryami jirey ayaa taraaray oo bireygu u go’ay oo khaladkaasi oo dhan sameeyay waana la saxayaa Yaa Mujaahidiinal Al-shabaab. Alle adeer Mashqac-geliyow Xukuumadeydu Diimo iyo Ceynan Badanaa!!!!!!!

S: Shariif Axmed, su’aasha ugu denbeysa Wareysigeena maanta waxa weeye Maxaad ka yeeshay hanjabaadii ka soo yeedhay Boqorkii iyo Suldaankii Seyla Bari ee ka cadhooday Wiilkii ka soo jeeday degaankood ee inta aad u magacowday in uu noqdo Safiirka Ethiopia haddana sida la sheegaayo aad ka noqotay?

J: Adeer Boqor Ina Cali Carab ayaan u diray Boqorka hanjabay si ay isugu soo bileydheeyaan. Bilaydhayska Boqoraduna kama dhaco dagaalka dhex mara laba Diig. Suldaankii Seylo Bari-na waxa aan u diray Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo isagu Musaaricadda u heysta Salaadiinta Af Soomaaliga ku hadasha oo dhan waxa aan ku idhi Suldaankaas Beerka ka soo degay waa in uu kala garan waayaa in uu Seyla Bari joogo iyo in uu Sibidhley joogo. Ta ka noqoshadana Wasiirka khaarijiga ayaa igu yidhi innaga socon maayo yarkani oo Walaalaheena Ethiopia-na way ka xanaaqeen Magacaabistiisa.

Waxa kale oo la ii sheegay in Wiilkuba wakhti aan sidaasi u sii fogeyn ka yimid Seyla Bari oo xitaa Qeydkii uu Magaalada la soo galay ku laalan yahay ilaa hadda geed ku horyaala Guriga Xildhibaan Obsiiye…Laxbaa Muraaro-dilaacday ayaynu maqalnay eh, in dadkuna murooro-dilaaci karana ha la arko… haaaaaaahaaaa (qosol digasho ku jirto).

Wargeyska Yool

Barnaamujka “Yool-baadhka Siyaasiga”, Waa Mawduuc Toddobaadle ah oo aanu akhristayaasha ugu talo galnay inay Maalinta Jimcaha kaga nastaan arimaha siyaasada, sidaa darteed-na waxaanu ugu soo gudbino Waraysiyo ku salaysan qaab Maddadaalo [Entertainment] ama aan idhaahdo Jacbur, kuwaasoo aanu si gaar ah ugu bartilmaameedsanyno hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, siyaasiyiinta, iyo shaqsiyaadka kale ee magaca ku leh Masraxyada siyaasadda Somaliland.

Login