September 7, 2010
Xisbiyadda UDUB Iyo UCID oo Canbaareeyay Mudo Kordhinta Golaha Guurtidda ee Golayaasha Baarlamaanka Iyo D/Hoose
Hargeysa, (Harowo) - Labadda Xisbi Qaran ee UDUB iyo UCID ayaa arin sharci daro ah, isla markaana baal marsan heshiiskii sadexda xisbi isla qaateen ku tilmaamay mudo kordhin maanta golaha guurtidu u kordhiyay Golayaasha Wakiiladda, Degaanka Iyo Guurtidda.
Madaxweyne Ku xigeenkii hore ahna ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga UDUB oo warbaahintu wax ka waydiisay sida ay xisbi ahaan u arkaan Mudo kordhinta Guurtidda Ee Golayaasha Degaanka Iyo Labadda Gole Baarlamaan ayaa ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin, kana duwan wixii la isku ogaa ee sadexda xisbi isla qaateen “Sadexda Xisbi qaran iyo komiishanka doorashooyinka ayaa u balansanaa in 15 Septem 2010 ay isugu yimaadaan kulan ay kaga arrinsanayaan arrintan (Muddo Kordhinta Baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka), Hasayeeshe muddo kordhintan ma noqonayso mid la aqbali karo. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu gowracay taladii loo balansanaa, in la isaga yimaado (UCID, UDUB iyo KULMIYE iyo komiishanka) ee la xidhiidhay muddo kordhinta.” Ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku
Sidoo kale wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa isna ku tilmaamay mudo kordhintan guurtida mid ka duwan wixii la isku ogaa, isla markaana waxa uu Mr. Cawil Su’aal ka keenay sababta iyadoo lagu heshiis ahaa, in kulan la isugu yimaado oo la isla eego arinta uu Mr. Siilaanyo u degdegayo una door biday inuu waraaq u qoro Guurtidda
Xisbiga Cadaaladda Iyo DAryeelka ee UCID ayaa dhinacood si kulul u canbaareeyay mudo kordhintan kuna tilmaamay mid meesha ka saaray wada tashigii iyo wada shaqayntii xisbiyadda, isla markaana xisbiga UCID waxa ay ku tilmaameen mid aan la garan Karin ujeedadda ka danbaysa iyo waxa dedejiyay Axmed Siilaanyo
Dhinaca kale shacbiga Somaliland ayaa ka amakaagay talaabadan guurtidu qaadatay iyo dalabka Axmed Siilaanyo kaga codsaday in mudo kordhin loo sameeyo golayaasha, maadama oo uu isagu ahaa, kii ugu necbaa mudo kordhinta kuna tilmaami jiray, Golaha Guurtidda kuwo xaaraan ah.
Waxa muuqata in Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku talaabsaday wax uu khalad iyo sharci daro ku tilmaami jiray xiligii uu mucaaridka ahaa, sidoo kale waxa uu Mr. Siilaanyo baalmaray wada tashigii iyo balantii xisbiyada qaranku isla qaateen.
Harowo Desk-news: Hargeysa, Somaliland
