September 28, 2010
Caddaalada Somaliland: Qudhaanjoy ku Quuso
Shalay Wuxu wasiirka ciidamada qaranka “Somaliland” soo saaray amar uu kaga qaadayo xilka taliyihii xeebaha geelbeedka “Somaliland”, Kornayl Maxamed xudhuun oo degaan ahaan ka soo jeeda beelaha gobolada Awdal iyo Salal, isla markaana halkiisii ku bedelay sarkaal ka soo jeeda beesha uu wasiirka laftiisu ka soo jeedo ee Jibril Abokor, oo muddo dheer muran-dhulleedka Ceelbardaale ka dhexeeyey iyaga iyo beesha ay dariska yihiin ee Reer Nuur, Gadabuursi.
How insensitive Ahmed Silanyo can be! Sida aynu dhammaanteen la wada socno, janaraal Nuux Taani waa sarkaalka keliya ee ka badbaaday seefti Axmed Siilaanyo ee kurka ka jirtay dhammaan shaqaalihii dawladihii kala horreeyey, lagaga soo billaabo Cabdiraxman Tuur illa Rayaale, oo saamaaaysay taliye ciidan illaa bidhi-walle.
Waxa dad badan o reer “Somaliland’ ahi, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Awdal iyo Sala is weydiinayaan muxuu Jenaraal Nuux taani ku mutaystay innu sii hayo jagdan.
Dad badan oo reer Awdal/Salal ku sugan ayaa aaminsan in Janaraal Nuux Taani waxa ka ogaa, amaba si dadban ugu lug-lahaa fal-dambiyeedkii dad-qalatada reer Gabiley ka fuliyeen waddada u dhexaysa Kalabaydh iyo Dilla ee lagu dilay afar nin oo reer Awdal ah, meydkoodiina loo googooyey sida dugaagu u hayl haylo ugaadha.
Maxaa yeellay falkan anshaxa dadnimada ka fog waxa fuliyey dad-qallato ka soo jeedda beeshiisa, xogtan fal-dembiyeedkan ku gadaaman Reer Gabiley iyo Maroodi jeex oo dhammi way ogyihin, dabcan isna wuu ogaan kara maadama uu yahay masuulka ugu sarreeya ciidamadda Somaliland. Xattaa Faysal Cali Warraabe ayaa qiray inay Hargeysa joogaan dad-qalatadani.
Waxa kale oo dhammaan laga wada dheregsan yahay in Axmed Siilaanyo iyo Nuux taani ay xidhiidh sokeeya oo siyaasadaysan lahaayeen doorrashaddii madaxweyne-nimada loogu tartamay ka hor iyo kadib-ba, oo weliba ay u qorshaysnayd (sida warar xog oggaale tibaaxeen) in afgambi ciidan lagu qabsado Somaliland haddii ay ku guuldarraystaan doorashadda madaxweynenimada.
Haddii dhammaan shaqaalihii dawlada ee sar sare iyo kuwii hay-adaha dawliga ah( civil servants) la dareeriyey si dawladda looga sifeeya waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay dad musuq maasuq ku sifoobay oo ka soo jeedaa maamuladdii hore, muxuu Nuux Taani kaga duwan yahay raggan qoorta laga guray? Waxa muddaba isa soo taraysay in dawladda cusub ee Siilaanyo ku jirtay aar-goosi (revenge mission) ay ka gudaynayso cid kastoo la soo shaqaysay Daahir Rayaale iyo madaxweynayaashii ka horreeyey (witch hunting), taasaana ay sababtay in dhammaan kurka laga guro maddaxda hay-addaha dawlada iyo kuwa hoos tagaba (decapitating mission).
Waa wax iska caadi ah in xukuumadaha cusubi samaystaan dad ay ku kalsoon yihiin oo shaqada u fuliya sida ay wax u rabaan, laakiin marnaba ma dhacdo in la yidhaa maca jamaaca rahama oo mar qudha ooda laga qaado shaqaale dhan oo boqolaal gaadhaya, waa sida xukuumada Siilaanyo samaysay welina sii waddee.
Waxaa maanta la soo dhoobay ciidammo beelaysan oo loola dan leeyahay in lagu cabadhuyo debad-baxyada la filayo inay ka dhacaan dhammaan magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolka Awdal iyo Salal.
Tani miyaanay ku xasuusin Karin askartii la soo dhoobi jirey magaaloyinka Hargeysa iyo burco xilligii kacdoonkii SNM-tu ka socday magaalooyinkan kor ku xusan? Awdal ma mustacmarad xoog lagu qabsadayba siddee ciidan-beeleed loo dul dhigaa?
Miyaanay ka shidaal qaadan karin shaqaaqooyinka ka socda dhulka Sool iyo Sanaag? Mise waxay aaminsan yihiin in aanay Reer Awdal karin? Miyaanay isaga qudhiisa iyo ciidan-beeleedkii uu watay ahayn kuwii qaybta libaax ka qaatay dhicitaankii dawladdii awooda badanayd ee Siyaad Barre? Maxadweynuhu Illowsha dhawaa.
Reer Awdal maxaa la gudboon?
Iyagoo lagu xumaynayo maddaxweynihii hore - waa Daahir Rayaale e - oo aan isaga laftiisu wax la sheegi karo u qaban Reer Awdal , misna beelaha Barigu ku tuhmayeen in fandhaal lacag ah lagu quudiyo (fed by silver spoon), ayaa haddana Siilaanyo si gaar seefta ula dhex kacay shaqaalihii muhiimka ahaa ee dawladda, gaar ahaan kuwii ka soo jeeday beesha Rayaale - Gadaboursi. Xattaa Ambaasadoorkii keliya ee Awdal ka soo jeeday oo lahaa khibrad diblamaasiyaadeed oo aan ciddna la bar bar dhigi Karin (unparalleled diplomatic prowess) way la kacday, waxana lagu bedelay wiil yar oo dhalinyara oo xataa dawladda Ethiopia saluugtay aqoontiisa diblomaasiyadeed (diplomatic credentials) una aragtay in lagu yasayo xidhiidhka ay leedahay “Somaliland”(downgrading).
Marka horreba Somaliland goon-isu-taageedu wuxu ahaa mid dhuunta laga geliyey beelaha madasha joogay, beel qudhina soo abaabushay oo lagu dhawaaqay uun iyadoon aan la tixgelin dhamman duruufaha ka iman kara, wada-tashi buuxana aan lala samayn beelaha kale ee geyiga degga, laguna xisaabtamin cawaaqib xummada iyo dareenka ka iman kara beelahaa iyaga ah. Xattaa sida goobjoogayaashii shirkii Burco lagu qabtay ka marag-kacayaan, arrintu waxay ahyad: ciddii diidan gooni-isku-taaga Somaliland farta ha taagto. Ayaa farta taagi kara marka day day iyo jabhad illa ilka ku hubaysanni kugu xaydaaman tahay? Iyagoo nabadda fiiranaya ayey reer Awdal iyo beelaha kale ee halmaala oglaadeen in kula noolaadaan walaalahooda kale nabad iyo jaar wanaag, mustaqbalka fog wuxu keeni karana la dhawro.
Waxa la yidhi daadkaan maddaxiisii arkayo mijihiisuna maxay noqon doonaan. Dawlada Somaliland ee hadda jirta iyo tu soo socotaba waxa uga soo naasa-cad reer Awdal ma jirto. Xattaa jago maddaxweyne oo lagu siiyaa wax ay soo kordhinaysaa ma jirto - haba sheegin - maxaa yeelay wuxu noqonayaa uun nin xabsi ugu jira beesha geella soo dhacsatay sidaynu horre u soo aragnay. Wasiir halkan ama halkeer laga siiyaa waxay anfacaysaa uun nink kolba kursiga ku fadhiya.
Waxa loo baahan yahay innaad dantiina gaar ahaaneed meel uga soo wada jeesataan oo aad ka fogaataan habacsannaanta iyo qayb qaybsanka xukuumaddan Somaliland dhexdiina ku abuurtay. Maxaa innoogu wacan illa intiia Soomaali jirtay in cid kale uun loo daba fadhisato dannahiina gaarka ah? Ma dawladdan aan cidna aqoonsanayn ayaad u habranaysaan oo weliba caddaalad darradii ay kaga cabanaysay xukuumaddii Soomliyeed ee dhulka la dhigay iyadu ku dhaqmaysa? Ma maddaxtooydan Xirsi tooriille middida la hor fadhiya ayaad wax ka dhawraysaan. Aniga oo aan cidna farta si gaar ah ugu fiiqayn haddana waxad moodaa in shakhsiyaad dantooda uun u shaqaysanaya oo aan beel keliyana ku koobnayn ay durbaan baas u tumayaan reer Awdal/Salal.
Gebagebo iyo Gunnaanad
Reer Awdal waa dad ku caambaxay nabad-ku-wada noolaashaha beelaha la jaarka ah, mana rabbaan in hadallo mac macaan lagu sabo (lib services) ama siddii abeesada in marna la qaniino marna la afuufo. Rabbitaankoodu waa caddaalad buuxda oo dhammaan loo wada siman yahay (tutti dovrebbero essere uguali davanti alla legge) iyo mashruucan fadhiidka ah ee Somaliland ee Reer Awdal uun laguu madadaalinayo oo dib loo eego (revisiting the unilateral declaration). Reer Awdal dad iyo dal aanay waxba ka aqoon ayey madax madax u galaan, midhihiina hadday guranayaan. Xudhuun tegitaankiisu waa tusbax furtay, seefta Siilaayana way socon doontaa illa la gaadho marxalad la mid ah tii uu ka gabyey halgamaagii iyo geesigii weynaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan markii uu tiriyey tixdan hoos ku xusan:
“Marka hore dabkuu idinka dhigi
Dumar sidiisiiye
Marka xigga dusha idinka raran
Sida dameeraha e
Marka xigga dalkuu indin ku odhan
Duunyo dhaafsada e”
Anna waxan ku daray:
“Marka xiggana Ceelbardaaluu ku darsan
Degaladii horre e
Dilla iyo Lughayaabe
Loo dam leeyahaye”
Erayadan ma guuraanka ah waxay ka soo burdaqeen maskaxdii geesigii iyo halgamaagii weynaa ( Allaa Weyne) ee Somaliyeed Sayed Mohamed Abdulle Hassan, Illaahay jannadii Fardowsaad ha ka waraabiyee.
Sayidku gabaygan wuxu ku guubaabinayey ummadda soomaaliyeed ugana digayey cawaaqib xummada iyo khatarka ay kala kulmi doonaan gumeysiga Ingiriiska, oo xilliga qaar Soomaalida ka middi u dhega-noglaayeen, una hiilinayeen.
Soomaalidu waxay tidhihaadaa qofkaan waxa jooga garanin ma garto waxa soo socda. Iyadoo waxaa oo dhammi jiraan maanta ayaa haddana, nasiib darro, waxa muuqata in yar oo fara ku tiris ah oo aan beel keliya ku koobnayn oo reer Awdal ah oo ka faa’ideysanaysa duruufaha adag ee soo kala dhexgalay Awdal iyo dawladda reer Hargeysa. Reer Awdal waxa laga rabaa inay muujiyaan isku-duubni la mid ah tan ay durbaba muujiyeen oday-dhaqammeedyadooda iyo Suldaannadoodu.
Mohamed F. Yabarag
Email: myabarag@yahoo.co.uk
