September 7, 2010

Talo Walaatinimo oo Tolnimo Ilaahayna Ha Idnku Anfoco - Aamiin

Walaal waxa igu kalifay inaan warqadan idiin sooo diro dhibaato aaan arkayo oo soo socota taasoo  noqonkarta nusqaan iyo dhib ayna soo  kaban karin bushada samaroon. wallaal waxaad ogtihiin in soomaliland uu haysan jiray madaxwayne Daahir Rayaale.

Hadaba midadii uu rayaale joogay waxaa si wayn u mucaaradi jiray labada Website ee Bakipress iyo saylicipress ku waaas oo marmarka qaarkood ka bixi jiray xadka mucaaradada hadaba sikastaba ha ahaatee rayaale waa tagay waxaa inoo badalay madaxwayne ku xigeenka Md. C/raxmaan saylici hadaba maaalinkasta oo aaan furo website yadii Rayaale daageeri jiray sida Harowo.com iyo saylac.com waxaan ilaaahay aan ka baryaa inayna igaga soo bixin maqaalo lagu aflagaadaynayo m/kuxigeenka C/raxaan saylici, laakiin nasiib wanaag waxaan arkaa markasta iyaga oo siilanyo ku dhilaya laakiin aan sooo hadal qaadayn m/kuxigeenka taasna walaahi waxaaan u arkaa raganimo iyo dadnimo waanagsan. Waaayo waxaan ka baqayay inay ka argoostaan bakipress iyo saylicipress oo intii ay ku odhanjireen Rayaale ay saylici ku yidhaahdaan laaakiin xaqiiiqdii gobonimo ayay sameeyeen.

Hadaba waxaan la yabanahay bakipress iyo saylicipress oo ilaa hada sii caayaya oo sii hadalhaya  Madaxwayne rayaale iyo dadkiisiiba!!!!!!!

Hadaba malagayaabaa maanta tulqaadkii ay lahaan jireen harowo.com iyo saylac.com inayna yeelan oo sidii aad u caayi jirteen iyo sikaxunba ay caawaaan M/xigeenka markaasna ceebteenu aduunka meelkasta gaadho cadowga samaroona ku raaxaysto isguna een garaaco.

Fadlan waxaan idinka codsanayaa labada website ee aan korku soo xusayoow inaad ka soo baxdaan dhufayska yaree hoose ee aad wali ku jirtaan oo manta idinka ayaa samaroon hogaamiyee aaad ka hadshaan danaha samaroon iyo waxqabadkooda,  cidii dowlada ama M/kuxigeenka mucaaridana aad u tulqaatadataan
 
Fadlan oo fadlan ka taxadiri xiisad dhexdiina ka aloosanta
Fadlan oo fadlan ka taxadira in laskukin adeegsado
Fadlan oo fadlan ka daxadira inaad jabisaan dhuuxa samaroon
Fadlan oo fadlan ka taxadira inaad isga horkeentaan dhalinyarta samaroon
Fadlan oo fadlan ka taxadira inaad inoo kala saartaan makaahiil iyo maxamadcase

Fadlan kadaxadira inaad rumaysaan waxii yaraa ee la inagu xaman jiray ee ahaa iyaga ayuunbaa is eegta oo isgu cadow ah, ogaada hadii aad maxaadcase sheegataan iyo hadii aad makaahiil sheegataan iyo hadii aaad habarcarfaan sheegataanba inaad samaroontihiin dadka soo buuqanaya websidadiinana isgugu midayaa tihiin idinmaba kala yaqaanan waxay u yaqaanaan wesitetada samaroon ama reer Awdal. waar hadii midkiin mid caaayo caydaa labadiinuba waad leedihiin hadii midkiin mid amaano labadiinuba waa leedihiin.

Websidada waxaad u furateen inaaad dadkina ugu faa’iidaysaan waxaanse ka baqayaa inaad dadkiina ku dhibaataysaan idinka oo eegaya waxaan macnolahayn iyo xafiiltan hoose oo maangaabnimo ah.

Ahmed Mohamed  -  Sweden

Email: ahmedmmfarid@hayoo.com

Login