September 30, 2010

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo: Taladaan La Ruugin Waa Lagu Rafaadaa!

Tan iyo markii ay talada la wareegtay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa jirey dhawr arrimood oo ka mida tallaabooyinkii ugu horreeyey ee ay qaaddey oo noqday kuwo si wayn looga biyo diiday, ama si aada looga deyriyey.

Haddaba, arrinta is weydiinta u baahan ayaa ah, waa maxay sababaha ay dadweynuhu u soo dhaweyn waayeen tallaabooyinka ay Xukuumadoodu qaaddey qaarkood? Ma dadweynaha ayaa ah kuwo aan wanaagga jeclayn.? Mise Xukuumadda ayaa qorsheyaasheedu yihiin kuwo Canka mud ah oo aan looga fikirin sidii la doonaayey.? Waa halkee halka ay salaaddu ka xidhmi la’ dahay?

Su’aalahan qaar ka mid ahi waa kuwo jawaabtoodu ay sugan tahay ama ay caddaan tahay, waayo qofkastaaba si aan muran lahayn ayuu u garanayaa inay shacbigu si aan xad lahayn u doonayaan tallaabada ay Xukuumadoodu ku dhaqaaqdaa inay noqoto mid si weyn u raalli gelisa, isla markaana waxa hubaal ah inay bulshada Somaliland yihiin kuwii Xukuumadda sida wanaagsan u doortey ee codkooda u siiyey sidaas darteed lama odhan karo bulshadu waa kuwo aan wanaagga jeclayn mar hadday xaqiiqdu sidaas tahay waxa muuqata in dhinaca uu saluuggu ka imanayaa uu yahay dhinaca Xukuumadda, waxaase weli inna hor taalla su’aasha ah maxaa ugu wacan Xukuumadda cusub inay bulshada qaybo badan oo ka mid ahi saluugaan tallaabooyinkeeda bilowga ah, waxaan filayaa inay arrintani tahay midda u baahan in lays dul taago oo lagu hakado.

Waaya aragnimada nolosha Aadamuhu waxay macallin inoogu tahay in ogaanshaha tagtada oo loo geeyey fahamka taaganuhu uu yahay mid si fiican loogu oddorosi karo timaaddada inagu soo fool leh balse haddii aan talada iyo sida loo qorshaynaayaba aan si qumman loo abla ablayn waxa xaqiiq ah inaanay noqonaynin mid midho dhal ah, markasta oo ay taladu noqoto mid gudhan oo galoof ah, waxa muuqata in aanay geeddigeeda meel roon furaynin.

Maahmaah soomaaliya ayaa tidhaahda (Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa), sidaa awgeed marka si hufan u eegno tallaabooyinka bilowga ah ee ay Xukuumaddu qaadday waxa innoo muuqanaysa wax yar mooyaane inay inta badani yihiin qaar saluug weyni ka muuqdo oo dad badani ka soo boodeen, maaddaama aynu u aragno in meel kasta oo ay Xukuumaddu qabsataaba ay u soo ruqayso, miyaanay sida cadceedda u muuqanin inay qorsheyaasha dawladdu yihiin (Cabdoo qalad xisaab), si kale haddaynu u dhigno waxaad mooddaa inay Xukuumadda haysato muddaahano faro badani, haddii ay muddaahanadu badatona waxa kaliya ee kugu kordhaa waxa u noqonayaa saluugga iyo boogaha siyaasadda oo kugu bata, aan idin xasuusiyee erayga muddaahano micnihiisu waa talo xumo.

Gebo-gebada Weedha wargeysku waxay Xukuumadda cusub u soo jeedineysa inay ka korto Muddaahanada iyo talo xumada ay hawlaheeda intooda badan ku bilowday, oo ay keento qorsheyaal sugan oo ay ku wajahayso hawlaha culus ee hor yaalla, isla markaana arrimaha cakiran ay u dabiibto sida ugu wanaagsan oo ay iska dayso Gole ka fuulka iyo Geedo sare waabka ay Xukuumaddu dhex fadhido.

Weedha Wargeyska Hargeysa Star

Login