September 29, 2010
Hargaysa: Wiil Iyo Gabadh Dhallinyar Ah oo Xalay Toogasho Lagu Dilley
Hargeysa (Harowo) - Alle ha u naxariistee Guuleed Muuse Xaaji. Cali oo da’adiisu tahay 18 jir iyo Hana Xuseen Sheekh Cumar oo da’adeedu ahayd 22 jir, ayaa xalay cawaysinkii u geeriyooday rasaas uu oodda kaga qaaday Nin Dukaan ku haysta Xaafadda Cabbaaye Degmadda Gacan Libaax ee magaaladda Hargeysa.
Mulkiilaaha Dukaanka ayaa falkan gaystay xili sida la sheegay ay Dukaankiisa oo uu ku sugnaa ay isla soo galeen kooxo dhalinyaro ah oo is baacsanayay, kuwaas oo uu uga shakiyay inay boobayaan meherada, waxaana qori uu la soo baxay oo uu si ka dis ah u riday cuskaday labadda marxuum oo dhimashadooda sababtay. Badhasaabka Gobolka Moreedi-jeex (Hargeysa), Md. Axmed X. Cabdilaahi Xamarje oo aanu khadka taleefanka kula xidhiidhnay si uu faahfaahin uga bixiyo qaabka ay dhacdadaasi u dhacdey, iyo in la hayo cidii falkaas geysatay ayaa waxa uu yidhi; “Arrintaasi waxay u dhacdey Nin lagu magacaabo Xuseen Cabdi Wacays oo Dukaan ku haysta Xaafadda Cabbaaye ayaa ka shakiyey Dhallinyar yaacaysa oo qaar ka mid ahi ay Dukaankiisa soo galeen, waxaanu ku riddey Xabbad kaliya oo isku martay Guuleed Muuse X. Cali iyo Hanna Xuseen Sh Cumar, markaa Inantu waa 22 jir, Inankuna 18 jir waanay geeriyoodeen labadaa dhallinyarta ahi, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu Ciidanka Booliska Somaliland ku ammaanay sidii si degdeg ah oo uu sheegay inay markiiba dhacdadaasi uga hawl galleen, gacantana ugu dhigeen ciddii falkaa geysatay oo uu sheegay in lagu hayo xarunta baadhista danbiyada ee Ciidanka Booliska (CID)-da ee magaalada Hargeysa.
Mulkiilaha Dukaanka ee la sheegay inuu dilkan gaystay oo lagu magacaabo Xuseen Cabdi Wacays da’adiisuna tahay 50-jir, ayaa meheraddiisa oo ah Dukaan Booshariya oo ku yaal Xaafadda Cabbaaye dagmada Gacan Libaax ee Magaaladda Hargeysa, sida Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex noo xaqiijiyay labada Marxuum ee Wiilka iyo gabadha ah ku riday hal Xabbo oo rasaas ah, taas oo isu martay ama isaga gudubtay labadaa dhalinyarta ah oo la sheegay inay wakhtigaas hor taagnaayeen Dukaankiisa.
Mulkiilaha ayaa sida la sheegay ka shakiyey dhallinyaro badan oo yaacaysay inay Dukaankiisa boobbaan, kuwaas oo la sheegay qaar ka mid ahii gudaha ugu soo xaroodeen Dukaanka.
Bilihii u danbeeyay waxa magaalada Hargeysa xiliyada Habeenkii ka jira tuugo iyo kooxo dhalinyaro ah oo dadka ku baadha jidadka iyo meelaha madow, kuwaas oo ku hubaysan faashash iyo tooriyo, isla markaana gaystay wakhtiyo kala duwan dil, dhaawac iyo boob hantiyeed, dadweynuhuna si wayn uga qayliyeen, waxaanay Dhacdadan iyo kuwo kale oo mudooyinkii ugu danbeeyay dhacayay ay muujinayaan sida dhibaatada iyo baaxada cabsidaasi isu soo tarayso uguna dhex fiday dadweynaha, mana muuqato ilaa hada talaabo iyo hawl gal wax lagaga qabanaayo xaaladan adag oo ay qaadeen ciidamada Booliska Somaliland iyo laamaha nabad galayadda ku shaqada lihii Si loo dabro.
Wargeyska Hargeysa Star
