September 30, 2010
Baaq Ka Soo Baxay Ururka Dhalinyarada (SAMO DOON) ee Awdal/Salel
Halis Qurux Badan oo Hadeerna Hoosta Ka Xumaatay “Waa`Isbadalkii Loo Wada Hanwaynaa”.
Anaga oo ah dhalin yarada gobolka awdal iyo salal waxaan si buuxda ugu taafeersanahay baaqii ay salaadiinta gobolka awdal iyo salal usoo jeediyeen xukuumada xusub taasoo ay kucadeeyeen wax muuqda oo aaanu ku taabacsanahay hadaan nahay dhalinyarada gobolka salal iyo awdal.
Anaga oo tixraacayna talaabooyinka xukuumada cusub ee siilaanyo oo noqday kuwo wax` udhimaaya geedi socodka qarankani uu ku talaabsan lahaa, sababtoo ah waxa nooga muuqata talaabooyinkii dowladnima ee isku xidhka bulshada iyo sugida amniga oo ah kaliya horumarka koowaad ee ay kufaano dhamaan shacbiga soomaaliland, Khaasatana saamayn xoogleh ku yeeshay gobolka awdal iyo salal maadaama ay ku dhaqaaqday talaabooyin ay ku badashay madaxii ciidanka qaranka ee gobolka awdal iyo salal oo ahaa nin shicibku og yahay in uu shaqadiisa kasoo baxay kartidiisana ku waday ciidanka uu hogaanka u ahaa.
Waxaan xukuumada usoo jeedinaynaa in ay xukuumadu tahay mid badasha qof kasta oo xilkiisa kasoo bixiwaaya cabashooyina ay kamuujiyaa maamulka gobolkaasi iyo dhamaan shacbiga ku dhaqani ,laakiinse maaha inay badasho qofka shaqadiisa kasoo baxa ee wadanka iyo khaasatan shacacbiga ku dhaqan gobolkaba dal u ah.iyadoo lawada og soonyahay in uu masuulka guud ee ciidanka qaranka ee maga ciisa` layidhaahdo nuux taani oo lawada og soon yahay falkii foosha xumaa ee ka dhacay dariiqa udhaxeeya gabilay iyo magaalada dila in uu goobjoog u ahaa wax talaabo uu ka qaadayna jirin kalsoonida lagu soo qaban waayayna mujrimiintii dadka ku qowracay uu isagu lug ku lahaa maadaama ay noo muuqotaa ilaa imika talaabooyinka uu qaadayo oo ah mid uu wax ku daboo laayo.
Hadaba waxa ah in wax lays ka waydiiyo is badalkan ugaara gobolka awdal oo noqtay mid bar yahayn danbe aanu u aragno inay xukuumada danbe tirtirayso kana soo hor jeedo xukuumadii hore ee uu madaxwayne riyaale uu hogaaminaayay oo lawada ogsoon yahay inay talaabo kasanta oo ay qaado ama kahor timaadaayiba ku wajahaysay xasiloonida qaranka iyo isku xidhka iyo bulsho waynta dalka gobolka awdal iyo salalna ula sinaa gobolada kale inta badana ka hor marin jiray gobolada kale taasina ay cadayn u ahayd maahmaahda soo maaliyeed ee tidhaahda [QAYBIYAA QADA].
Imikana sida lawada ogsoon yahay noqotay [QAYBIYAA WADA QAATA\ in kastoon khaasatan waliba ogsoonahay dhalinyara ahaan in aanu 5% boqolkiiba shan ay kashaqeeyaan xukuumada laamaheeda kala duwan ayna tahay wax aanu ku muujinayno cadaymooyin iyo xaqiiq dhaba, hadana nalagu ee dooyo waa ay mudaharaadaan dhalinyarada gobolku , mudaharaadku meesha uu kazoo bilowday maanay ahayn mida uu madaxwaynaha haatan talada haya iyo xisbigiisuba uu hargaysa wadooyinka waawayn uu horkacayay maxamed axmed maxamuud siilaanyo isa goo dhaliilaaya xukuumadii markaasi jirtay garanayana cabashadu waxay tahay.
Waxaan xukuumada usoo jeedinaynaa in shicibka gobolka awdal iyo salal kaliya ay ogyihii WAXA SOO FADHIYA oo qudha laakiin ay dowlada kacod sanayaan in ay shaaca` kaqaado WAXA SIIDABA FADHIYA ee anan laga raneeynin waxa uu yahay.
Waxa aan jawaab kasii naynaa hadal uu maqaalku qoray suldaalka beesha Ciidagalaha sul. Maxamed c/qaadir oo xukuumada usoo jeediyay talooyin uu yidhi xukuumada haka kirayso xeebaha galbeenta dalka itheopia kuna cadeeyay in dhaqaale badani kasoo galaayo halkaasi .hadaba waxaan u sheegayna maahmaahbaa jirtay luuq luuq marow laasimka laamiguu imaanaa hadaba suldaan maxamadow waxaan kuu shee gaynaa iyada oo magaca suldaanku uu qaali nagu yahay ceebtiisana aanu afka soo marinaynin, hadana wadaninimada aad dhaqaalaha ugu doonayso, waxaad caasimada gobolka howd usoo rartaa salaxlay si ay u timaado fursad jaadka loo soo mariyo karooska. taa soo aad in badan ku taamaysay dhaqaaluhuna halkaasuu kuugu jiraaye.
Hadii laga maarmi waayana cida kiraynaysaa maaha adiga suldaan ee waa anaga. Laakiin waxa noo muuqata isbadalka khaasahaaneed ee ladamac sanyahay in loo magacbixiyo oo lahela dariiqii uu kufulilahaa.
Taasina ay tahay mid qaawan oo aana geed loogusoo gabanin , gobolka awdal iyo salalna maahin kuwo mashruuc laga dhigta loona sameeyo waxaan jirin oo ay dowladu horka cayso kuna doonayso dano gaara oo ay leedahay waxaanan leenahay isbadalku qaawanaan kuma qurux badna ee madax wayne dhar haloo xidho.
Mudane Muumin Xasan Sh. Muumin - gudoomiye
Idiris aadan isaaq — gud.kuxigeenka
C/naasir aadan Dugsiiye — xoghaye
iyo dhamaan xubnaha kale ee ururkaasi
