September 6, 2010
Muhiimadda Kenya ay u Leedahay Somaliland
Baahida loo qabo in guushii doorashada ee adduunyadu u riyaaqday in laga midho dhaliyo waxa ay u baahan tahay laba arrimood:
Hawsha gudaha laga qabanayo ee la xidhiidha dhinaca adkaynta nabadgalyada, horumarinta dhaqaalaha, iyo siiba shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada si ay wadankooda u aaminaan ugana baaqdaan is miidaaminta tahriibka, dhinaca helitaanka biyo nadiif ah, kor-u-qaadka caafimaadka iyo waxbarashada iyo guud ahaan hagaajinta iyo nidaaminta habka dawladnimada (improving good governance).
Dhinaca kale, waxa loo baahan yahay in siyaasadda dibedda dardar weyn la galiyo si kor loogu sii qaado dadaalkii loogu jiray in wadankan ictiraaf (recognition) helo sida ugu dhakhso badan. Waxa muhiim ah inaynaan illaawin inay taasi ahayd ididiiladii ugu weynayd ee Somaliland ay goonida iskugu taagtay 1991-kii.
Doorashadii wadanka ka dhacday 26-kii Juun, 2010 ee uu ku guulaystay Xisbiga Kulmiye ee si fiicana looga kala wareegay hogaanka wadanka waxa ay Somaliland siisay fursad ay dedaalkii ay ugu jireen ictiraafka labanlaabaan oo ay saddex laabaan.
Hawshaa waxa habboon in laga billaabo wadanada aynu jaarka nahay iyada oo lagu xijisiinayo wadama IGAD. Ambaqaadka iyo hirgelinta arrintaasi waxa ugu muhiimsan xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia oo meel fiican gaadhay iyada oo xidhiidhkaasi uu taabanayo dhinaca nabadgelyada, socdaalka (easy travelling between the two peoples) iyo ganacsiga oo ay ugu muhiimsan tahay khadka aasaaskiisii la sameeyay ee lagu magacaabo Berbera Corridor.
Wadanka kale ee ka mid ah wadamada IGAD ee hadda xiisaha weyn u qaba Somaliland waa Kenya oo ay siyaasiyiintooda iyo aqoonyahanadoodu ay si gaar ah oo wanaagsan wax uga yidhaahdeen ugana qoreen doorashadii 26 June, 2010 ee Somaliland ka dhacday, taas oo ay ku tilmaameen mid kudayasho mudan, oo wadama Afrika ay ku deydaan.
Waxa laba goor Somaliland siyaaro ku yimid Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya, Gud. Faarax Macallin iyo wefti heer sare ah oo uu ka mid Mr Mikhusa Mituyi. Safarka hore waxa uu ahaa dabayaaqadii sanadkii 2009. Ka kalena waxa uu ahaa ka soo qaybgalkii xilwareejintii Dawladda cusub ee dhacday bishii Julaay ee sanadkan 2010.
Socdaalka ugu horeeya ee madaxweynuhu Somaliand, H.E. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dibeda ugu baxo waxa habboon in uu ka bilaabo wadanka Ethiopia. Waxa kale oo iyana muhiim ah in socdaalkaa u horeeya uu ku tago wadanka Kenya si xidhiidhka labada wadan kor loogu qaado. Dhinaca taariikhda marka laga eego Kenya iyo Somaliland waxyaabo muhiim ah ayay wadaagaan.
Marka hore, Kenya waxa ay ahayd wadamadii ugu horeeyay ee ay dad reer Somaliland ahi degaan illaa qarnigii 18aad. Ta labaad waxa ay wadaagaan Somaliland iyo Keyna taariikhdii gumaysiga Ingiriiska; wixii uu dheef iyo dhibaataba ka tegay (both its positive and negative aspects), tusaale ahaan, Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki iyo Raysal wasaarahiisa, Raila Odinga waxa ay aad u yaqaaniin taariikhda kala goonida ah ee ay leeyihiin Somalia iyo Somaliland. Iyo sababta ay Somaliland ay gooni iskugu taagtay 1991 imikana ay ictiraaf u doonayso.
Ugu dambeyntii, waxa loo baahan yahay inta xasuustii dhacdadii muhiimka ahayd ee isbedelka hogaanka Somaliland sida nabadgelyada loo la kala wareegay ay wali maskaxda siyaasiyiinta ay ku jirto in si mug leh looga faa’iidaysto. Taas oo hubaal ah inay dardar galin karto aqoonsiga Somaliland.
By Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan
