October 28, 2010
Dadweynuhu Siday u Arkeeen Jawaabihii Madaxda ee Dhacdooyinkii Isdaba-jooga ahaa? Qaybta Koowaad
Hargeysa(Yool) - Qormadan oo inta aanu ka gaadhno aanu si taxanne ah idinku soo gudbin doono, waxaanu si gaara diiradda ugu saari doono dhacdooyinkii ugu miisaanka weynaa ee dalka ka dhacay mudadii Boqolka Maalmood ahayd ee Xukuumada Axmed Siilaanyo hoggaanka talada dalka gacanta ku haysay iyo weliba tiraabihii iyo dareenadii kala duwanaa ee Masuuliyiinta Xukuumadu ka bixiyeen masiibooyinka la soo dersay dalka, kuwaasoo qaarkood ay si weyn u waxyeeleeyeen xasiloonida iyo amniga.
Mashaqooyinkaasoo inta la ogyahay ay ka mid ahaayeen fadeexadii ka dhalatay Maleeshiyadii ka tirsanayd Jabhada ONLF ee iyagu sida qarsoodiga ah uga soo degay Xeebaha Galbeed ee Somaliland, haddaba dhacdaas iyo qaar kaloo dalka ka dhacay intii mudadaas ahayd, waxay kala ahaayeen sidan:
1. Ciidamadii hubaysnaa OLNF ee dalka iska dhexdaashdaashooday, kana soo degay xeebaha Galbeedka dalka
2. Hawlgalkii saldhigii ka dhacay saldhiga booliska Borama ee lagu furtay qaar ka mida eedaysanayaashii loo qabtay falkii OLNF-ta
3. Dhawaaqii Salaadiinta bariga Burco ee ku saabsanaa heshiiskii ay la galeen jabhada SSC
4. Madax furashadii ay Xukumada Somaliland iyo odeyaal Majeerteen ahi ay isku waydaarsadeen eedaysanayaal qaranka Somaliland dabi ka galay go’aan Maxkamadeed-na ku dhacay iyo gaadiid Puntland lagaga haystay muwaadiniin reer Somaliland
5. Hawlgalkii lagu af-duubay askar Somaliland ee ka dhacay Tuulada Oog
6. Madax furasahdii Laas-qorey loogu haystay muwaadiniin reer Somaliland oo dad shicib ahi qabsadeen
7. Falkii loo geystay habilii ka soo jeeday beesha Gabooye ee ka dhacay degmada Caynaba
8. Hawlgalkii hubsiimo la’aanta ahaa ee lagu doonayey in lagu soo qabto Badhasaab-ku-xigeenkii hore Gobolka Togdheer
9. Dilkii loo geystay askari ka tirsanaa ilaalada ha’yada Hello Trust ee ka dhacay saldhiga Iftin ee magaalada Hargeysa
10. Dilkii ka dhacay magaalada Burco ee loo geystay muwaadin ciidamada amaanka la soo socodsiiyey dad sitay walxaha qaraxa oo ciidanku qabteen.
Haddaba, Xukuumadda cusub ee Somaliland ee uu hoggaaminayo Md. Axmed Siilaanyo, waxa uu cimrigeedu jiraa muddo uu gebagebo yahay waqtigii Boqolka Maalmood ee uu hore usii qorsheeyey hoggaamiyaha talada dalka ku guuleystay.
Haddaba waxan nasiib-darro ku tilmaami karnaa in Xisbiga KULMIYE ee ku guuleystay doorashadii Madaxtoyada 26-kii June. Xilkana la wareegay 27-kii July ee Sannadkan aanu meelna kaga xusin waxqabadkiisii Boqolka Maalmood ee u horreeya ilaalinta iyo xoojinta aminga gudaha iyo dibedda ee dalka, sidaa darteedna ay dalka si xidhiidh ah uga dhaceen dhacdooyin dhammaantood af-kala-qaad iyo welwelba ku abuuray shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba.
Dhacdooyinkii xidhiidhka ahaa ee midba ka kale ka sii darraa, waxa iyana ayaan-darro kale ahayd sidii Xukuumadda Axmed Siilaanyo ku waajaheen af iyo adinba, iyagoo ku fashilmay inay dadweynaha ku qanciyaan asbaabaha keenay in lagu guuldaraystay in la soo qabto dadkii gadh-wadeenka u ahaa cadowgii hubaysnaa ee dhawrka Boqol ahaa sidii xogtooda loo heli waayey xataa waqtigii ay soo gaadheen Xeebta Lughaya ama soo galeen gudaha dalka, kana gudbeen Kantaroolada Xukuumadda hubkii iyo Maliishiyadii Jabhadda ONLF, gaadheena halkay u socdeen oo ahaa gudaha Itoobiya iyagoo aanay Qodaxi Mudin.
Arrinta Labaad ee aan la aqbali karin ee ku sii xigtay waxay ahayd kadib markii qaar ka mid ah gadh-wadeenadii iyo kuwii Gaadiidkooda ka kireeyey cadowga duhur cad laga faro-maroojiyey gacanta Booliska meel aan ka fogeyn xarumaha amniga oo u dhaxeeyey Saldhiga Booliska iyo Xabsiga ee Magaalada Boorama, isla markaana aan ilaa hadda cidna dib u hadal qaadin halkay ku danbeeyeen hoggaamiyeyaashii iyo taageerayaashii cadowga Somaliland ee lagala baxay gacanta Ciidamada amniga ee Gobolka Awdal. Isku daa daba-gal iyo raacdo dembe oo Xukuumaddu sameyso, waayo sida la sheegay qaarkood waxayba ku sugan yihiin Boorama iyo meel kaloo la ogyahay, lamina hadal hayo soo qabashadooda.
Haddaan intaa ku dhaafo dhacdadaa kaliya aan haatana waxooga daaha ka rogo jawaabihii ay Xukuumadda iyo Saraakiishooda ugu sarreeya dhinaca amnigu wixii ay ka yidhaahdeen markay Warbaahintu fadeexadii dhinaca amniga ee Xeebaha Galbeed, gaar ahaana Xeebta Lughaya.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland Janaraal Cilmi waxa la odhan karaa waxa uu bixiyey farriin u muujineysay cid kastoo cadow ku ah Jamhuuriyadda Somaliland inay kasoo geli karaan Xeebaha Galbeed, sidoo kalena Cashuur diidayaashu badeecadahooda kala soo degi karaan Kontarabaan ahaa Xeebaha Galbeed, kadib markuu si cad uga baahiyey Warbaahinta Caalamiga ah ee sida xad-dhaafaka loo dhegeysto in Xeebaha Galbeed ee Somaliland weligoodba kasoo degayeen badeecadaha Kooratabaanka ah iyo in Xeebtaasi tahay goobaha Tahriibka iyo arrimahan oo kale, waayo waa Xeeb dheer oo aanay awood u lahayn inay amnigeeda sugaan oo ilaaliyaan Ciidamad amniga ee Somaliland, waana ka baaxad weyntahay Xukuumadda awooddeeda.
Akhristayaasha ayaa iska leh go’aanka ah in la aqbali karo jawaab noocaas ah oo uu baahiyey Taliye amni oo rug cadaa ahi iyo in aan la aqbali karin oo ay hayd in isla daqiiqadihii ka danbeeyey laga qaado tallaabo nin Ciidan ah oo weliba Sarkaal ah laga qaadi lahaa xilliyada dagaalka hadduu ku kaco arrin niyadda shacbigiisa iyo Ciidankiisaba waxyeelayo ku ah, isla markaana dhiirigelinaya midka kasoo horjeeda.
Waxa isna ku xigtay Taliyaha Ciidanka Qaranka Janraal Nuux oo isna ballanqaaday ianay muddo aan maalin ka badneyn gacanta ku dhigi doonaan hubka iyo Maliishiyada ONLF ee hubeysnaa, maadaama siduu sheegay waliba Ciidan kaga xeeran yahay, hase ahaatee warkiisa ku danbeeyey hal-bacaad lagu lisay, kadib markii daboolka laga qaaday in raggii dharka Boqol ahaa iyo hubkiiba u tallaabeen dhinaca itoobiya, iyadoo aanay sidii la sheegay mar qudha is-waajihin Ciidankii loo diyaariyey qabqabshadooda ee uu Janraalku u baqllan qaaday shacbiga, taasoo weji-gabax ku noqotay Qaranimada sumcada iyo awooda cududeena Millateri oo caan ku ah cudu bir lab oo dacar qadhaadh leefsiisa cadowgeeda awood katoo uu is-bido, hase ahaatee isna dib looma soo hadal qaadin, loomana baadhin siduu khaladkaasi u dhacay iyo cidda lahayd toona.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Gabboose oo ah ka u qaabilsan Qaranka oo dhan xaga amniga isagana waxyaabihii ka soo yeedhay…!
La soco Caddaka danbe.
