September 30, 2010

Reer Awdal Abaalkoogii ma Wuxuu Noqday Iyagoo Tixgalintoodii ay Maqantahay, Hadana Loogu Daro Caga Juglayn!

Reer Awdal waxay abaal iyo qadarin ka mudanyihiin bulshada ama shacbiga la isku yidhaahdo somalilland , reer awdal waa dad nabad galyada  jecel had iyo Jeerna u tagan nabad galyada iyo geedi socodka dimuqraadiyada somaliland, waxaanay baal dahab ah kaga qoranyihin taariikhda quruxda badan ee ay so martay somaliland mandiqada geeska africana lagaga amaano.

Waxaana kow ka ah shirkii borama sheekh cali jawhar lagu qabtay ee somaliand dhidibada loogu aasay laguna soo doortay marxuum maxamed xaaji ibrahim cigaal iyo abdiraxman aw cali faarax , mudane daahir rayaale kaahin oo ah isaguna aan ognahay somaliland heerka uu gaadhsiiyey oo ay nabad galyadu kow ka tahay.

iyadoo ay saas tahay waxaa jirta in ay reer awdal marar badan dulqaad dheeraad ah u yeeshaan khaladaad aad u badan oo kaga imanayey masuulo iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha dhexe ee reer sheekh isxaaq, iyadoo lagu dhaafayey halkii ugu saraysay ayan fadhinaa mana aha maalintii aan jawaab ka bixin lahayn taasi waxay dhalisay dilkii foosha xumaa ee dad rayid ah oo iskugu jira aqoonyahano iyo gacanasato u dhashay gobolada awdal iyo salal, lagu gawracay jidhka u dhaxeeya dila iyo kala baydh.

Waxay reer awdal kaga dabasheen dadkaas in ay ka raacaan nabadgalyada oo ah shay qaali ah iyo in ay ka  war sugaan masuuliyiintii iyo salaadiintii ka kala imiday gobolada kale ee somaliland ilaa maantana aan waxba laga qaban, ta labaad ragii dilkaa gaystay ay tamashlaynayaan hargeysa iyo gabiley laabtana loo tumayo.

Reer awdal waxay sidii ugu quruxda badnayd uga qayb qaateen doorashooyinkii ka dhacay somaliland, Gaar ahaan doorashadii ugu danbaysay ee madaxtinimada somaliland, Taasoo uu ku guulaystay axmed maxamed siilaanyo sidii ugu quruxda badnaydna uu ku wareejiyey mudane daahir rayaale kaahin. Hadaba Abaalkii reer awdal ma wuxuu noqday iyagoo sharaftaas iyo gobonimadaas muujiyey, in aad ku mashquushaan, oo aad waliba eed dusha uga saartaan, iyagoo ragoogii iyo cadkoogii tixgalintoodii maqantahay!

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa salaadiinta iyo oday dhaqameedka kasoo jeeda gobolka awdal & salal, in badan xukuumada u direen baaq ah in wax laga qabto arimaha ay tabanayaan shacbiga reer Awdal & Salal xukuumaduna ay ka dhago furaysatay Haday maanta runta sheegeen ma dayrkii makaa dumay.

Somaliland in ay dhan u jan jeedho Nina daah kama saarna, oo ay tahay Awr Dhinac ka raran, waanad ogtihin Dhibaatada somaliya ka dhacaysa in ay tahay siyaasad xumo maamul xumo iyo cadaalad daro, Xukuumada Siilaanyo waxay ku sifowday dhamaan waxa ka socda dawlada soomaaliya oo ah hab qabiil iyo is badalkii ay sheegayeen ka dhigaan Aar Goosi Kani weerar waa Reer Hebeloo wuxuu taageeri jiray xukuumadii ina rayaale.

Iyadoo sidaas loo wada ogyahay Maala waayey, Reer sheekh isxaaqow siyaasi, oday dhaqameed, wax garad, ganacsato, aqoonyahan, ka hadla oo beeshaas ah waxan ay xukuumadu ku kacayso ee foosha xunle, waxaan hadalkayga kusoo koobayaa, Hadii Somaliland Lawada Yahay Haloo sinaado Hadii kale Waxaa iyadu lugahega ku iman doona Waxa soomaliya ka dhacaya.

Mana aha reer Awdal & Salal Dad dhibta Jecel Laakiin Mar bay Duruuftu keenta in ay colaadu Nabada dhaanto wabilaahi tawfiiiq wasalaamu caleykum.

S. Jaamac

Email: s.jamac@hotmail.com

Login