September 29, 2010
“Madaxweynaha Waxaan Ka Doonayaa Magdhowga Ri’ Ay Iga Jiidheen Baabuurtiisu.” Hooyo Canab
Hargeysa (Harowo) - Mid ka mid ah Hooyooyinka Reer Somaliland oo degan magaalada Hargeysa ayaa cabasho ka muujisay sida ay Madaxtooyadu ula dhaqantay, oo ay saluug ka muujisay fulin la’aan iyo balan xumo ay ugu dareen ri ay ka jiidheen oo magdhow madaxtooyadu u balan qaaday aan ilaa wali laga siin, isla markaana ridaas oo irmaanayd ay curyaantay oo dawaynteeda iyo badbaadinta nolosheedu ugu biirtay xaaladeeda nololeed.
Warka cabashada ah oo uu daabacay maanta Wargeyska Hargeysa Star ee ka soo baxa magaaladda Hargeysa cadadkiisi maanta oo Arbaca ah soo baxay waxa uu u dhignaa sidan hoos ku qoran.
Hooyo Canab Axmed Ibraahin waa hooyo dan-yar ah, waxay la daalaadhacaysaa sidii ay u dabooli lahayd daruuriyaadka ama nolol-maalmeedka Ubadkeeda, wuxuu waayaha adduun badey inay quutal-daruuriga uga soo saarto Maqaaxi Shaah laga cabbo oo ku taalla Sakadda la gudboon Cusbitaalka Edna ee magaaladda Hargaysa.
Waxay quudisaa Ri dhaawac ah oo ka mida dhawr Neef oo Ri’yo ah oo ay haysato, ka dib markii uu jiidhay ama taayirka mariyey mid ka mida Baabuurta ilaallada Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xilli uu maraayey waddada hor marta Edna Hospital oo uu ku hawlanaa Olalaha nadaafadda ee bilawgii bishan dalka laga fuliyey, ka dib markii Madaxweynuhu ku dhawaaqay oo Dabcan laftiisu ka qaybqaatay.
Hooyo Canab Axmed Ibraahin waxa kale oo ay sheegtay in markii Ri’deeda uu gaadhigu jiidhay ay isla markiiba u tagtey Guddoomiyaha Waaxda Iftin ee Degmada Axmed Dhagax, kaas oo ay ka codsatay inuu wax ka qabto shilka soo gaadhay Ri’daas. “Waxaan u taay Guddoomiyaha Waaxda Iftin ee degmada Axmed-dhagax, madaama oo uu inoo dhaxeeyo Xukuumada, hase yeeshee Guddoomiyaha Waaxdu waxa uu iigu jawaabey oo uu igu yidhi ‘Arrintaa shaqo kuma lihi’.” Sidaa ayey tidho Canab Axmed Ibraahin oo Ri’da dusheeda shalay kula kulmay mid ka mid ah Wariyayaasha HargeisaStar.
Hooyo Canab waxa kale oo ay sheegtay in wakhti xaadirkan ay Ri’deedu jajaban tahay, isla markaana ay dhaawac weyn qabto, taas oo sabab u noqotey in aanay dhulkaba ka kicin, waxaaney iyada oo sharraxaad ka bixisey dhaawaca Ri’daas gaadhay; “Baabuurtu xoog ayey u socdeen, waanay is garab yaacayeen, Ri’deyduna heereerta waddada ayey maraysay, markaa waxa jiidhay mid ka mida Gaadiidkii ilaalinaayey, markaa Madaxweynaha Waxaan Ka Doonayaa Magdhowga Ri’da ay Iga Jiidheen Ilaaladiisu, illaa imikana cid igu soo noqota maan arag Gaadhigii shilka galayna muu istaagin ee wuu iska socdey.” Ayey tidhi Canab Axmed, waxaanay iyada oo hadalkeeda sii wadata intaa ku dartay oo ay tidhi; “Markaa, shilka Ri’deyda ku dhacay sidaas ayuu ahaa, waxaanan Rideyda u haystaa Madaxtooyadda oo Gaadhigii jiidhay waxa uu saarnaa Askarta ilaalada u ah Madaxweynaha. Aniguna ma gaadhi karo, laakiin waxaan rejaynayaa inay farriintaydu gaadhi doonto, ka dibna ay wax igaga soo noqon doonaan.”
Si kastaba ha ahaatee, Hooyo Canab waxay sheegtay inay qaar ka mid hawl-wadeennada Qasriga Madaxtooyada oo uu ka mid ahaa Madaxa Gaadiidka madaxtooyada Mr. Abshir, hase ahaatee, wax uu uga qabtay jirin, isla markaana ballan-qaad uu u sameeyey ka dib ka qaban waayey taleefankiisa gacanta oo ay sheegtay inay dhawr jeer oo kala duwan ka wacday.
Harowo News-Desk: Hargeysa, Somaliland
