October 28, 2010

Maxamed Xaashi Ma Isku Deyey In uu Xalaaleeyo Lacagtii TOTAL Iyo Tii MAXJARKA ee uu Xaaraanta ku sheegay? Muxuuse Ka Odhan Doonaa Dhamaadka Boqolka Cisho?

Maxamed Xaashi Cilmi waa wasiirka maaliyada ee somaliland waana guddoomiye klu-xigeenka koobaad ee urur siyaasadeedka qaran, waxayna dadka xogagaalka ahi sheegayaan in uu doonayo in uu furto urur siyaasadeed, waxayna dad badani is weydiinayaan sida uu Maxmed Xaashi isu waafajin karo wixii uu umadda haruu ugu sheegay ee ahayd, dhaqaalaha soo baxa saddex bilood oo keliya haddii ay ku dhacdo khasnadda dawladda waxaynu ka mid noqon lahayn suuqa barwaaqo sooranka.

Hadaba, maanta oo uu yahay wasiirka maaliyada ma laga yaabaa lacagta soo baxday in ay qayb ka noqoto kaabaynka siyaasadda ee cusub, wasiirada kale intooda badani waa qurba joog aan wax badan ogayn oo ku qanacsan xilka wasiirnimo oo keliya. ka dibna waxaan xasuustay qisadan soo socota.

Markii uu shilka baabuur ku dhaawac may Maxamed Siyaad barre, kiiloo mitir 13 ee magaalada muqdisho 11/5/1986-kii, waxaa madax bannaani helay wasiiraddii dawladdii kacaanka iyaga oo ka faa’iidaysanaya fursadda ah madaxweynaha oo aan lahayn firfircoonidii uu lahaan jirey, mudadaa intaa ka dambayseyna taladdii dalku waxay u gacan gashay dad kale oo ku maamuli jirey ra’yi guud oo la odhan jirey WAXAY ANIGA ILA TAHAY” Barnaamijkii noocaa ahaa waxaynu ognahay halkii uu soomaali gaadhsiiyey abwaanku wuxuu wax ka arkaa meel aan qofka caadiga ahi wax ka arag.

Hadaba, alla haw naxariistee abwaankii c/qaadir xirsi yamyam ayaa maalin maalmaha ka mid ah lagu soo casuumey xaflad ay ka soo qayb gelayeen Maxamed siyaad barre iyo wasiiraddiisii ugu dhaw dhawaa una shegi jirey in ay wax waliba sidii loogu tallo galay ay u socdaan iyo in aanay jirin wax tabasho ah oo ku saabsan xagga dadweynaha.

Abwaankii c/qaasir xirsi yamyam wuxuu goobtii ka tiriyey maansadii la odhan jirey RUN I DHEGAYSII oo tilmaamaysa hoos u dhaca ku yimid awoodii madaxweynaha iyo madax banaanida ay heleen golihii xukuumaddu, waxaana sanadaaha u dambeeyey dhacay dad xilal muhiim ah laga qaaday iyo qaar loo magcaabay oo aanu waxba ka ogayn siyaad barre. Maansaddii RUN I DHEGAYSII ee abwaanku goobtaa ka tiriyeyna waxaa midheheeda ka mida ahaa:

MADAXWEYNE IN AAD ADIGU DHACDIID SATEY DHERAGI WAA DAALE
IYO IN AY DHEX QOLO TAAGAN TAHAY CEELKII DHURI WEYDEY.
LABADAA MID IGA DHAADHICI OO RUN I DHEGAYSII.

Waana ayaan darro haddii dawladdeena cusubi ay maanta la meeqaam noqoto halkii ay taagnayd dawladdii kacaanku shantii sano ee u dambeeyey wakhigeeda, mudadii uu c/raxmaan tuur xilka hayey 1991-kii ilaa 1993-kii dalku wuxuu ku jirey xaalad adag marka la eego dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalahaba, mudadii cigaal xilka hayey 1993-kii ilaa 2002-dii wuxuu ku dhaqmi jirey isu dheeli tirka beelaha iyo gobolada dalka somaliland. Mudadii uu xilka hayey rayaale 2002-dii ilaa 2010-ka wuxuu raaci jirey raadkii uu cigaal iga tegey.

Hadaba, maanta madaxweyne siilaanyo wuxuu diidey in la raaco raadkii hore oo wuxuu yidhi NIN DHINTAY KABIHIISAA DHAAMA,

Raad cusub oo aynu raaconona inoo ma uu jeexin, waxaana muuqata maansaddii abwaankii c/qaadir xirsi yamyam uu kala hadlay Siyaad Barre in ay maanta hor taallo siillaanyo, jawaabteedana ay dadweynuhu ka sugayaan leeyihiinaL

MADAXWEYNE SIILLAANYO IN AAD ADIGU DHACADIID SADTEY DHERAGI WAA DAALE IYO IN AY DHEX QOLO TAAGAN TAHAY CEELKII DHURI WEYDEY , LABADAA MID NAGA DHAADHICI OO RUN NA DHEGAYSII.

C/risaaq Suudi Nuur, Hargeysa somaliland

Tell; 4425243

Login