October 28, 2010

Terminalka Berbera, Tiicii Bulshada iyo Temeshlihii Wefdiga

Madaxweyne-xigeenka, Laba Wasiir iyo Marwadda Koowaad oo Faraqa Darsaday Bannaanbax Gilgilay Berbera.

Berbera (Yool) - Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa waxay maalintii shalay u ahayd mid ka mid ah maalmihii ugu adkaa ee soo mara tan iyo intii ka danbeysay 27-kii July 2010-ka markaaasoo uu si rasmi ah hoggaanka talada dalka ula wareegay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xisbigiisu ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday 26-kii June 2010-ka, kadib markii subaxdii hore ee shalay ay dadku ku waaberiisteen bannaanbax aan hore u sii qorshaysnayn.

Sekeddaha dhaadheer ee Magaalada oo runtii iyagu ah kuwo nashqadoodu aad u wanaagsan tahay (Town Plane), ayaa waxa raxan-raxan u socday boqolaal ka mid ah ardayda wax-ka-barata qaybaha kala duwan ee dugsiyada, kuwaasoo ka cabanayey mushahaaro la’aan soo foodsaartay Macalimiintii wax u dhigi jirtay, oo iyagu aan sida la sheegay wax mushahaaro ah qaadan muddo dhawr bilood hadda gaadhaysa, sidoo kalena aan la siin Lacagihii gunnooyinka ahaa ee ay ka qaadan jireen Golaha Deegaanka Berbera.

Ardayda mudaharaadka sameeyay, ayaa waxay socod ku soo mareen xarunta Golaha Deegaanka, xafiiska maamulka Gobolka iyo goobo kale oo sida la sheegay ay ka mid ahayd dekedda Berbera, haddaba inkastoo sida dad goob-joog ahi Wargeyska “Yool” u xaqiijiyeen uu Guddoomiyha Golaha Deegaanku uu hore balan-qaaday ugu Macaliimiinta inuu Toddobaadkan siin doono Laba Bilood oo ka mid ah bilaha ka maqan. Sidoo kale ardaydan geddoodsan, ayaa waxay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin:

“Dawladu ha dhacdo….Badhasaabku ha dhaco…Maayirku ha dhaco iyo weliba qaar kaloo ay si gaara ah ugu durayeen balanqaadyadii xilligii doorashada uu bulshada u sheegeen Madaxweyne Siilaanyo.”

Mudaharaadkan ayaa markii danbe waxa qaboojinteeda qayb weyn ka qaatay waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee dadweynaha ku dhaqan Magaalada Berbera, oo iyagu iskood isugu xil-saaray xal-u-helida mashaqadan, kadib markii ay u adkaysan waayeen.

Sidoo kale wararka ka imanaya Magaalada Berber, ayaa sheegaya in sida la dareemayo aanu isu-soo-baxani ahayn mid ku koobnaa oo kale ardaya, haseyeeshee ay hoos-mulacyeynayeen dareeno kale oo faro badan, kuwaasoo sida la malaysan karo aanay ka madhnayn is-jidh diid loo nisbayn karo inuu salka ku dhinaca mabaadiida ay dadku kala aaminsan yihiin.

Haddaba iyadoo ay mashaqadaasi shalay subax ilaa barqadii ka aloosanyd Magaalada Berbera gudaheeda, ayaa geesta kale waxa iyaguna gaadhay Magaalada wefdi balaadhab oo ka kooban Afar xubnood, kuwaasoo kala ah Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Saylici, Wasiiirada Duulista iyo War-faafinta iyo weliba Marwadda Koowaad ee Madaxweynaha Jaamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina X. Maxamuud Jire [Aamina Weris]. Xunaha wefdigan, ayaa sida uu noo sheegay Weriyahayga ku sugan Magaalada Berbera, waxa ujeedada socdaalkoodu ahaa sida ay u soo furi lahaayeen dhisme ku yaala Madaarka Magaalada Berbera, kaasoo ay dib-u-habayn ku samaysay Wasaarada Duulistu.

Arrintaasoo si uu Wasiirka Duulistu suuq ugu helo uu u dalbaday inay furan dhismahaa Madaxweyne-xigeenka iyo xubnaha kale ee xafladii madashaa ka dhcday goob-jooga ka ahaa, iyadoo uu Wasiirku heli karayey intuu keligii Gaadhi ka xaysto inuu soo furo, isagoo ka fekeraya hakadka xubanaha wefdigu ku keeni karaan hawlaha shaqo ee ka socda Gobolka, kadib marka ay halkaa gaadhaan intaasoo masuul oo aynu culayskooda garan karno.

Md Saylici oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta furo Terminalka labaad ee madaarka Berbera, isagoo ugu mahadceliyey Wasiirka Duulista iyo Hawada oo uu sheegay inuu aad ugu dadaalay sidii u furi lahaa Terminalkan oo aad ay ugu baahnaayeen dadka madaarkaas ka dhoofa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [Saylici], ayaa waxa kale oo sheegay in xukumada cusub ee Somaliland ay soo bandhigi doonto wax qabadkeeda marka ay dhammaadaan 100 cisho ee ay qabsatay, wakhtigii ay xilka dalka la wareegtay.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in markii uu arkay dadka ka dhoofa madaarka Berbera oo isku meel kaliya wada maraya uu go’aansaday inuu dayactiro Terminaalka labaad ee ay adeegsadaan dadka ka dhoofaya madaarka, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu furitaanka terminalkani uu ka mid ahaa siyaasada xukumada cusub, maadaama oo xidhnaa mudo ku siman 20 sannadood.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Wacyi-gelinta Md Cabdilaahi Cismaan Jaamac [Geell-jire], iyo Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamuud Jire [Aamina Waris].

Login