September 30, 2010
Ma La Odhan Karaa Dawladnimadii Somaliland Waxay Gacanta u Gashay shacabka?
Hordhac: Dawladnimada casriga ahi waa nidaam u adeega bulshada dal ku nool, bulshadaasi oo leh distoor qeexaya, shuruucda dalka iyo talada dalka. Shacbiga dalka ku noolina ( muwaadiniinta ahi ) waxa ay xaq u leeyihiin in ay si dimuqraaddi ah u doortaan hoggaankii ka talin lahaa dawladnimada dalkaasi, ee ugu horreyn sugi lahaa ammaanka iyo adeegyada dawliga ah ee kala geddisan….isla markaana si caddaalad ah u maamuli lahaa ummadda iyo haykallada dawliga ah.
Haddaba si manhajkaa dawladnimo loo gaadho, waxa loo baahan yahay in shacabka wax dooranayaa aad uga fiirsadaan siyaasadda dalka lagu maamulayo iyo hoggaanka maamulaya. Laakiin haddii ay dhacdo in laga fiirsan waayo, waxa iman karta khalkhal siyaasadeed oo dalka iyo dadkaba halakeeya. Jahawareerka arrintaa ka dhataana waxa uu saamayn weyn ku yeelanayaa jiritaanka dawaladda markaa talisa, oo sida qaalibka ah ku keenta in ay meesha ka baxdo, dadkuna ay dib ugu dareeraan codbixin kale oo ay ku soo xushaan ciddii ay ku kalsoon yihiin.
Somaliland
Aniga oo aan haddaba Somaliland maanta dawladdeeda ku tilmaamayn, mid hanan kari weydey dawladnimadii loo igmay ayaan misna ka dareemayaa in aanay weli helin toobiyihii toosnaa ee muddada la doortay ay dalka ku wadi lahayd hannaan raaxa leh. Baahida shacabka iyo duruufaha ku xeeranina dulqaad badan uma laha wakhti badan oo lagu lumiyo yooyootan iyo talo cusub oo la raadiyo.
Wakhtiyo badanna waxa dawladda cusub loo soo jeediyey talooyin wax ku ool ah, oo dhinac walba taabanaya. Si uu maamulka cusub ay ugu fududaato hanashada hawsha cusub ee loo igmay. Waxana muuqata in aanay talooyinkaasi marna ka soo muuqan shaashadda siyaasadeed ee Somalilandda maanta.
Haddii aan qaar ka soo qabtana waxa aan xasuustaa talo ku wajahnayd in tababar iyo siminnaarro loo furo wasiirrada, golayaasha iyo hoggaamiyayaasha xukuummadda. Oo u muuqda in ay iskood u madax bannaan yihiin. Qof walbaana uu saxaafadda la hadlayo, iska sheegayo waxa uu doono. Laakiin ay habboonayd in ay dadka dawladda matilayaa isku mowqif ka yihiin arrin ay gudahooda ku soo gorfeeyeen oo manhaj leh.
Tala xumada is dhex yaacaasina waxa uu keenay in ay gobollo ka mid ah Somaliland ay siyaasad ahaan ka biyo diidsan yihiin hannaanka uu Madaxweyne Siilaanyo dawladdiisa u wado. Amma la dhalliilayo maamulayaasha uu hawlaha u igmaday oo lagu tilmaamayo in aanay hawshooda gaadhsiisnayn halkii lagu waday. Shacabkuna ay ka biyo diidsan yihiin.
Dimuqraaddiyadda Somaliland.
Arrintase la yaabka leh ee Somaliland dawaladnimadeeda saxday ayaa ah sida loo wada hadlayo, ee codka shacabku uu uga xoog badan yahay codka siyaasiyiinta amma dawladda. Dal ay shacabkiisu hadlayaan, oo ay weliba hanjabayaanna kuma yaallo Afrika iyo caalamka dunida saddexaad amma afraad. Taasina waxa ay tilmaan u tahay bisaylka ay shacabka iyo dawladduba u bislaadeen dawladnimo dimuqraaddi ah oo la gaadho.
Tusaale ahaanna waxan aad ugu bogey sidii ay dorraad u wada hadlayeen oday dhaqameedyada Awdal iyo wasiirka daakhiga ah DR Gabboose. Oo runtii ahaa mid saraaxad leh. Si aan siyaasadaysnay oo saaxiibtinimana waxa uu wasiirku talo ugu soo jeediyey in aanay carruur dhagax wadata dibadda u soo saarine ay keensadaan toddoba oday oo mowqif mid ah wata oo miiska u garaaca dawladda…taasi ayaana muddaharaad ka xoog badan ayuu yidhi. Odayaduna waxa ay u muujiyeen in ay dawladda xurmo u hayaan, laakiin ay xaq u leeyihiin in la dhageysto taladooda lana meel mariyo.
Laakiin dhanka kale waxa weli jira in aanay iyana meesha ka bixin qabyaaladdii oo ay dadka qaar u isticmaalayaan si qaldan. Iyaga oo muujinaya in wax la kala leeyahay, oo aan loo sinnayn dawladda. Haddii laga hadlana loo tarmujayo in reer laga soo horjeedo. Taasi oo ujeeddada ka dambaysaa ay tahay mid shakhsi ah, una eg si ay u fushadaan danahooga khaaska ah. Reernimada ay dadka ku kala riixayaana maaha mid daawo u noqon karta kadaraha maamulka dawladda hor yaalla. Waxase ay dhisayaan boholo aan laga gudbi karin.
Milgaha doodda.
Doodda iyo fikirka oo la is dhaafsadaa waxa ay leeyahay laba weji
1. Mid is faham la’aan keena ( negative )
2. Mid is faham keena ( Positive )
Waa midda koowaade haddii milgaha hadalku aanu marka horeba xurmo iyo is dhageysi wadan, waxa uu keenaa muran iyo yooyootan. Waxanu isugu biyo shubtaa in lagu kala kaco amma ay xumaani ka dhalato.
Laakiin sawirka ay ta labaad bixinayso ayaa lagu qeexi karaa; marka doodda la is dhageysto ee wixii gar ah la kala qaato, waxa ay keentaa wanaag iyo in la wada tashado. Fikradihii la kala qabay ee aan caafimaadka qabinna waxa ay noqdaan kuwo meeshii ka baxa.
Sidoo kale waxa iyana in la tilmaamo u baahan, shabakadaha Internetka ee dadka wareeriyey, oo aan iyana ma’uuliyiintooda uga fadhinaa in aanay shacabka dab isugu dhiibin ee ay walaaleeyaan. Kuwa caytamaana ay joojiyaan cayda iyo xumaanta ay falayaan.
Awdalpress.
