September 30, 2010

Waa in Madaxweynaha loo Yeedho, oo la Weydiiyo Halkuu ka Keenay Chief Of Cabinet-ka?” Xildhibaan Maxamed F. Qabile

Hargeysa - Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee sida weyn ugu ololayn jirey Xisbiga talada haye ee KULMIYE, ayaa sheegay inay waajib tahay in Golayaasha sharci-dejintu inay u yeedhaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo si wax looga weydiiyo meesha uu ka keenay xilka cusub ee ku saabsan Chief Of Cabinet, kaasoo uu Xildhibaanku xisay in aanu ku jirin Distoorka Somaliland.

Xildhibaan Qabile oo Shalay u waramayey Shabakada Wararka ee Ramaasnews, waxa uu sheegay inuu shaqsiyan aaminsan yahay in cida xilka qaranka u haysaa inay tahay oo keliya Madaxweynaha, balse ayuu yidhi: “Annigu Waxaan Qabaa in Golaha Wakiiladu u yeedho Madaxweynaha oo weydiiyo, halka uu ka keenay Chief Of Cabinet-ka Distuurka meella kagama jiree. Waan qabaa in Distoorka Soamliland Chief of Cabinet aanu meel-na kaga jirin, anigu waxaan u arkaa inuu yahay Madaxweynaha.
Mar haddii aanu Distoorka meel-na kaga jirina waa in Madaxweyanah loo yeedho iyo ciddii kale ee ay qusaysaba oo uu meeshay ka timi caddeeyo.”

Sidoo kale, waxa xildhibaanku uu waraysigiisa kaga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xayiraada lagu soo rogay Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ducaale, bedelaada Taliyihii Ciidanka Galbeedka iyo muranka ka dhashay arintaas, doorka Golaha Wakiilada ee xagga sharciga oo uu xoog ugu dhaliilay Golaha uu ka tirsan yahay, isla markaana uu xusay inay gabeen kaalintii.

Halkay Iska Shabahaan Xukuumada Cusub iyo Shiicada Ciraaq?

Maxamed Cabdale Cilmi

Intii aadamuhu noolaa waxa jiray isbedelo kala duwan oo dunidan soo maray, kuwaasoo mid kastaa leeyahay xusuus u gaara oo dadku kaga faaloodaan dhacdooyinkii ku meersanaa yeeshana qiimayn iyo bar-bar dhigid kolba wixii markaa jira.

Inta aynaan u gundo degin dulucda maqaalkeenan hoggaamiye kasta oo doonaya inuu ku guulaysto kasbashada quluubta dadka uu Xukumayo, waxa looga baahan yahay inuu yeesho astaanta cafiga, arintani waxay sabab u noqon kartaa in masuulkan iyo dalkiisuba noqdaan mid ku naaloonaya xasilooni iyo badhaadhe.

Taariikhda casrigan dhow waxa jira wadamo badan oo isbedelo kala duwani ka dheceen, isbedeladaas oo ah kuwo ku suntan rabshado ama nabad gelyo.

Dalalka Koonfur Afrika iyo Ruwanda, ayaynu tusaale dhow u soo qaadan karnaa meelaha ku astaysan dulqaadkii ay madaxdoodu muujisay iyo midhihii laga helay, Wadanka Ciraaq ayaa isaguna tusaale kale ah aargoosigii siyaasadeed ee ay ku kaceen hogaankii madaxda shiicada, arintaasoo sababtay in ilaa maanta xal loo la’yahay dhibaatada halkaa ka jirta.

Hore Soomalidu waxay ugu maah-maaday “Is xusuustaa isma Xabaalo.” Somaliland ayaa iyaduna tusaale kale u noqon karta mabda is saamaxa iyo ilowga wixii la soo dhaafay waana ta keentay in maanta ay noqoto meelaha ugu xasiloon geyigii laysku odhan jiray Soomaaliya.

Saddex Dawladood oo hore xilka isaga bedelay dalka Somaliland marna taariikhda laguma hayo in qof xil umada u soo qabtay uu ka wer-wero in lagula kaco wax loo macnaysan karo ficil ku dhisan in lagaga aarguto shaqadii uu la soo qabtay nidaamkii uu ka tirsanaa.

Annigu ma ihi shaqsi u qiil samaynaya musuq iyo boob lagula kaco hantida shacbigan masaakiinta ah, balse waxa aan ka hadlayaa wuxuu yaha goorma ayay haboon tahay in masuul xil umada u haya in lala Xisaabtamo wanaag iyo xumaan wixii u la yimi?

Caqliga fayoobi wuxuu in odhanayaa qofka waxa haboon in lala Xisaabtamo inta uu xilka hayo markaana la sheego dhaliishiisa iyo wanaagiisa, waana waajibka Xukuumada markaa jirta in ay is xakamayso lana socoto nidaamkeeda dawlad wanaag.

Isbedelkii siyaasadeed ee Somaliland ka dhacay 26 June 2010 wuxuu ahaa mid talada dalka lagula kala wareegay jid salmi ah, kadib markii cod bixintii doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay uu tiro shilis ku guuleystay mid ka mida Xisbiyadii mucaaradka ahaa KULMIYE.

Guushii doorashada ka dib waxa markiiba Xisbigii guuleystay ee KULMIYE laga arkay talaabooyin ugub ku ah isbedelka ka dhaca wadan doorasho xor iyo xalaal ahi ka qabsoontay, sida samayn gudiyo kala duwan, kuwaasoo lagu yaqaan meelaha sida khasabka ah xukunka lagu qabsado, waayo dalka waxa ka jirtey Xukuumad leh haykalkeedii dawliga ahaa, taasoo iyadu masuul ka ahayd in ay ku sinto xukunka Xukuumada soo socota.

Bedelaad wadareed lagula kacay shaqaale xirafadeedkii dawlada ayaa iyaduna noqotay mid bulashadu su’aal iska weydiin karto, tolow Xisbiga KULMIYE ma inqilaab buu dalka ku qabsaday? waayo waxa dhici karayey dad wax ku lahaa guushii KULMIYE inay waayeen shaqooyinkoodii ay dalka xaqa ugu lahaayeen, sababtoo ah sida curfiga ah inta badan isbedelada siyaasadeed saamayn kuma yeeshaan shaqaale hoosaadka u shaqeeya dawlada.

Hore waxa u jirtey dhaliilo ay u jeedin jireen dadka aan ku fekerka ahayn xisbul xaakimka KULMIYE, waxana lagu xaman jirey in maalinta uu talada ku guuleysto la iman doono wax loo fasiri karo hab ku dhisan kooxaysi, kaasoo lagu ciqaabi doono cid kasta oo uu galo raad maalin uun KULMIYE lid ku ahaa.

Waxa kale oo iyaguna jirey dad geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii ay u hagaajin lahaayeen sawirkaa laga sheegayay KULMIYE, iyagoo dood’ooda sal uga dhigaya in hadaladaasi yihiin kuwo ka soo fulaya cadowga keliya ee KULMIYE leeyahay xisbiga UDUB iyo xulifadiisa.

Wargeyska YOOL

Login