September 29, 2010
Somaliland: Xaalada Nabadgalyo ee Sii Xumaanaysa + Af-duub Iyo Aanooyinka Qabiil ee Bilaabmay Iyo Xukuumada oo Ciidamadii Amaanka Cabudhinta Shacabka u Adeegsanaysa.
Xaalada nabad galyo ee Somaliland ayaa markii ugu horaysay dhawr iyo toban sanadood gaadhay halkii ugu hoosaysay, waxaana sii badanaya ficilada dilka, af-duubka iyo weerarada aanooyinka ah ee beelaha iyo qabiilooyinku iskula kacayaan. Dhinaca kale ciidamadii amaanka ilaalin lahaa ee dalka ayaa xukuumada Axmed Siilaanyo ku jaha wareerisay kana door biday in halkii ay cadowga ka ilaalin lahaayeen ay cabudhin iyo caga juglaynta shacabka loo adeegsado, taas oo ay ka markhaati kacayso sida loo dhoobay jidadka magaalooyinka Burco iyo Boorama oo ah meelah ugu nabdoon dalka, balse cabashooyin xukuumada ku lid ah laga dareemay.
Iyadoo aanay wali xukuumada Axmed Siilaanyo madaxweynaha ka yahay gaadhin sadex bilood waxa maalin walba dalka laga soo sheegayaa xaalad amaan daro iyo falal argagax iyo anfariir ku abuuraya bulshada, sida la wada og-yahay dhawr iyo toban cisho ka hor waxa si aan cabsi iyo gabasho lahayn dalka u dhex maray boqolaal jabhad hubaysan ah oo duulaan ku ah dalka ugu xidhiidhka wanaagsan jaarka Somaliland ee Ethiopia, kuwaas oo dalka kaga gudbay nabad qab.
Waxa kale oo dhinaca bari ee dalka xiligan ka taagan xaaladii ugu adkayd oo hadii ay sii socoto isu rogi karta in dagaal beelaha degaanadaas ka dhex qarxaa xadhkaha soo goosto oo xaaladu faraha ka baxdo. Waxaana bilaabmay in hadh cad reeruhu is weeraraan, dad socoto ah oo dhulkaas arimo ganacsi iyo kuwo shaqsi u dhex socdayna la qafaasho oo lagu dalbado in dad kale la dhaafsado.
Sidoo kale waxa dhegaha shacabka reer Somaliland ku soo badanaya maqalkooda Toogashaa lagu dilay dad, mayd baa laga helay meel kale, dad baa lagu af-duubay halkaa iyo arimo kale oo dhawr bilood ka hor maqalkoodu ahaa mid ka soo gaadha laamaha warbaahinta dunida oo dalal kale ka sheekaynaya
Hadaba sababaha dhaliyay arimahan ayaa dhinacyo badan loo kala qaadayaa, waxaana eeda intooda ugu badan si buuxda shacabku isugu wada raacsan yahay in xukuumada taladda dalka la wareegtay si wayn uga gaabisay adkayntii amaanka dalka, kagana mashquushay xilka iyo kuraasida ay ku fadhiisteen.
Arinta labaad ee xaalada nabad galyada dalka xumaysay ayaa iyaduna ka dhalatay talaabo xukuumadu qaaday taas oo ah in Xukuumadu xabsiga Madheera ka sii daysay 11-nin oo Budhcad badeed maxkamadi xukuntay si loogu soo furto baabuur u badan beesha madaxweynaha oo lagu haystay maamul goboleedka Puntland, taas oo horseeday in budhcad badeeda intoodi kale ee ku hadhay jeelasha mid walba reerkoodu cid u qabsadaan si loogu soo daayo danbiilayaashaa qaar badan oo ka mid ahii maxkamadaha hortooda danbigooda ka qirteen.
Dhinaca kale waxa xaalada nabad galyada dalka uga sii dartay, markii xukuumadu ciidamadii amaanka dalka ilaalin lahaa ay u bedeshay inay shacabka cabudhiyaan oo ku mashquulaan sidii afka dhagaxa looga saari lahaa cidii cabasho ama tabasho xukuumada ka qabta, taas oo dadka intooda badani caqli xumo iyo maamul aan qorshe lahayn ku tilmaameen.
Magaalooyinka Boorama iyo Burco waxa jidadka iyo guryahay maatidu dhex hurudo hor dhooban boqolaal ciidamo ah oo aan la garanayn waxa ay ka qabanayaan ama sababta halkaa loo dhigay, waxaanay taasi keentay in cadow badan oo Somaliland lahayd oo awood markii hore u waayay ay ugu soo dhacaan ama ku wax yeeleeyaan amaanka ay si fudud imika wixii ay doonaan uga samayn karaan meeshii ay doonaan.
Dadka shacabka ah ayaa iyaga laftooda cabsi iyo firka nax awgeed ay dhacday inay is rasaaseeyaan, ama dagaal dhinacyo kala beel ah ama kala degaan ah isku qaadaan, dhamaana dhacdooyinkaas iyo falalkaa nabad galyo darada abuuri kara, xalaada dalkana wax wayn ka badali kara, ma jirto wax xukuumadu ka bixisya iyo wax talaabo ah oo shacbigu ku qanci karo oo ay ka qaaday, waxaanad moodaysaa inay ka xiisaynayso ceebaynta masuuliyiintii talada ku wareejiyay oo shacabku ku xantaan inay wali mucaarid ku yihiin.
Isku soo wada duubo daruurahan madow iyo xaaladahan cabsidu ku gadaaman yihiin ee dul hadheeyay Somaliland waxay shacbiga ku beerayaan argagax iyo kalsooni daro badan oo ay ka qaadaan laamaha amaanka u qaabilsan oo iyagu ahaa meelaha ugu adag uguna guulaha badnaa tobankii sanadood ee u danbeeyay, waxa kale oo durba bilaabmay in dad badan oo xukuumada imika jirta soo bixitaankeeda lug ku lahaa ay kaga qooma moonayaan wixii jacaylkoodu u horseeday iyo halka xaaladu marayso.
Harowo.com
