September 29, 2010

Siilaanyooy Dhubuq Dhubuqdaada Hore Dhabano Hays Dambe Ayay Yeelan Doontaa!

Asalamu calaykum waraxmatulahi wa barakaatu, halkan waxaan aad uga salaamayaa dhamaan saxaafada madaxa banaan ee somaliland oon ugu hambalyaynayo shaqada fiican ee umada ay u hayaan, marka xiga waxaan halkan aan hambalyo aan la soo koobi karin u dirayaa salaadiinta gobolka Awdal, salal iyo gabiley oo muujiyay waxa ay ka aaminsan yihiin dawladan yar ee fadhiidka ah ee uu soo dhisay siilaanyo oo lagu xasuusto inuu yahay ninkii ka dambeeyay dagaaladii sokeeye ee waqooyiga dalkii la isku odhan jirey somalia ka dhacay markaa dawladii dhexe ee somalia meesha ka baxday iyo dad qalkii dadka ku laayaya wadada dila iyo kalabaydh isku xidha.

Hadaba, dadwaynoow siilaanyo maxaa lagu xasuustaa ee hagardaamo ah oo dadka reer awdal kula kacay bal ila eega hada in badan ayaa laga dhawaajiyay inuu yahay nin u qalma dalka inuu maamulo se waxaan idiin cadaynayaa xaqaa’iga jira ee umada uu ka qariyo aniga oo soo koobaya.

1. Siilaanyo waxaa uu ahaa ninkii jabhadii beelaysneed ee SNM  madaxa ka ahaa mudo kooban, markii ay jabhadu soo gashay awdalna uu ahaa ragii amarka bixiyay in lagu laayo dadka gobolka awdal dadkiina markii ay arkeen sida uu wax u wado gacan ku dhiigle siilaanyo ay kala hor yimaadeen kacdoon aad u wayn oo uu jabhadii baqdin uu qabo kala soo cararay gobolka awdal.

2. Siilaanyo iyo raga ka ag dhaw ee caadifada qabiilaysan hayso ee ka ag dhaw isaga oo ay ka mid yihiin muuse biixi iyo gaboose iyo waliba taani waxaa ay ahaayeen nimankii ka dambeeyay ragii aqoonyahanada iyo ganacsatada iskugu jirey ee gobolka awdal u dhashay ee loo galay wadada isku xidha dila iyo kala baydh taas oo uu uga gol lahaayeen dagaal ka dhex qarxa labada beelood ee wada daga si uu ugu helo taageero mabda’iisa qabiilka ku dhisnaa.

3. Siilaanyo waxaa uu ahaa ninkii ka dambeeyay dhacdadii ugu dambeeyaysay hada ee ragii ka soo dagay xeebta galbeed ee lughaya isagoo uga dan lahaa isku dhufasho dawlada ethiopia iyo dadka reer awdal isagoo maqlay in dadka awdal ay wadaan dhisme ay ku dhisanayaan dakadii lughaya iyo saylac si ay ugala soo dagaan waxay ay doonayaan maqlayna in ay ethiopia u fududaanayso in ay kala soo dagto baahiyaheeda dakada lughaya iyo saylac, waxana ay maskaxdii asaasaqa ku dhawayd ku fikirtey in uu isku dhufan karo ethiopia iyo reer awdal laakiin ay falaadhii isaga ku soo qaloocantay.

Hadii aan intaas uga gudbo, gacan ku dhiigle siilaanyo iyo inta ka ag dhaw had iyo jeer waxa ay la soo taagan yihiin hadalo qadhmuun badan oo afkooda ka soo baxaya taas oo uu muuse biixi iyo isaguba ku eedayn jireen madaxwayne daahir rayaale iyo beeshiisuba ay yihiin dad la cafiyay oon wax xaq ah aan ku lahayn dalka, se waxay moogan yihiin in ay dadka reer awdal la socdaan dhaqdhaqaaq walba iyo hadal walba oo afkooda aan xishoon ka soo baxa yaa u sheega hadii ay jirto cid la cafiyay iyaga la cafiyay.

Yaa ugu dhaarta gacan ku dhiigle siilaanyo in awdal, gabiley iyo salal ay leeyihin beesha reer sheekh samaroon oo ah hormuudka somaliyeed oo hadii ay damcaan inay goostaan dhulkooda maamulna ka dhistaan aynan ka hadli karin isaga iyo intii la hal maashaba, had iyo jeer waxay beesha dhexe ku hadaaqaan dalka dhiig ayaan u soo cabnay oo reer awdal kama hadli karaan kkkk yaab !!! toloow ma waxay moogan yihiin in ay lahayn dhulkan hadii dhiig ama kaadiba u soo cabeen dhul kooda ayay u soo cabeen not dhul ay leeyihiin dadyawga awdal.

Waxaa wanagsan in mar walba xaqiiqda laga hadlo reer awdalna cid u dabo fadhiisan mayso in ay dhulkooda goostaan ama ay muumushaan taasi waa cirkoo dhiig ooyay ayay ka tahay, waxaad la yaabaysaa odaygooda suldaanka ah iyo kooda sheekha ah iyo kooda dibjirka ahba si ayay u wada hadlayaan.

Walee siilaanyo waxaan ku waanin lahaa siilaanyooy balaayo kaa jiifta la iskuma toosiyo ee dadkani reer awdal inta aad samaan kaga qaadid colaad kaga qaadi maysid ee hadii aad ogoshahay in dalka loo sinaado oo nabad lagu wada daganaado reer awdal waxay ay kaa mudan yihiin ee ay xaq u leeyihiin waa inaad siisaa, madaxwayne ku xigeen magac u yaal ah iyo laba wasiir oo aad ugu talo gashay in ay tolkaaga dhulka u saxiixaan walee inaanad ku shaqaynayn ee saamiga ay beeshaadu hesho mid leeg waa inay heshaa awdal waayo somaliland waxaa wada dagaa waa laba beelood oo kala ah samaroon iyo isaaq beelaha kale waa ku dhif hadii aad diidana walee inaanad koob shaaha ka cadaysanayn awdal, inaad dhahdo beeshayda isaaq waa inay wax kasta heshaa beelaha kalena ay na dabo socdaan lagaa yeeli maayo oo nabada intaas oo sano lagu fadhiyay ayay dhaawacaysaayee waxayna  noqon doontaa qof waliba meesha uu ka yimid inuu ku noqdo.

Xasuusnoow somaliland waxay ay ku dhisan tahay magaca samaroon ee qabiil qaran ma noqdo, HA IS ODHAN CIDI KUMA ARKAYSEE CALOOSHA BUUXSO.

Hadalkii iyo gabagabadii dadka reer awdal kaa yeeli maayaan aflagaado iyo cabudhin ee siilaanyooy DHUBUQ DHUBUQDAADA HORE DHABANO HAYS DAMBE AYAY LEEDAHAY, Ogoow in reer awdal ay tashadeen maanta laba mid ayay noqon AMA HASHA WAA LA WADA MAALI AMA WAA LA KALA MAALI oo cid kastaba inta ay ka hesho ayay bismilaysan.

Reer awdal waxaan dhihi lahaa dantiinu hadii aynan ku jirin dawaladan beelaysan waa inaad muraayadaha ka dalacataan bal halka ay gaadhaan ayaa la arki doonaa siilaanyo iyo beeshiisuba waxaan hubaa inay bahalnimadii aanu ka dawaynay ay dib ugu laabanayaan oo ay is diiranayaan sidii caadaada u ahayd.

WABILAAHI TAWFIIQ……

SACIID MAXAMED NUUR

KUALA LUMPUR (MALAYSIA)

ZAMIIR_4@HOTMAIL.COM

Login