September 29, 2010
Burco Oo Noqotay Magaaladii 2aad Xukuumada Siilaanyo Ciidamo Tira Badan Dhoobto Iyo Argagaxa Shacabka Hadheeyay
Burco (Harowo) - Magaaladda Burco ayaa labaysay Boorama, isla markaana ciidamo tira badan oo argagax galiyay shacabka la dhoobay meel kasta oo magaalada Ka mid ah, sida Wararka laga helayo magaaladda Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer daaha ka rogeen waxa boqolaal ciidamo kala duwan ah la dhigay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada dhexdeeda, taas oo aragagax iyo cabsi balaadhan ku abuurtay haweenka iyo caruuta sida caadiga ah ugu noolaa magaaladdas.
Talaabadan ciidamada lagu dhoobay xaafadaha shacabku degan yihiin ee magaalada Burco ayaa ka danbaysay, ka dib markii xukuumada Axmed Siilaanyo ka war heshay shirar iyo is abaabuul shacbiga magaaladaasi labadii cisho ee la soo dhaafay ku jireen, kuwaas oo lagu diyaarinayay mudaharaadyo salmi ah oo lagaga cabanayo go’aanka xukuumadu ku beegsanayso masuuliyiintii gobolkaas ee dawladii hore isla markaana xoriyadiisa aasaasiga ah kaga qaaday Gudoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Md. C/raxmaan Ducaale.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ayaa si wayn uga cadhooday go’aanka xukuumada Axmed Siilaanyo, kaga joojisay Gudoomiyihii hore ee baanka Somaliland C/raxamaan Ducaale oo laga hor joogsaday safar uu magaalada Jabuuti ku tagayay, halkaas oo isaga iyo gudoomiyaha cusub ee baanku kula kala wareegi lahaayeen dokomantiyo iyo laamaha baanka dibada uga furnaa.
Sidoo kale waxa xukuumada Siilaanyo ay ku dhawaaqday in la baadhayo Wasiirradii hore ee Maaliyada, Hawlaha guud iyo xisaabiyihii hore ee qaranka oo dhamaantood isku beel ay ka soo wada jeedaan, gudoomiyaha baanka arintaas oo u muuqata mid aargoosi ah, isla markaana la doonayo in masuuliyiintaas ceeb iyo canbaarayn loogu sameeyo.
Hadaba markii wararkaasi soo baxeen waxa magaaaladaas iyo magaalooyin badan oo Somaliland ah ka bilaabmay kulamo beelaha iyo wax-garadka beelaha masuuliyiintaasi ka soo jeedaan kaga arinsanayaan jawaabtii laga bixin lahaa iyo sida talaabooyinkan oo kale u yihiin qaar wax u dhimaya dimuqraadiyadii iyo dedaalkii badnaa ee Somaliland halkaa lagu soo gaadhsiiyay.
Inkastoo aanay jirin wax talaabo ah oo ehelada masuuliyiintaasi qaadeen iyo wax jawaab ah oo ilaa hada ka soo yeedhay hadana cabsi kulamada lagu eegayay sida wax u socdaan ee dad kala duwani yeesheen waxay ku keentay xukuumada sas iyo cabsi badan oo saamaysay masuuliyiinta ugu sareeya dawlada oo ka baqanaya in cadho shacbigu dareenkooda kaga muujiyaan arimahan, taas oo keentay in boqolaal ciidan ah ay dhex dhoobaan xaafadaha maatida iyo dadka rayid ahii ku nool yihiin kuwaas oo iskuuladii iyo xoogsigoodi ay quutal daruuriga kula soo baxayeen ka hor joogsaday maanta.
Lama garanayo inta ay xaaladani sii socon doonto hasa yeeshee waxay ku soo beegmaysaa xili talaabooyin dhamaantood fashil iyo fadeexad ku danbeeyay qaarna hore xukuumadu ugu talaabsatay kuwo kalana ku hawlan tahay, waxaanay Burco noqonaysaa magaaladii labaad ee Xukuumadu cabudhin iyo cadaadis kii ugu xumaa abid ee Somaliland shacabkeeda la saarto kula kacdo, taas oo Magaaladda Boorama imika wali ku soconaya.
Harowo Desk-news: Burco, Somaliland
