September 29, 2010

Qaar Ka Mid ah Dhalinyarada Iyo Wax-garadka Gobolka Sanaag Oo Canbaareeyay Xad-gudubka Gudoomiyihii Baanka Somalialnd C/raxmaan Ducaale Xukuumadu Kula Kacday.

Annaga oo ka mid ah dhalinyarada iyo waxgaradka Gobolka Sanaag, waxaannu aad uga xunnahay sharaf-darrada shaqsiyeed ee lagula kacay Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland, kaasoo ahaa Abbihii Banka Somaliland, lugahana u taagay  dhaqdhaqaaqa lacageed ee Baanka Somaliland illaa maanta ku shaqeeyo.

Iyada oo aanay jirin lacag u daabacnayd Somaliland xilligii uu shaqadaas ummadda u bilaabay. Cabdiraxmaan Ducaale waxa uu ahaa muwaaddin si wanaagsan u gutay waajibaadkiisii ka saarnaa xilkii uu ummadda u hayay, isla markaana ku baahiyey guud ahaan dalka laamaha Baanka Somaliland.

Waxaannu aad uga xunnahay, halkii laga siin lahaa billad-sharaf uu ka mutaystay ummadda reer Somaliland in lagula kaco tallaabo lagaga xayuubinayo karaamadii iyo sumcaddii uu ku dhex lahaa ummadda reer Somaliland. Taasoo aanay ahayn in lagula kaco shaqi noocan oo kale ah.

Ka sokow sumcad-darrada lagula kacay Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland sidaannu BBC-da ka dhagaysanay waxa noo caddaatay in Guddoomiye Cabdiraxmaan iyo Laba Wasiir oo ka tirsanaa dawladdii hore isku haybna ka soo wada jeedaan ay u muuqato in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo daba-galkooda diiradda saarayso. Taasoo u muuqata mid aargoosi ah, isla markaana horseed u noqon karta cawaaqib-xumo ku timaadda nidaam-xibiyeedka iyo dawladeedka Somaliland. Ka dib marka sidaas oo kale dad gaar ah si khaas ah loo ugaadhsado.

Sidaa darteed, waxaannu soo jeedinaynaa haddii arrinkaa foosha xun ee ugubka ah aan raalli-gelin laga bixin inaannu u arki doonno tallaabo dawladdu isku raacsan tahay. Ugu dambayna waxaannu leenahay Cabdiraxmaan Ducaale ma geyo tallaabada lagula kacay.

Magacyada maqaalka ku saxeexan.

1- Maxamed Maxamuud Muuse

2- Maxxamed Xasan Cabdillaahi (Hadhyare)

3- Axmed Cali Dhawaaq

4- Axmed Yuusuf Maxamed (Doonyaale)

5- Maxamed Axmed Cabdi (Dooxo).

Login