September 30, 2010

Madaxweyne, Nuux Taani Isagana Badal, Ilayn Wuu Fashilmaye

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda saxaafada. Waxaan rabaa inaan wax ka idhaahdo arin baryahan danbe  aad ugu wayn war baahinta oo ka dhashay dableydii sida tuugada ah uga soo dagtay xeebaha galbeedka dalka. Somaliland na run ahaan tii ay kuwada fashilantay marka laga soo bilaabo madaxweynaha, taliyayaasha ciidamada iyo taliyaha sirdoonka intuba.

Waxa uu ahaa  arin uu cidkastaa ka xunyahay Laakiin layaab ayay ku noqotay cidkasta markii ayay masuuliyiintii dawladu ay eedii oo dhan ay saareen dadka reer Awdal oo aan waxba ka ogayn hawsha oo ku war helay oo kaliya markii wuu waraysiga siiyay idaacada BBC da wasiirka arimaha gudaha Dr. gaboose.

Waxaase ka sii yaab badatay in arinkaasi uu noqdo arin keena in cadaadis lagu saaro dadka ka soo jeeda gobolada Awdal , salal iyo gabilay . waxaan u aragnaa arin qalad ah in cid uun eeda la saaro. Haddii ay dawlada taagteedii noqotay inay shacabka eedayso waxa ay ahayd inay si isleeg dadka loogu canaanto inay dalkooga ilaashadaan.

Arinkaasi sida uu u muuqdo waa arin fashil ah oo ku yimiday dhamaan cida ay khusayso Laakiin madaxweynuhu inuu general xudhuun arin kaasi ku cadaadiyo waxaan u aragnaa inay tahay arin aan caadaalad ku dhisnayn oo beelaysan waayo arinta amaanka isaga waa laga xigaa.

Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa inuu general taani isagana badalo ilayn isaga ayaa masuul ka ah amaanka dalka oo dhan.

Haddii aanu nahay beesha dagta gobolada Awdal, salal iyo gabilay waxaanu taageersanahay baaqii ay salaadiinta iyo waxgaradka beeshu ay u direen xukuumada iyo madaxweynaha. Arinka badalka xudhuun madaxweynuhu haka fiirsado hana tixgaliyo baaqa ay u soo direen madax dhaqameedka beeshu.

General taani badalkiisu waa arinka kaliya ee wada noolaanshaha iyo jiritaanka Somaliland uu ku sii socon karo waayo:

1. Taani waa ninka isagu masuuliyadiisii ka seexday

2. Waa nin ka mar walba huriya dagaalada ka socda ceelbardaale

3. Dadka daga gobolada Awdal, salal iyo gabilay waa nin ay aad uga Aamin bixeen ayna u arkaan in uu cadaw ku yahay.

Marka madaxweynuhu inta uu badalka xudhuun wuu ka fikirayo ha ka fikiro arinta maslaxada iyo jiritaanka Somaliland.

Dadweynaha Somaliland waxa aan xasuusinayaa in ay xukuumadi ku jiri karto isku kalsoonida ay dadka dalka wada dagaa isku qabaan. Tusaale ahaan:

·  Adal empire oo ahaan jirtay boqortooyo ka jiri jirtay gobolada Awdal iyo kililka shanaad marka loo dhabo galo waxa ay ku baabaday kibir ay ku keceen dadkii boqortooyada lahaa.

·  Dawladii la odhan jiray soomaaliyana waxa ay ku burburtay kibirkii daarood

·  Dawlada Somaliland waxa ay qarka u saaran tahay inay ku burbuto kibirka beesha isaaq.

Markaa waxaan talo ahaan soo jeedinayaa in la dhawrto nabada iyo xasiloonida oo la is tixgaliyo loona arko inay Somaliland ay wada jirka ku dhisantahay. 

Beelna kaligeed qaran noqon mayso, cidka kasta ha loo tixgaliyo jiritaakeeda madaxa banan. Waana in la siiyaa saamiga ay leedahay oo waxkasta si isleeg loo kala goostaa taasi ayaynu kusii jiri karnaa.

Mah’ed saed Hasan (saxaaf)

Email: Saxaaf60@hotmail.com

Login