September 30, 2010

Reer Gabilay oo Ku Baaqay in Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland, Cilmi Rooble Furre Ku Dhici Karin Inuu Qabto “Cawar Xareed”.”

Oday Maxamed Xasan Xaaji oo ka mid ah Wax garadka Deegaanka Gabiley ayaa isaguna si wayn gaashaan ka ugu dhuftay Taliyaha ciidanka Booliska. Cilmi Rooble Furre amarkii uu ku sheegay in uu ku bixiyey in uu soo qabanayo Cawar Xareed waxaanu yidhi “Haddii Cilmi kabaal uu u harraadan yahay wax la qabto iyo cid la xidho waxa ka kaw ah in uu soo qabto ciddii dishay ninkii xoolihiisa ku dhex ee ganayay Beertiisa ee deegaanka Ceel Bardaale oo dhacday mudadan uu Xilka Taliyenimo hayey Cilmi Kabaal, inta uu u soo hanqal taagayo Mujaahid aan waxba galabsan oo Xukuumadii hore ku colaadisay dareenka uu la wadaagayey Beeshiisa ee Xaqu-dirirka ahayd ee Golayaasha Guurtidu u xukumeen tiraba Laba jeer ee Fulinta uun sugaya”.

Waxa kale oo uu intaa ku daray Oday Maxamed Xasan’ “Hadii uu doonayo Cilmi Kabaal Nimankaa la laayey cidii laysay waxanu u tuhun sanahay inay ka danbeeyeen Madaxwaynihii hore Daahir Riyaale, Taliyihii Qaybta Awdal Indho-Qarsho, iyo Badhasaabkii hore ee Awdal ee horta Nimankaa ha soo qabto, hana ka dhex raadsado iyaga”. Ayay ku soo gunaanadeen hadalkooda.

Arrintan ka soo If baxday Odayaasha Dhaqanka ee Awdal ayaa badi Dadwaynaha Reer Gabiley si wayn uga biyo diideen iyagoo ka aaminay Afkaaro kala duwan marka la ag dhigo sida ay uga mudaharaadi waayeen Isbadalkii Dalka ka qabsoomay dhawaan ee Madaxwaynihii hore Xilka ugu wareejiyey Madaxwaynaha Cusub ee hada, iyo qaylada aan loo kala hadhin ee Salaadiinta Gobolka Awdal hormoodka ka yihiin ee ay ku diidan yihiin Taliyaha la badalay . iyada oo is waydiinta ugu badani tahay Waxa uu kaga miisaan cuslaa Taliyahani Madaxwaynihii hore ee ay isku Gobolka ahaayeen.

Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)

Gabileynews Gabiley Office

Login