September 30, 2010
Suldaan Xasanoow Salaantiinta Samaroon Dareenka Shacabkooda Ayay ka Hadleene, Adiga Hadaladoodu Halkay Ku Damqeen?
Marka hore waxaan salaamayaa bahda saxaafada Awdal/Salal ee sida hufnaanta leh wararka nooga haqabtira.Marlabaad waxaan salaamayaa salaatiinta reer Awdal/Salal ee ilaahay xigmada iyo aqoonta ku manaystay waxaanan ku hanbalyaynayaa sida fiican ee ay danaha bulshadooda uga hadlaan.
Tan iyo 1993 beelaha wada dega gobolada waqooyi ee soomaliya waxay ku hamiyayeen inay gabaladooda ka dhigaan Dowlad ka badax banaan wadankii soomaliya la isku odhanjiray.Arintani waxay ahayd mid dadku si wayn u soo dhaweeyeen islamakaana ay gudoonsadeen inay kaga dhabeeyaaan. Dadka waxaa ididiilo wayn ku abuuray ama galiyay nidaaamkii dowladnimo ee boorama lagu soo dhisay 1993 iyo sidii loo fuliyay, marka laga soobilaabo Cigaal ilaa M/wayne Rayaale.Balse waxaad moodaaa wixii oo dhan inay tani ku galgalatay oo ay ka dhigtay Dowlad aan jirin iyo wax reer gaarihi leeyahay taani markaa waxay sobobtay inay dad badani ka biyodiidaan sida foosha xun ee wax loowado.
Waxaa halmar isbadalay muuqaalkii dowladnimo waxay isgu badashay shaqsiyaad reera oo is urursaday islamarkaana wada ficilo aar goosi iyo isir nacabka muuqdo. Waxaa sigaara loo ugaadhsaday dadka ka soo jeeda gobolada Awdal/Salal waxaa laga sifeeyay dowladii lawada sheeganayay ee shalay dadku u sinaayeen, waxaa laga bilaabay wasiiradii waxaa la gu xijisiiyay agaasimadii waxaa lagu xijisiiyay shaqaala hoosaadkii markis hargaysa laga dhameeyay ayaa hada loo talaabay Awdal/Salal waxaana laga bilaaabay in taliyayashii ciidanka boosaskii laga qaaato arimahani waxay ka fajiciyeen M/wayne K/xigeenka iyo laba wasiir oo samaroon DowLada kaga hadhay kuwaas oo dhiikar ka qaaday sida wax loo wado.
Si kastaba ha ahaatee arintan waxaa ka hadlay salaatiinta reer awdal/Salal iyaga oo raba inay muujiyaan dareenka dadka ay masurka ka yihiin islamarkaana raba inay saxaan Mr siilaanyo. Hadaba hadaladii salaatiinta reer Awdal/Salal waxaay dhibeen oo ka hadlay nin sheegtay suldaan oo la yidhaa xassan, hadaba waxaan leeyahay suldaan xasanoow salaatiinta reer awdal dareenka bulshadooda ayay ka hadleene adiga hadalkoodu halkuu ku damqay?
Ma naburkii qabyaalada ee aad garaadada ku qaadateen ayaa lagu damqay oo sobotaas ayaad u difaacaysaa ninka(siilaanyo) dhiiqada walaaqanaya. Hadaan kuu raaco dowladnimada aad sheeganaysid miyaad iloowday inuu madaxwaynuhu dadka u simanyahay qaladkisana loo sheegi karo miyaydaan tababaranin 8 deedii sano ee dumuquraadiyada la idin barayay mise masgaxdiina waxba magalaan oo waxba dadka kama faa’iidaysataaan ayaa kugu yidhi madawayne ay dadkiisu dhaliilayaan ayaa la difaacaa.
Dhanka kale hadii madaxwaynaha iyo salaatiintu is qabsadaan oo ay wax isgu afgaran waayaan salaadiinta kale ayaa dhexdhexaadisa oo isku keenta waxa dhexdooda yaalana dhamaysa hadaba waxaa la idiinka fadhiyay hadaatihiin salaatiinta isaaq inaad dhexdhexaadisaan madaxwaynaha iyo salaatiinta reer awdal oo aad dhamaysaan waxa lakala tabanayo imikase isaga ayaabad la safantihiin oo waad ku taageersantihiin qaladaadka uu samaynaayo markaa idinka iyo dowladii siilaanyo miyaydaan ahayn isma dhaanto iy dhasheed.
Ugu danbayntii waxaan leeyahay salaatiinta Isaaaq, Aqoonyahanka isaaq, dhalilyarada isaaq, inta aad walaalihiina idin jecel xumaanta ladaba joogtaan inta aydaan dadka dhagaysanayn inta aydaan wax idin saxada ogolayn inta aydaan hoos iskugu fiirsanayn ee aad samada kufaruur xidhantihiin ina aan kiina waalan iyo kiina fayaw iskala garanayn inta aydaan qabanayn kiina qaldan inta aad la xumadaysantihiin dowladanyar ee aan dilla laga aqoonsanayn waxba idinka shaqaynmaayaan Dowlad soomaliland layidhaa oo caalamka ka midnoqotaana waa habeenkii xalay ahaa ee tagay.
Nin baa laga hayay xamiido wasmo way rabtaa qalqaaladeediina ma hayso. Isaaq waxay rabaan in soomaliland gaar isku taagto qalqaaladeediina ma hayaan waayo yar iyo wayn waxay isgu raacsan yihiin inay dulmaaan dadka walaalahooda ee ehelu sharafka ah ee ehelu cilmiga ah ee lafdhabarta soomaliland ah (samaroon).Markaa miyayna ahayn dad gurcud gudaya oo been isgu maaweelinaya. Hadaba intaad dib isgugu noqotaan la yimaada waxii idinka shaqaynlahaa hadii kale maalinka ay xamar nabad noqoto waa lagu kalayaaci hargaysa sidiii yoomal qiyaamaha.
WABILAAHI TOWFIIQ
Ahmed Mohamed - Sweden
Email: Ilays3392@hotmail.com
